Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

CUDURKA DAACUUNKA OO KU SII FIDAYA XERYAHA QAXOOTIGA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
November 17, 2011
in Caafimaadka
0
Dil loo geystay laba sarkaal oo ka tirsan hay`adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankAmmaanka oo sii xumaanaya ayaa ku keenay dhibaato nolosha xerooyinka qaxootiga ku yaal Dhadhaab gaar ahaan  xerada Kaambi caws oo ah xero dhawaan laga furay degaanka Xagardheere, hawlihii adeeg ee hayaddaha gargaarku ka fulinayeen xeradaas oo gaabis ku yimid ayaa iyana keenay inay ku adkaato helista adeegyadii aassaasiga ahaa sida caafimaadka, cuntada, biyaha iwm.

Waxaanna wakhtigaan dhakhaatiirta xeryahaasi xaqiijiyeen in cudurka Daacuunku wakhtigaan ka dilaacay xeryaha Ifo, Dhagaxley iyo Kaambi Caws, cudurkaan ayaa ka dhasha nadaafad xumidda iyadoo xeryahani wakhtigaan saxadoodu tahay kuwo aad u liidata, halka roobab mahiigaan ahina ka da’ayaan, waxaa is dhex yaal qashinkii iyo bihii roobka, dhibatadaas dhinaca saxadda ah ayaa keentay in uu dilaaco cudurkaani.

Salaan Guudle Cabdi oo ah madaxa u qaabilsan deegaanka Dhadhaab dhinaca cafimaadka wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa sheegay inay 10 qof oo ay baaritaanno ku sameeyeen ka heleen cudurka daacuunka, iyadoo uu dadka waayeelka iyo caruurtaba soo ridanayo cudurkaani.

“Laba xero ayuu cudurku hadda ku daran yahay, Dhaxgley iyo Kaambi Caws ayuu hadda cudurku si daran uga jiraa, markaan xaqiijinay 5tii bukaan ee ugu horaysan inuu yahay daacuun, waxaan bilownay la tacaalid, inkastoo aysan jirin dad u dhintay”

Salaan Guudle ayaa sheegay in dadaalkastoo cudurkaan lagula tacaalayo ay hakisay dhibaatadda dhinaca amaanka ee taagani, waxaana yar isu socodka gaadiidka hay’adda gargaarka ee isaga kala goosha xeryaha qaxootiga.

Dr. Siyaad Dubad waa hawl wadeen ka tirsan hay’adda dhakhaatriita aan xuduudda lahayn ee MSF Spain, wuxuuna sheegay inay jirto nafaqo dari ba’ani, xoolo bakhtiyey ayaa daadsan xeryaha dhexdooda, iyo qashin fara badan, hay’addihii hagaajin jirey dhinaca saxadda ayaan iyagu waxba qaban karin sababo amaanka dartood.

Hay’adda qaxootiga qaramadda midoobay ee UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay in halista cudurka daacuunku ay sii  kordhayso xeryaha gaar ahaan xilligaan oo ay da’ayaan roobabkii dayrtu.

Ka sokow daacuunka dilaacay waxaa jira dhibaatooyin kale oo dhinaca nolosha ah oo ka taagan xeryahaas, gaar ahaan xeradda Kaambi Caws oo dhowaan la yegleeyey.
Haddaba weriyaheenna Dhahaab Farxaan Lafoole oo tegey xeradda ayaa wuxuu dhex maray dadka wuxuuna ka soo qaaday codadkaan;

“Aniga waxaan ahay qof waayeel ah oo jilicsan ,waxaan haystaa caruur yar yar oo agoon ah ma doonan karo raashinka maxaa yeelay aad ayay iiga fogtahay  goobta lagu qeybiyo raashinka mana haysto cid ii doonta ” sidaana waxaa idaacadda ERGO u sheegtay hooyo da,ah oo kamid ah qaxootiga ku sugan xerad Kaambi Caws.

“Anagu halkaan kuma haysano daryeelkii aanu u baahnayn, sida caafimaadka, biyaha, cuntada iwm, waxaan nahay dad naafa ah oo aan awoodin in ay soo qaataan raashinka, dhib ayaa na haysta ee ALLAAH hanaga saaro dhibaatada” sidaana waxaa yiri mid kamid ah dadka naafada ah ee ku nool xerada kaambi caws.

Waxyaabaha kale ee ay ka cabanayaan dadka ku nool xerada Kaambi caws ayaa waxaa kamid ah dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku qabaan teendhooyinki ay  ka  dhisteen xerada dhexdeeda xilli milic aad u  darani ay ka jirto degaanka ,

“Waan ku gubannay teendhada waxaan maahan guri, indhihi ayaa nahuraya waxaasina waa kulaylka ka soo baxaaya teendhada, waxaan codsanaynaa in naloo dhiso hooy ka wanaagsan teendhooyinka” sidaana waxaa ERGO u  sheegtay haweeney da,ah oo kamid ah dadka ku nool xerada Kaambi Caws.

Waxaan ahay indhoole korki oo dhan ayaa dubki iga dhacay, kulaylkaan ka soo baxaaya teendhooyinka ayaana ugu wacan,waa hur iyo kuleyl sidii foornada oo kale , sidaana waxaa ku warantay haweeneey 85jir ah oo kamid ahayd qoysas ka soo barakacay colaadaha ka jira magaalada Muqdisho oo haatan ku sugan xerada Kaambi caws.

Si kastaba ha ahaatee xerada Kaambi caws oo qiyaastii illaa 6km u jirta xerada weyn ee Xagardheere ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka jiray dhibaatooyin bani’aadaminimo, kuwaasoo  yimid ka dib markii uu xumaaday amaankii ka jiray degaanka, taasoo sababatay in dadku ay waayaan adeegyada lagama maarmaanka u ah noloshooda, sida caafimaadka, biyaha, cuntada iyo hoyga.

Suhayba/Farhan/MH

Previous Post

Dadaaladda lagu dalbanayo sii daynta shaqaalaha ddg oo xoogaysanaya

Next Post

Oxfam oo ugu baaqday beesha calamka dar dar gelinta gargaarka soomaaliya

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Oxfam oo ugu baaqday beesha calamka dar dar gelinta gargaarka soomaaliya

Oxfam oo ugu baaqday beesha calamka dar dar gelinta gargaarka soomaaliya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo