Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kufsiga xeryaha barakacayaasha ka dhaca (xog hoose)

Radio Ergo by Radio Ergo
October 17, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Kufsiga xeryaha barakacayaasha ka dhaca (xog hoose)
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXadgudubyadda ka dhaca xeryaha ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay ee ku yaal guud ahaan wadanka ayaa ah kuwo isku mid ah, waxaanna jira dhibanayaal aan indhuhu qaban, haweenka iyo carruurta ayaana ah kuwa ugu daran ee ay saameeyaan arrimahani, kufsiga, jirdilka caruurta, ku shaqaysigooda iyo la’aanta xuquuqdooda aassaasiga ah ayaa ka dhigay kuwo u nugul wax kastoo tacadiyo ah oo ka dhan ah jiritaankooda.

Xadgudubyada kadhanka ah haweenka si gaar ahna kufsiga lagula koco oo biliihii ugu danbeeyay si weyn ayuu sare uga kacay xeryaha magaalada Muqdisho

Kufsiga oo ah galmood qasab ah oo haween lagula koco waa danbi  badanaa ka dhaca dalalka nidaamdarada ay kajiraan ama sharcigooda  aanu si hagaagsan u shaqeynin, waxaana uu falkaasi waxa u dhimaa caafimaadka dhibanaha lagula koco mararka qaarna waxaba uu sababaa geeri degdeg ah, caafimaad darro ay ku jirto khatarta cudurka HIV/AIDS.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka kufsiga uu kadhoco kiisaska danbigaasi la xiriirana waxa todobaadyadii ugu danbeeyay sare ugu kacay magaalada Muqdisho kadib markii xeryaha barakacayaasha ay soo buuxdhaafiyeen haween ugurmad mooyee aan dhibaato ku soo talagalin kuwaasi oo amaankooda uu badanaa beylah yahay

Intii aan ku guda jiray xogbaarista kufsiga laxiriira dhowr dhacdo ayaa meelo kala duwan la ii sheegay balse waxa aan u kuurgalay haweeney kamid ah barakacayaasha oo dhowr nin ay ku kufsadeen xerada ugu weyn magaalada Muqdisho ee Badbaado

Waa haweeney duruuf  adagi ay kamuuqato da’ahaanna waxaan ku qiyaasay 25 ilaa 30 jir, waxay kasoo barakacday degaaanka Qansaxdheere ee gobolak Bay, waxay ka mid tahay boqolaal ama kumaan haween Soomaaliyeed oo si arxan darro ah kufsi loogu gaystay, waxay iga codsatay haweenaydaani in magaceeda aanan warbaahinta u adeegsan, waxay ii sheegtay marqaatiyaalna ay ii cadeeyeen in afar nin oo direyska ciidanka ku labisan in ay ku dhax kufsadeen aqal Soomaali ay xerada Badbaado ku lahayd

Waa dhacdo xanuun badan waxase uu dareenkeyga kasii xumaaday iyada oo umul ku jirtay oo 25 cisho kahor dhashay ilmo yar oo markiiba cudurka jadeecada oo haleelay u geeriyooday waxanay ii sharaxday sida ay wax u qabsadeen

“Anigoo Badbaada jooga markaas lee umul kabaxay 25 (labaatan iyo shan beri) umul ku jiray ilmihiina iga dhintay, iriday iiga soo galeen 4(afar qof) ay ahaayeen, afartaba direys ciidan ayay wateen marba qof ayaa i kufsanaayay, sadaxda kalana wey joogaayeen ilaa afartaba ay iga kufsadaan, cusbitaal Banaadiraa lii geeyay gaari gacanaa Ex Koontorool la igu geeyey, saasaan halkaan ku imaaday afartaba qofna imaa dhaafin oo wey iwada kufsadeen”.

Haweeneydaasi ayaa ku calaacashay inay la kulantay dhacdo ka adag tii abaarta ee ay kasoo carartay welina aysan helin gurmad caafimaad.

“Nimanka wey i dileen garba duubay ii xireen, qori baadkii ayayna labo jeer igu dhifteen dhib badanaa I gaaray wax daawo ah oo la isiiyay maleh dhibaatadii gaajata ee aan ka soo cararay tanaa iiga weynaatay”

Awsoomow waa aabaha gabadha kufsiga loo geystay waxa uu ii sheegay in dacwado arintani ku saabsan uu u gudbiyay sarakiisha maamusha xerada Badbaado ee uu danbigan adagi ka dhacay balse aanu jirin cid weli wax ka qabaty amaba dabagal ku sameysay danbiilayaashii gabadhiisa ku gaboodfalay isagoo madaxda dowladana kacodsaday in magdhaw laga siiyo gabadhiisa waxa loo geystay

“Dowlada waxaan karabnaa in gabadhaasi ay diyadeeda bixiso sababta aan sidaasi u leeyahayna waxa ay tahay waxa nalagu dilay qoriga iyo dareeska dowlada, waanna dowlada inay na qanciso ayaan karabnaa”

Haweneyda la kufsaday iyo aabaheedba codadka aad maqleyseen waxaan uga duubay kaam ku yaala Tarabuunka ee degmada Hodan, kadib markii xeradii uu danbiga kadhacay aysan inoogu suuragalin inaan isku wareysano, laakiin Xaaji Suleymaan Cusmaan oo ah gudoomiyaha xerada Badbaado oo aan arrintani wax kaweydiiyay ayaa marka hore beeniyey, markalana codsaday in dadkale oo arintani kamudan wax laga weydiiyo, taasoo u muuqatay haddalo iska soo horjeeda.

“Ilaa iyo hada masheegi karno gabadhaasi kiiskeeda meel uu ku cadyahay waana aan dabajoognaa meeshuu ku soo cadaado taasi waxaa laweydiinaa dadka amaanka meesha ku shaqada leh in lasoo qabto taasi waa booliska shaqadiisa iyaga weydiiya”

Marka aad si hoose ugu kuurgasho dadka xerada Badbaado ku nool iskadaa beeninta dhacdadaasiye waxayba kuu sheegayaan kuwa kale oo iyaga amaan ahaan aysan shaacin karin, nin magiciisa igu soo gaabiyay Mushaariyey oo barakacayaasha xerada Badbaado ku jira kamid ah ayaa ku waramay, inuu goob joog u ahaa oo aan looga sheekeynin ilaa iyo afar haween oo xerada lagu dhax kufsaday

AAfar kufsiyaa halkaan kadhacay labaa ugu darneyd midbaa iyadoo xaamilo ah lakufsaday, midna jadeeco iyadoo qabtaa la kufsaday, labo kalana wey jireen danbiyo badan ayaa dhacay”

Kaqaybgalka warbixintaan waxaan ku casuumay guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka Soomaaliya laakiin gudoomiayaha gudigaasi xildhibaanad Xaawo Cabdilaahi Qayaad ayaa iiga cudurdaaratay, balse waxa aan kasoo xiganayaa oo ay ii sheegtay in ay hayaan kiisas badan oo kufsi laxiriira ayna u gudbiyeen gudoonka baarlamaanka Soomaaliya oo ay  sugayaan in baarlamaanka doodiisa lasoo dhaxdhigo dhowaan.

Dhinaca ururada haweenka oo iyana xogta ay arimahani ka hayaan aan baadi goob u galay waxaba ay kugu soo kordhinayaan dhacdooyin kale oo kufsi ah, taasi oo muujineysa heerka uu hada kufsiga Muqdisho kagaaray

Canab Xasan Cilmi oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka qaranka ayaa iiga sheekeysay dhacdo kale oo isla kufsiga laxiiriirta oo ka dhacday degmada Yaaqshid

“Waxaan nahay kuwa ka warhaya dhibaatada haweenka haysata, xaga kufsiga, anniga halgabaraan arkay oo kadhacday degmada Yaaqshid waxana arintaa go’aan kagaartay maxkamada ciidamada, aniga gabadhaa waan arkay kulanna waan yeelanay kiiskeeda waan diiwaangeliyay caafimaadkeedana gudoomiyaha Yaaqshid ayaan ku wareejinay”

Marwo Canab ayaa ugu baaqday haweenka inay ka kacdoomaan danbiyada loo geysanayo ayna raadiyaan habkii cadaaladda lagu horkeeni lahaa danbiilayaasha oo ay sheegtay inay maalin uun imaandoonto

Dhacdooyinka kufsioga waa kuwa shaacsan oo ka warqabkooduna uu gaaray madaxda sare ee dowlada kumeelgaarka, madaxweyne Sheekh Sharfii Sheekh Axmed ayaa mar uu arintani kahadlay sheegay in kufsiga haweenka aan la aqbali karin isgoo digniin u diray maamulada demooyinka ay xadgudubyadaasi kadhacaan.

“Arinta kufsiga iyo waxyaabaha laxiriira ma dhici karto inaan aqbalno qof Soomaaliyeed oo la kufsanayo si gaar ahna maba aqbali karno, dad barakacayaal ah oo lakufsanayo aniga masuuliyada waxbaa iga soo gaaraya marka gudoomiyii ay arintaa degmadiisu kadhacdo waa qof aan dad ahayn ‘

Maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowlada kumeelgaarka ayaa bishii tagtay dil ku xukuntay nin lagu helay inuu kufsi geystay, sidaasi oo ay tahayna danbiyadan waa ku wa si xriira u dhacaya, iyadoo mararka qaarna ayaba ku lugyeeshaan ciidamo ama maleeshiyaad dowlada taabacsan, waana arin sii siyaadeysa waxkaqabashadeena looga fadhiyo dowlada kumeelgaarka sida ay ku maareysana laga dhursugayo.

Yusuf Keynaan/MH

 

Previous Post

Dad ka soo barakacay Taabto oo gaaray degmada Dhoobley

Next Post

ADEEGYADII BULSHADA QOOQAANI OO AY DAGAALADA HAKAD GALIYEEN

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
ADEEGYADII BULSHADA QOOQAANI OO AY DAGAALADA HAKAD GALIYEEN

ADEEGYADII BULSHADA QOOQAANI OO AY DAGAALADA HAKAD GALIYEEN

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo