Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qeybta Saddexaad Ee Barnaamijkii Tiiraanyo Tahriib

admin by admin
November 17, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qeybta Saddexaad Ee Barnaamijkii Tiiraanyo Tahriib
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaan ku eegi doonnaa dadka ka tahriibo Magaalada boosaso iyo duleedkeeda iyo habka ay ugu suura gasho.

Marka uu qofka tahriibuhu guda galayo safarkaan silica badan uusan sinaba ugu qanac sanayn ayuu ugu horayn haddii aan ka hadalno kuwa ka tahriibo magaalada Boosaaso waxay ka ka kala yimaadaan gobol walba oo Soomaali ka mid ah, sidoo kale waxaa halkaasi looga yimaadaa dalal ku yaala bariga Afrika sida Ethopia iyo Eretria.

Dadkaan ayaa waxa ay isugu tagaan Magaalada Boosaaso maalmo yar ayaa halkaas qaarkood ama eheladooda ay macriifo yihiin ay la joogaan qaarkoodna waxa ay degaan Albeerkoyinka,  ujeedkooduna wuxuu yahay in ay baadi goobaan dadka wax tahriibiya iyo goobaha laga tahriibo .
Kadibna waxa ay gacanta u galaan kooxo muqalasiin ah oo la ii sheegay in ay aad ugu badanyihiin magaalada Boosaso, ayna leeyihiin guryo ay dadka ku sii hayaan, kooxahaana waxaa u shaqeeya dhalinyaro badan oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasi oo dadka ka kaxeeya goobaha gaadiidka laga raaco guryaha iyo hoteelada sidaana waxaa ii sheegay Cabdi Cali Bakaal oo hada ku sugan Magaalada Gaalkacyo dhowr jeerna ka tahriibay Boosaaso.

“Sxb marka Boosaaso la tago lama ogola in magaalada gudaheeda laga baxo, meel waxaa la tagaa magalada banaankeeda ah oo laysku aruursadaa, dadka mukhalasiinta ah oo dadka wada ayaanna halkaas loogu tagaa “

Bakaal ayaa intaas ku daray inay raadinta mukhalasiinta ku qaadato 8-10 maalmood, kadib ayaa la anbabaxaa” wuxuuna hadalkiisii ku sii daray inay adagtahay inaad hesho mukhalaska. “qof aad taqaanid oo meesha joogo ayaad raadineysaa asigaana kugu xiraya qofka mukhalaska ah”
Dadkaan ka tahriiiba magaalada Boosaaso waxa ay ka baxaan deegaano duleedka ka ah Boosaaso maadaama maamulka Puntland uu talaabo ka qaaday dadka wax tahriibiya dhowr goor hoo hore. Ka hor is hortaagaasi ciidamada Puntland tahriibka safar caadi ayuu ka ahaa magaalada Boosaaso iyo deegaanada hoostaga .

Si waliba uu xaalka isu badalo ama maamulku ugu dadaalay inuu joojiyo tahriibka wali saameen xoog leh ayuu ku leeyahay gobolka Bari.

Masuuliyiin ka tirsan  maamulka Puntland oo aanu ku casuumnay ka qeyb galka barnaamijkaan ayaa waxa ay ka cudur daarteen arintaasi wallow ay inoo sheegeen in laga xigan karo howsha tahriibka ahi in xagoodu ay ka tahay sharci daro.

Waxaa jira qaar ka mid ah raga wax tahriibiya oo qayaano joogta ah ku sameeya dadka safarka ah, qaarkood waxaa dadka la tahriibiyo ay geeyaan xeebo aan ka fogeyn Boosaaso, sida xeebta degmada Laas-qoray  iyagoo uga sheekeeya in ay soo gaareen xeebta dalka yemen doonyahana ay ka degaan waa kan Cali Bakaal oo mar kale arintaan ka hadlaaya.
“Dadka isku mid ma ahan kuwana si toos ah ayey kuu geynayaan kuwana waxa ay ku tusayaan nalalka magalada Laas-qoray oo ay kaaga dhigayaan inaad timid Yemen”

Dadka wax tahriibiyo ayaa leh xirfado  iyo isku xirnaan weyn, iyadoo ay adkaatay wax ka qabashadooda waxaana mararka qaar lagu tilmaama in ay yihiin sida shirkado  aad iskug u xiran oo naxariis daran.

Cali Yusuf Cali waa sharci yaqaan arintaasi aad ula socda wuxuuna ka hadlayaa siday awooda intaas le’eg ku gaareen ragga wax tahriibiya. “Dadkaan malahan xafiisyo hada magalooyinka ka shaqeeya, laakiin waxay yihiin kuwa magaalooyinka wareega”
Adan Nuur Maxamed wuxuu xafiis lagu diiwaan geliyo dadka la tahriibiyo ku leeyahay bartamaha magaalada Boosaaso wuxuuna ku doodayaa in ay iyaga yihiin mid ka mid ah shirkadaha socdaalka ah ee ka jira Soomaaliya ee aysan ahayn denbiilayaal.

“Dadka ma tahriibino mana dhoofino dadkana wxaan ka samata bixinaa burburka iyo hooga ka jira dalka, waxaana ka shaqeynaa sidaan u gaarsiin lahayn meel nabad ah, oo ay ku noolaadaan”

Badanaa dadka laga tahriibiyo xeebaha gobolka Bari waxaa doonyaha la raacayo ay ka shiraacdaan xeebaha gobolkaasi saqda dhexe habeenkii ama galinka danbe taasina wxa ay ka mid tahay xirfadaha ay isku badbaadiyaan dadka wax tahriibiya, haddaba sida howshu tahriibka ay ku bilaabato iyo waxa lagala kulmo dadka wax tahriba iyo badweynto loo adeegsaday in lagu maro doonyaha aysan tayadoodu wanaagsanayn waxaan kala sheekeestay Cabdi Cali Bakaal

“Habeenki xiliyada danbe ayaa la baxaa oo ay dadka kala jiifaan, maamulkaa diidan dadkaan bada ku dhamaanaya lama ogola,  gabdho wiilal kuli meesha ayaa lawada tagaa kadibna doonta ayaa la fuulaa, xitaa dad carruur wata ayaa jira, dalaaliinta xeebta ayay ku harayaan, naakhuudaha doonta watay iyo shacabka ayaa isku hadhaya, lacagta qofkasta laga qaadaanna waa 120 mar 150 marba waa si, doonyaha qaadkoodu waa kala gedisan yahay anaga taan raacnay waxay ahayd ilaa iyo 80 qof mid ay fuuli karaan laakiin mid 100 ayaa jirta iyo mid 120 qaada, yaanan la dhaqdhaqaanin  waxaan socnaa badweynta hindiya buuqana hala daayo si tartiib ahna haloo fadhiyo ayuu amarro aad u adag ku bixinayaa ninka wadda doontu, badannaa saddexdii goor ee aan tahriibay doontaydii waxba ma gaarin laakiin doonyo nala socday ayaa qalibmeen“

Iyadoo badda ku jiraan dadka u socda Yemen mudo ku dhow 48 saacadood haddii ay doontu bed qabtee, ayey haddan markay tagaan Yemen ay la sii kulmaan dhibatooyin kale.

Waxaanan ku soo qaadanaynaa waxay dadkaasi la kulmaan qaybteenna kale ee Tiiraanyo iyo Tahriib.
Yusuf/MH

 

Previous Post

Bad-maaxiin Pakistaaniyiin ah oo la sii daayay

Next Post

Dadaaladda lagu dalbanayo sii daynta shaqaalaha ddg oo xoogaysanaya

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Qeybta Saddexaad Ee Barnaamijkii Tiiraanyo Tahriib

Dadaaladda lagu dalbanayo sii daynta shaqaalaha ddg oo xoogaysanaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo