
Nabadoon Ibraahin Aden Xuuriye oo ka mid ah Odoyaasha degmada Ceelwaaq oo la hadlayey Idaacada Ergo ayaa waxaa uu walaac ka muujiyey dagaalkii ugu dambeeyey ee dhowaan ka dhacay degmadaasi in uu sababay barakac xoogan oo soo gaarey dad uu ku sheegay ilaa shan kun oo qoys oo ku noolaa degmadaasi,isagoo sheegayna dagaalkaasi in uu si aada ah u saameeyey nolosha dadkii danyarta ahaa ee ku noolaa degmadaasi.
Qoysaskaasi faraha badan ayuu Qaarkood tilmaamay in ay u barakaceen gudaha Kenya halka kuwa kala ay dhibaatooyin ba’an ku haystaan deegaano hoos yimaada degmada Ceelwaaq oo xilliagni ay ka taagan yihiin dhibaatooyin adag oo dhinaca nolosha ah. isagoo hoosta ka xariiqay in xoolihii dadka ay dhaqan jireen ay intooda badan ku baaba,een abaaraha ku dhuftay gobolka.
Gobolka Gedo oo ka mid ah Gobolada ay la degeen dhibaatooyinka Abaaraha ee saameeyey nolosha dadka iyo Duunyada ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa uu magan u noqday dagaalo u dhaxeeay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo iyo Xarakada Al Shabaab taasi oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac ay sameeyeen dadkii danta yaraa ee ku noolaa gobolkaasi.
A Salihi









