Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Home
  • Topics
    • Latest Stories
    • IDPS/Refugees
    • Natural Disasters
    • Health
    • Social
    • Food Security
    • Education
    • Agriculture & Livestock
  • Programmes
    • Locust Programme
    • Farming Programme
    • Radio Doctor Programme
    • Women Programme
    • Entertainment Programme
  • About Radio Ergo
  • Contact Us
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Home
  • Topics
    • Latest Stories
    • IDPS/Refugees
    • Natural Disasters
    • Health
    • Social
    • Food Security
    • Education
    • Agriculture & Livestock
  • Programmes
    • Locust Programme
    • Farming Programme
    • Radio Doctor Programme
    • Women Programme
    • Entertainment Programme
  • About Radio Ergo
  • Contact Us
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

BUUHOODLE: HOOS U DHAC KU YIMID QIIMAHA XOOLAHA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
July 1, 2017
in Uncategorized
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Hoos u dhac ayaa ku yimid qiimaha xoolaha lagu iibiyo ee suuqa degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer. Ibraahim Ismaaciil oo ka mid ah ganacsatada xoolaha ayaa Raadiyoow Ergo u sheegay neefka arriga ah toddobaad kahor la iibinayay hal milyan, afar boqol iyo toddobaatan shilin oo u dhiganta $70.  Isla neefkaas ayaa maanta suuqa degmada Buuhoodle la iibinayaa hal milyan iyo kontan kun oo shilin oo u dhiganta $50.

Qiimaha geela ayaa sidoo kale hoos u dhac ku yimid. Faarax Aadan Canshuur oo ka mid ah dalaaliinta xoolaha ee suuqa Buuhoodle ayaa sheegay in neefka geela ah ee toddobaad kahor joogay sideed milyan iyo afar boqol oo shilin oo u dhiganta $400 oo doolar in uu hadda marayo lix milyan, toddobo boqol iyo labaatan kun oo shilin oo u dhigan $320 doolar.

Hoos u dhaca qiimaha xoolaha ayaa lala xariirinayaa dagaalka Yaman ka socda oo hakad-geliyay xoolaha Soomaaliya lagaga dhoofin jiray suuqyada dalka carbeed iyo xilliga bad-xiranka oo ku beegmay xilli soon. Bisha Soon ayaa ka mid ah bilaha xoolaha ugu badan loo dhoofin jiray dalalka carbeed ee Yaman ugu horreyso, xilligaas oo dalabka hilibka xoolahu aad u kordhi jiray.

Si kastaba, xoolahu waa isha dhaqaale ee ay ku tiirsan yihiin bulshada degmada xadka Itoobiya ku taal ee Buuhoodle oo u badan dad xoolo-dhaqato ah, marka laga reebo qoysas yar oo kooban oo dhaqaale dibadaha looga soo diro. Sidaas darteed, Hoos u dhaca qiimaha xoolaha wuxuu ku qasbayaa bulshada deegaanka in xoolo badan qiimo jaban ku iibiyaan si ay u awoodaan inay helaan raashinka ay u baahan yihiin.

Xuseen Aadan oo dhowr neef oo arri ah kasoo safriyay deegaan la yiraa Car-idhaaf oo 17km dhanka waqooyi kaga beegan Buuhoodle ayaa weriyaha Ergo u sheegay in hoos u dhaca qiimaha xoolaha uu barbar socoda qiimo koror ku yimid raashinka la quuto oo sida caadiga ah kordha Soon walba.

“Lacagta aan ka helo arriga aan iibiyo waxaan ku gataa raashin iyo agabka kale ee aan u baahnahay. Maanta intaa ma awoodo waayo qiimaha xoolaha hoos buu u dhacay iyada oo qiimaha cuntada aysan jabin inay kor ku kacdo mooyee,” sidaas waxaa Raadiyoow Ergo u sheegay Xuseen Aadan.

Khadar Cawil Ismaciil

Previous Post

DISPLACED FARMERS ENCOURAGED TO RETURN TO BAY

Next Post

BAKOOL FARMERS FLEEING TO HUDUR FOR FOOD AID

Related Posts

blank
AGRICULTURE & LIVESTOCK

Farmers in Bay region suffer crop losses due to pests and disease

June 4, 2026
Silent disease diabetes takes toll on families in Somaliland
FOOD SECURITY

Silent disease diabetes takes toll on families in Somaliland

June 3, 2026
Teachers jobless as Baidoa IDP schools close due to funding cuts
EDUCATION

Teachers jobless as Baidoa IDP schools close due to funding cuts

May 22, 2026
Somalia live news, Somalia latest news, Mogadishu live news, Somali news
FF Feedback

Radio Ergo audience feedback report 14-20 May 2026

May 21, 2026
Young Somali refugees in Dadaab invest in family-supporting businesses
FOOD SECURITY

Young Somali refugees in Dadaab invest in family-supporting businesses

May 20, 2026
blank
AGRICULTURE & LIVESTOCK

Livelihoods support aids displaced households in Middle Shabelle

May 18, 2026
Next Post
BEERALLEY XUDUR U BARAKACDAY

BAKOOL FARMERS FLEEING TO HUDUR FOR FOOD AID

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Home
  • Topics
    • Latest Stories
    • IDPS/Refugees
    • Natural Disasters
    • Health
    • Social
    • Food Security
    • Education
    • Agriculture & Livestock
  • Programmes
    • Locust Programme
    • Farming Programme
    • Radio Doctor Programme
    • Women Programme
    • Entertainment Programme
  • About Radio Ergo
  • Contact Us
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo