Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

Jibril Osman by Jibril Osman
February 13, 2026
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno xumo, waxbarasho la’aan iyo daymo lagu yeeshay ayaa isku biirsaday qoyska Aadan Cali Xasan oo ah muruq-maal, kaas oo ka xoogsan jiray dagmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Waxaa hakad ka gashay shaqadiisa oo ahayd dhismaha guryaha, markii ay saamayn ku yeelatay fatahaad burburisay buundada isku-xirta magaalada bishii Nofeembar ee sanadkii 2023.

Xaaladdan waxay si guud u saamaysay boqollaal rag ah oo ishoodii dhaqaale ay meesha ka baxday. Shaqooyinka dhismaha guryaha, dhagax-jabinta iyo xamaaliga ayaa gabaabis noqday.

Waxaa ugu wacan isku socodka oo xadidan iyo adeegsiga doomaha iskaga kala goosha labada dhinac ee magaalada oo lacag lagu raaco, taas oo ay awoodi waayeen xoogsatada danyarta ah.

Aadan oo muddo 10 sano ah ahaa muruq-maal ku filan maaraynta qoyskiisa 7 ah ayaa sheegay in ay wajahayaan cunno yari daran, taas oo ku qasabtay in uu baryo tago si loo caawiyo.

“Hadda labo habeen oo dhan dadka dariska ah ayaa ilmahayga wax ii siinayay, shaqadiina waan soo waayay. Ilmaha dadka dariska ayaan wax looga soo qaadaa, annaga waawayna waan iska seexanaa, labada dhinac ee buunada labo suuq ayay noqotay. Marka dadkii way kala go’een.”

Wuxuu tilmaamay in uusan helin wax shaqo ah oo dhaqaale uu ka soo galo lixdii bil ee la soo dhaafay, sabab la xariirta dadka guryaha loo dhisi lahaa oo dib u dhigay mashruucyadooda.

Caqabadda haysta ayuu ku sheegay in ay tahay qarashka ku baxaya dhismaha oo qaali ah, maaddama isku socodka magaalada Baardheere uu adag yahay buundo la’aanta darteed.

Wuxuu sheegay uu sameeyay dhowr iskuday uu ku raadiyay shaqo nooc kasta oo ay tahay, si uu xal ugu helo cunno la’aanta qoyskiisa, balse ay qabsadeen labo caqabad oo isbarkan.

Wuxuu waayay shaqooyinkii xoogsiga ahaa ee uu naawilayay, waxaana lagu yeeshay lacag uu ku raacay doomaha yar yar oo ka dhex-shaqeeya magaalada, kuwaas la’aantooda isku socod uusan jirin.

Wuxuu xusay in muruq-maalka uu ka mid yahay ay duruufta ay u run sheegtay. Waxaa yaraaday dhaqdhaqaaqa ay ku sahmin karaan fursada shaqo iyo awoodii dhaqaale ay ku heli lahaayeen.

“Waagii hore buundadan dadka lacag lagama qaadi jirin waan iskaga kala gudbi jirnay, laakiin hadda adiga oo aan 10 kun shilin soomaali ah aan wadan ma gudbaysid. Tobankii kun ayaaba la soo helaynin. Buunadada oo deegaanka hooyadeeda ahayd markii ay naga go’day dhib badan ayaa na saameeyay.”

Wuxuu sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay lagu yeeshay $1,800 oo uu ku qaatay raashin uu ku badbaadiyay nolosha qoyskiisa, maaddama uusan haysan shaqo uu ku tiirsanaan karay qoyska.

Waxaa intaas u raacday kirada guri labo qol ah oo qoyskiisa ay ku nool yihiin oo bishii ah $10 iyo waxbarashada 4 carruurtiisa ah oo uusan bixin, taas oo walaac ku haysa.

“Shan bil dugsiga qur’aanka lacagtiisa ayaa la igu leeyahay, 8 bilna iskuulka ayaa laygu leeyahay. Awal waan iska bixin jiray.”

Buundada duntay ee Baardheere waxay halbowle u ahayd isku xirka magaalada, waxaana la’aanteed adag in dadka deegaanka ay ka soo kabtaan nolol xumada.

Siidow Aadan Maxamuud oo 20 sano ka badan dhagax-jabinta iyo dhismaha ka shaqaynayay wuxuu ka mid yahay xoogsatada shaqo la’aanta wajahaya, taas oo saamaysay qoyskiisa oo afar ah.

Waxay ku nool yihiin raashin bisil iyo mid ciiriin ah oo ay ku caawiyaan dad ay ehello yihiin tan iyo bishii lixaad ee sanadkii hor, markaas oo shaqadiisa ay sii socon waysay.

Wuxuu ka dayriyay sii socoshada kaalmada raashin ee qoyskiisa ay ka helaan ehelladiisa oo muddo badan caawinayay, balse ku dhibsaday arrintaas sida uu sheegay.

Wuxuu intaa ku daray in magaalada oo kala xiran ay ku kaliftay in dhinaca uu joogo uu ka raadiyo shaqo xoogsi ah, balse loo dayriyo markasta.

“Qofkasta isagaa ku hortaagan oo ku dhahaya ninyahow waxba ma bixinayno meesha shaqo la’aan ayaa ka jirto. Shaqadan qaban jiray horta shaqo fiican ahayd. Faryaamo ayay ahayd guryaha ayaan dhisi jirnay. Wax walba hadda waa laga fariisay wax la qabanayo ma jirto.”

Wuxuu sheegay in ka hor shaqo la’aanta uu maalintii heli jiray ugu yaraan $10, balse hadda taasi ay meesha ka baxday. Wuxuu sheegay in ay soo dhaamadeen waayo wacnaa qoyskiisa.

Hadda se wuxuu awoodi la’yahay maaraynta dhinacyada cunnada iyo waxbarashada ee qoyskiisa.

“Wiil iyo gabar ayaa wax ii baranayay oo dugsi iyo iskuul ii dhiganayay. Dugsiga waxaa la igu leeyahay shan bil. Macalinka waxba ima waydiin, aniguna waxba uma hayi, iskuulkana waxaa la igu leeyahay 7 bil, isna lacag ma siin, bishiina $7 ayaa la iga qaadayay.”

Buundo la’aanta ka jirta Baardheere waxay sidoo kale sare u qaaday qiimaha raashinka, bagaasha iyo khudaarta, maaddama doomo yaryar la iskaga gudbiyo labada dhinac ee magaalada, kuwaas oo lacag lagu bixiyo.

Waxaa jira khatar ku gadaaman doomaha ay adeegsadaan dadka Baardheere, kuwaas oo sababay dhimashada labo qof oo mid oo ahaa xoogsade, kuwaas oo doonto kula gadoontay webiga.

Dhimashada ayaa timid markii saxiimad yar ah kula gadoontay bartamaha wabiga, taas oo sababtay geeri iyo dhaawac.

Cabdulaahi Cabdisamad waa mid ka mid ah dhalinyarada magaalada ee ka shaqeeya wacyi-gelinta bulshada ayaa Raadiyow Ergo u sheegay qoysaska Baardheere ay wajahaan musiibooyin kala duwan.

Wuxuu xusay in khibrad la’aanta darawalada doomaha iyo culayska la saarayo oo badan ay keentay in si joogto ah u qalibmaan, taas oo horseedday in dhaqdhaqii magaalada uu hoos u dhaco.

“Reer Gedo waxay uga dhigan tahay in ay waayeen halbowle, maciishaddii ay korortay, waxbarashadiina ay uu hoos u dhac ku yimid. Buundo la’aanta ageed waxaa u dhintay nin muruq-maal ah. Waxaan kale oo aan haynaa in arday ay la gadoontay Doon oo ay webiga kuwa daateen. Ardayda hal arday intaan ka ahayn dabaal ayay yaqaaneen, isagana ardayda kale ayaa caawisay, wacyigalinta aan arintan ka samayno dadka intooda badan way qaateen inkastoo weli si aad ah aysna u wada gaarin.”

Ma jiraan dadaallo lagu dayactirayo buundada duntay, taas oo horseedday dhaqaale xumada, waxaana xoogsatada, gaadiidley iyo dadka dagamada Baardheere ay dalbadeen in xal loo helo caqabad ku hor gudban.

Previous Post

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

Next Post

Roob la’aan labo sano jirsatay oo ku qasabtay qoysas hor leh in ay ku barakacaan Garowe

Related Posts

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug

March 11, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 10, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo
Cunto-Yaraanta

Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo

March 5, 2026
Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Nolol xumo ku dhacday beeralayda Caluula markii ay biyo la’aan uga qalaleen dalagyada

March 4, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

March 3, 2026
Next Post
blank

Roob la'aan labo sano jirsatay oo ku qasabtay qoysas hor leh in ay ku barakacaan Garowe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAR-2026

IDAACADDA 11-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAR-2026
March 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAR-2026
March 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo