(ERGO) – Boqollaal haween ah oo Muqdisho tagay saddexdii bil ee la soo dhaafay si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda ayaa wajahaya nolol-xumo. Waxay waayeen shaqo xoogsi ah oo ay naawilayeen in ay ka dabaraan masruufka carruurtooda oo ay ka soo tageen.
Maryan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah waxay maalin kasta ku wareegtaa degmooyinka Muqdisho iyada oo dadka ka dalbanaysa in ay u qabato shaqooyinka nadaafadda iyo dhar-dhaqista. Todobaadkii ugu badnaan labo maalin ayay heshaa shaqo lagu siiyo wax ka yar $4.
Dhaqaalahaas ayay sheegtay in ay u dirto carruurteeda oo 11 ah iyada oo aan waxba kala harin, maaddama aysan u qaybsami karin.
Waxaa nolol xumadan baday roob yari ka jirta labo sanno deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo nacfi tirtay beer ay ku tiirsanaayeen.
“Carruurtii waxaan ku dhahay waan idiin soo shaqeynaya, ilmihii hadda cabaadkooda ayaa soo baxaya waxa ay leeyihiin wax aan cunno ma heysano, meeshaan ma joogi karno ee hooyo soo dhaqso.”
Shaqo xumada waxaa u dheer dhibaatooyin nololeed oo ay kala kulantay magaalada. Waxay dulsaar ku tahay qoys ay horay isku yaqaaneen oo barakac ku ah xerada Ceeldheere ee degmada Kaxda.
Waxay la degtay buul yar oo aan wada qaadin iyada iyo qoyska, waxay ku caawiyaan gogol ay dhigato meel bannaan halka aysan ka helin cunno, maaddama ay iyaguba haysan.
“Waxaan dareemaya in ilmahaygii ay gaajoonayaan sidoo kalena ay joogaan goob colaadeed, haddii aan wax helo waxaa ii qorsheysan in aan dib ugu laabto Carruurteeda haddii kalena aan keeno Xamar.”
Maryan oo soo gashay safar lug ah oo qaatay labo maalin ayaa rajaynaysay in magaalada ay ka heli doonto shaqo joogto ah. Carruurteeda waxay uga soo tagtay qoys ay daris yihiin.
Inkasta oo maalmaha qaar ee waysayso qof ka jawaabta dalabkeeda shaqo raadinta ay dareento niyad-jab, haddana kama daasho in ay sii waddo duruufaha ku gadaaman darteed.
Maryan waxay sheegtay in aysan dib ugu laaban karin deegaankeedii, maaddama ay ku hungowday rajadeedii magaalada. Waxaa sugaya dad ku leh dayn gaaraysa $300 oo iskugu jirta wax ay carruurta raashin ugu qaaday iyo qaar ay ku iibisay abuur ay sanadkii hore beerta gelisay oo roob yari u qasaaray.
Waxay sidoo kale ka rajo beeshay beertoodii oo ay aaminsan tahay in xitaa haddii ay roob hesho aysan dib u tacban karin. Waxaa isku biirsaday qarash la’aanta iyo in ay burburtay ooddii saarnayd aysanna hayn awood ay ku dayactirto.
Waxay ku taamaysaa in ay carruurta ka soo wadato walow aysan hadda karin $50 oo ah gaari raac ah looga baahan yahay.
dhamaan haweenka soo galay magaalada si ay masruuf uga raadiyaan carruurtooda ayaa ka siman nolol xumada haleeshay.
Saciido Axmed Aadan saddex bil oo ay Muqdisho joogto waxay sheegtay in ay gashay dhibaatooyin nololeed oo aad u liita beddelkii ay filaysay nolol fiican.
Waxay ku wareegtaa xaafadaha magaalada maalinkii oo dhan iyada oo raadinaysa shaqo ay masruuf uga raadiso carruurteeda oo ah 7 agoon ah. Inta badan ma hesho shaqo, taas oo keentay in ay waxba tari wayso nafteeda iyo tan carruurteedaba.
“Wixii aan soo helo sida $2-$4 carruurta baadiyaha jirta ayaan u diraa. Ilmaha ayaa hadda ii soo wacayay oo leh hooyo wax aan cunno ma heysanba. Waxna uma hayo hadda, Ilaahay hortiis ayaan wax ka sugayaa.”
Sacdiyo ayaa ku qasbanaatay in ay magaalada soo gasho, markii daaq la’aan soo jirtay labo sano ay si tartiib-tartiib ah uga la’deen 150 arri ah oo ay ku dhaqanayeen miyiga deegaanka Abaal ee gobolka Bari.
Haweenaydaan waxay hadda degan tahay buush yar oo aan ka celin karin qorraxda iyo dhaxanta, kaas oo ay ku caawiyeen qoys ay qaraabi yihiin oo horay u sii deganaa xerada Ceeldheere.
Waxaa sidoo kale ku adag in ay la xiriirto maaddama aysan xitaa haysan taleefan. Waxay dadka waydiisataa in ay taleefan ku caawiyaan iyada oo la xariirta dariskooda si ay ula soo hadalsiiyaan.
Waxay xustay in markii hore qorshaheeedu ahaa in ay ilmaha dib ka soo wadato markay magaalada tagto haddase ay quus ka joogto.
Waxaa sheegtay in maaddama xoolihii ay ku tiirsanaayeen ay ka marteen ay ku qasban tahay in ay magaalada ka sii xoogsato walow aysan u muuqan rajo wayn.
Dad ay qaraabo yihiin ayay ka codsatay in ay miis u furaan balse illaa iyo hadda ma helin wax rumeeya rabitaankeeda.
Roob yarida ka jirta gobolada dalka ee ka sii daraysa ayaa meesha ka saartay ilahoodii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kumanaan qoys taas oo keentay in ay mutaan nolol adag.
Haweenkaan ayaa is ay xaaladdaas uga saaraan carruurtooda soo galaya magaalada iyaga oo aan wax qorshe ah wadan.
Cabdalla Maxamed Cabdi maamulka xerada Ceeldheere ayaa sheegay in ay soo gaareen 245 dumar ah oo ka yimid miyiga. Wuuxu tilmaamay in ay ku sugan yihiin xaalad nololeed oo aad u liidata, aysannna qudhoodu awoodin in ay caawiyaan, maadama xeryaha aysan ka jirin wax gargaar ah.










