Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan labo sano jirsatay oo ku qasabtay qoysas hor leh in ay ku barakacaan Garowe

Jibril Osman by Jibril Osman
February 14, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Faadumo Xaaji oo la gashay xerada xoolo yar oo uga badbaaday roob la'aanta/Cabdiwali Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Biyo yari, cunno xummo iyo hoy la’aan ayay boqollal qoys oo xoola dhaqato ah ku wajahayan duleedka magaalada Garowe tan iyo bishii Deseember. Roob yari jirtay afar xilli oo xiriir ah ayaa nacfi tiray xoolihii ay ku tiirsanayeen.

Abshiro Maxamed Cilmi oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in reerkeeda oo 10 ah ay ku suganyihiin nolol xumadii ugu darnayd ee ay abid mutaan. Waxaa ku adag helitaanka cunnada, biyaha iyo baahiyaha kale ee aas-aasiga ah.

Qoysas kula nool xerada jillab oo ay dad ehel ah caawiyaan ayay maalmaha qaar ka helaan kaalmo raashin bisil ama ciiriin ah oo aan deeqin qoyskeeda oo badan. Inkasta oo ay tahay waxa kali ah oo ay heli karaan, haddana waxay sheegtay in maalmaha qaar ay waayaan.

“Xaaladeenu waa adag tahay. Gabar aan dhalay ayaa gaajo la suuxday, markii aan u waayay waxaan siiyo. Habeen iyo maalin ayay gaajo ku joogtay. Annagu magaalo ma naqaano. Xoola dhaqato ayaan iska ahayn, xoolihiina roob yari ayaa naga laysay.”

Abshiro ayaa sheegtay in ay tahay umul aan qaban karin shaqooyinka xoogsiga ah. Waxay tilmaamtay in carruurteeda kan ugu yar oo labo bil jir ah uu wajahayo xaaladda ugu adag. Cunno-xumada iyada haysa darted.

Waxay tilmaamtay in ay naaska caano kaga waysay, aysanna u iibin karin caano-boore. Waxay ku seexisaa biyo ay ku qasto sonkor ay dadku ku caawiyaan.

Dhanka kale qoyskeeda ayaa ku dhib qaba helida biyaha. Waxay ku tiirsan yihiin 10 liitar oo maalinkii ay ka soo dawarsadan dadka xerada kula nool hadba qofkii iibsada biyo booyada keenaan oo halkii jirgaan la siiyo $0.3.

Biyahaas oo ah kuwa dhanaan ayay tilmaantay in cabista dadku ku adag tahay, balse dantu ku qasbayso.

“Caagado ayaan dadka la dhax wareegnaa aniga iyo ilmahaygu si aan biyo aan cabno u helno. Qarash aan ku iibsano ma haysano. Booyadaha yimaada haddii aadan lacag haysan kuma siinayaan. Labo doollar ayay biyo dhanaan ah halkii fuusto ku shubaan. Mana awoodno, kuwaas xitaa.”

Abshiro ayaa sheegtay in sidoo kale ay hayso hoy la’aan. Waxay dul dugaalsadaan buush baco, maryo iyo ullo la isku geeyay ka sameeysan oo lagu caawiyay, markii ay yimaadeen. Waxay xustay in uusan ka celin karin qabowga iyo qoraxda.

Waxay xustay in saygeeda uu kula haray deeganka Awr-culus oo Garowe hoostaga 11 geel ah oo u haray. Waxay rajo xumo ka muujisay in ay u sii nagaan doonnan, maaddama aysan haysan bad iyo biyo toona.

Qoysaska miciin biday Garowe ayaa ka siman nolol xumada. Faadumo Xaaji Maxamed waxay qoyskeeda oo 13 ah ku sugan yihiin xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Waxay sheegtay in aysan haysan dhamaan adeegyada aas-aasiga u ah nolosha, taas oo rajo tirtay.

Haweeyneydan ayaa tilmaamtay in maalinka dhan ay ku wareegto xaafadaha magaalada iyadoo kaalmo waydiisanaysa. Wixii ay soo hesho ayay hal mar dabka ku shitan reerkeeda.

Cunno xumada waxaa u dheer biyo yari. Waxay ku tiirsanyihiin 20 liitar oo ay ku caawiyaan dadka nolol dhaama ee la dagan xerada Jillab. Waxay sheegtay in aysan iibsan karin biyaha qaaliga ah ee xerada la keeno

Dhanka kale waxay tilmaantay in caqabad wayn ay ka haysato dhanka hoyga. Waxay gabaadsadaan buush aan wada qaadin oo ka samaysan qoryo iyo calalo.

“Qoraxda iyo qabowga nagama celiyo, gogol ma haysano, habeenkiina waxaan ka cabsana bahala socda. Annagu waxbo lama aanan imaan magaalada. Annaga oo faro marnaan ayaan soo galnay. Dhibaatadaas ayaan qabna.”

Faadumo ayaa sheegtay in shaqooyin xoogsi ah oo ay si joogta ah uga raadiso magaalada Garowe aysan u suuragalin.  Waxay u sababaysay haweenka shaqooyinkan raadinaayo oo badan iyo magaalada oo ay ku cusub tahay.

Waxay tilmaamtay in ilmaheeda aabbahood uu yahay wayeel aan kaalin ka qaadan karin maareynta nolosha qoyska.

Haweenaydaan duruufaha ay roob la’aantu badday waxaa u dheer in ay hayso hooyadeed oo cudur aysan aqoon kaga naafoowday lug iyo gacaan. Waxay ku haysaa xerada mana u hayso wax jeenana ah.

Waxay sheegtay in muddo bil ah oo ay jiran tahay ay noqotay dhulyaal, maaddama iyada oo waayeel ahayd uu cudurku ugu darsamay. Faro marnaanta dhaqaaale ee haysata darteed waxay awoodi waysay in ay gayso goob caafimaad.

Deeganka War-gaduud oo hoos taga degmada Godob-jiraan oo ay xoola dhaqato ku ahaayeen ayay xustay in uusan wax roob ah ka da’in labadii sano ee la soo dhaafay. Arintaas ayaa sababtay in ay meesha ka baxaan xoolaha oo u aha ishooda kali ah ee dhaqaale.

“Xoolaha markii hore daaq la’aan ayaa ku dhacday, haddaana biyo yari ayaa u raacday. Biyo la’aanta ayaa ugu darnayd oo ay nooga dhinteen. Waana u awoodi waayna inaan biyo u iibino. Marba qaar ayaa naga dhimanayay sidaas ayay nagu dhaafeen.”

Haweeyneydan oo 56 ayaa sheegtay in ay noloshooda dhan ku qaateen miyiga. Waa markii ugu horeysay oo ay barakacaan, taas oo xaalad adag galisay.

Waxay roob yarida ku waayeen 62 neef oo geel iyo ari iskugu jira. 8 ari ah oo u jooga ayay xustay in aysan lahayn cad, caano iyo iib toona.

Roob yarida ayaa taabatay nolosha boqollal qoys oo reer miyi ah, kuwaas oo ku qasbanaaday in ay ka tagan dhulkooda, kuna biiraan xeryaha, halkaas oo aysan nolol nagaansho leh ka helin.

Cabdalla Maxamed Cabdalla oo ah agaasimaha fulinta dowladda hoose ee Garowe ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaskaan ay wajahayan daruufo nololeed oo adag. 

Wuxuu xusay in duleedka magaalada ay si joogta ah u soo gaaran qoysas hor leh oo soo cayrtoobay. Qaarkood ayuu xusay inay gargaar kooban u geeyeen oo aan wax badan ka tarin xaaladooda.

Tirada dadka mar kasta kordhaysa darteed wuxuu sheegay in aysan wax ka badan u awoodin.

“Dowlada waxbo kama qaban karto baahida jirta. Horray ayay u joogeen dad badan oo ay la tacaaleysay baahiyadooda. Boqollaal kale ayaa hadda yimid oo aysan waxbo u awoodin. Waxaan ugu baaqaynaa cid walbo oo wax ka qaban karto xaaladooda in ay gurmad la soo gaaraan.”

Isbidelka cimilada ee soo laalabtay ayaa sanad walbo saameeya boqollal qoys oo reer guura ah. Waxay xaaladan darteed ku waayaan xoolihii ay ku tiirsanayeen, taas oo galisa hubanti la’aan noolaleed.

Previous Post

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

Next Post

Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole

Related Posts

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed

March 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 9, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Next Post
Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole

Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-MAR-2026

IDAACADDA 13-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAR-2026
March 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAR-2026
March 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo