(ERGO) – Masaafo 40 km ah ayay lugaysaa toddobaadkiiba labo mar Bareey Cali Axmed oo ku nool tuulada Carshaale ee gobolka Bakool si cunno ugu hesho carruurteeda. Waxay tagtaa dagmada Washaaqo, hakaas oo shaqada dhismaha guryaha ay ka qabanayso tan iyo bishii Juun ee sanadkan.
Fursaddan waxay ka caawisay in maalintii labo mar oo ka mid ah dabka u shiddo carruurteeda oo 8 ah. Waxay sheegtay in lacag u dhaxaysa $20-25 ay ka hesho shaqadeeda toddobaadkii, taas oo ka saartay qoyskeeda hubanti la’aan cunno oo horay u haysay.
Shaqadan ay qabato waxaa ku wehliya 50 haween oo koox koox iskaga kaashada safarka ay soo galaan iyo guridda dhoobada lagu dhiso guryaha. Waxay kaga dabaasheen saamayn taban oo ka dhalatay roob la’aan galaafatay xoolo iyo beero ay ku tiirsanaayeen.
Waxay tilmaamtay in rafaadka safarka dheer ee joogtada ah iyo culayska dhisidda gurayaha aysan dhibaato ku qabin haddii ay xal u heshay maaraynta nololasha carruurteeda.
“Xoolo mahaysanno, beerihiina way abaarsadeen. Halkan ayaan shaqada u soo aadnaa. 5 ama 6 habeen ayaan ku barinaa, hadana wixii aan helno ayaan la noqona labo habeen ayaa wax laga tagaa. Haddana wan soo noqonaa oo waan soo lugeeynaa. Hadda saaka aroorti markii aan soo baxnay lix saac ayaan soo lugeeynaa iyo wax la jira. Wax aan baabuur aan ku korno mahaysano, sidaas ayaan carruurta ku biilanaa.”
Waxay ka maarantay raashin ay u soo dawarsan jirtay carruurteeda ka hor shaqadan. Waxay ku wareegi jirtay guryaha dadka deegaankeeda, kuwaas mar mar ku taageeri jiray raashin bisil ama ciiriin ah.
Xaaladdaas waxay haystay intii u dhaxaysay bishii Diseember ee sanadkii hore ilaa billowgii bishii Juun ee sanadkan. Dhibaatadan waxay wajaheen, markii ay ka istaagtay shaqada beer-falista.
Waxay u qaabilsanayd abuur-galinta, ilaalinta iyo waraabinta beer 7 hiktar oo ku taalla deegaankeeda Carshaale oo hoostagta dagmada Rabdhuure. Waxay bil waba ka helay lacag $90 ah.
Waxaa u dheeraa milkiilaha beerta oo ku caawin jiray marka dalagga beerta uu u soo go’ raashin iyo noocyada kala duwan ee khudaarta. Waxay ay u isticmaali jirtay nolol-maalmeedka qoyskeeda.
Roob la’aanta cuuryaamisay wax-soo-saarka beertaas waxay galisay xaalad quus ah nolosha carruurta Bareey. Waxay sheegtay in hadda ay ka soo kabanayso, maaddama ay heshay fursad kale.
“Hadiiba aan shaqadan helay carruurti kabaha ayaan u gadanayaa, kiilada sonkorta ayaan u gadanayaa, raashinka kale ayaan u gadanayaa, haddana inta ay cunayaan ayaan soo noqonayaa. Waxaan u helaa cuntada salaadii iyo galinka danbe. Haddii maalinki la waayo habeenkii iyo subaxii ayaan u helayaa. Nolosha hadda ayay fiican tahay. Haddii shaqad dhoobada guryaha naloogu yeerayo nolosha markaas ayay inoo fiicnaatay.”
Bareey oo 46 jir ah waxaa carruurteeda u yar wiil shan bil jir ah, kaas oo naas-nuujinta ay ka goysay duruuf dhaqaale awgeed. Tan iyo markii ay billowday shaqadeeda ayay sheegtay in toddobaadkii hal maalin oo ka mid ah ay aragto cunigeeda, maaddama maalmaha kale ay ka maqan tahay guriga.
Saygeeda oo da’ ah, isla markaana ay ku adagtahay in uu shaqeeyo ayaa wehel u ah. Duruuftan waxaa la qaba haweenka shaqo wadaagga ay yihiin, kuwaas safar lug ah ku taga Washaaqo, kagana soo laabta toddobaad walba. Wax ka badan 10 saac ayuu ku qaataa marka ay qorraxdo ku lushahay.
Qaarkood ayaa ii sheegay in aysan ku dhiiran raacidda gaadiidka u kala safra labada deegaan si ay u beeqaamiyaan lacagaha ay ka heleen shaqadooda oo aan soo dhaafin masruufka qoysaskooda.
Dahabo Aadan Sulaymaan oo ku nool miyiga deegaan Carshaale waxay toddobaad walba lugaysaa ku dhawaad 80 km. Waxay dadaal ugu jirtaa samatabixinta sagaal carruur ah oo hooyo ay u tahay, isla markaana agoon ah.
Radio Ergo ayay u sheegtay in ay xiriir la leedahay ragga guryaha dhisa, kuwaas oo la soo xariira, markii fursad shaqo ay jirto. Waxaan la kulmay Dahabo iyada oo ku jirta shaqo maalmeelkeeda.
Waxaa ka dhinac shaqaynayay koox dumar ah oo dhoobo iyo digada xoolaha oo la isku qasay ku malaasayay guri ay dhisayeen, kaas oo noociisa loo yaqaano Fargaas oo caan ka ah deegaanka.
Dumarka ay wadajirka u shaqeeyaan waxay sidoo kale iska kaashadaan safarka lugta ah iyagoo iswheshada sida ay sheegtay Dahabo.
“Markii aan Washaaqo imaaday oo shaqaystay waxaa ila socda shan ruux oo aan iskaashano. Waxaan soo gurnaa ciid waxaan ku darnaa digada xoolaha oo guryaha ayaan ku dhisnaa. Sidaas ayaan ku helaa $20. Marki aan intaa helno carruurteena cashadooda iyo qadadooda ayaan hal mar u helnaa.
Dahabo oo 60 jir waxay hore uga shaqaynaysay beer ku taalla duleedka Carshaale, halkaas oo ay ka soo dhacsan jirtay nolol-maalmeedka qoyskeeda. Roob la’aanta oo baab’isay wax-soo-saarkii beerta waxay door-bidday in ay maciin biddo raadinta il-dhaqaale oo kale.
Waxay xustay Dahabo in ay dadaal ugu jirto bixinta dayn lagu leeyahay, balse ay soo dhaafi wayso dhaqaalaha ay ka hesho shaqadeeda nolol-maalmeedka qoyskeeda.
“Dayn $300 ayaa la igu leeyahay. Waxaan ku qaatay cunno aan carruurta siiyay, dhar ay xirtaan iyo kabo ay carruurta gashtaan. Waxaan u soo baxay dayn hadii aad iska gudi karto si aan ku helaba. Shaqada marka aan shaqeeyo carruurti oo gaajeysan ayaan u tagayaa marka sidee daynta iskaga bixiyaa?.”
Haweenka xoogsatada ah shaqada ugu wayn, isla markaana ugu nacfiga badan waxay ahayd tan beeraha ee meesha ka baxday, waana sababta ku qasabtay in socdaal dheer oo dhinaca lugta ah ay u galaan Washaaqo oo masaafo ahaan ka fog.
Eedagow Maxamed Maxamuud waxay halgan ugu jirtaa quudinta lix carruur ah oo ka yar da’da tobanka sano. Waxay sheegtay in suurto gashay labo waqti in ay u hesho cunnada ay karsadaan, taas oo dhib badan ay u marto.
Waxay tilmaamtay in ay lugayso deegaanka Washaaqo oo u jira 40 km toddobaad walba. Shaqada ay u doonato ayay mararka qaar waysaa, taas oo culays hor leh ku noqota.
Haweenaydan oo 49 jir ah waxa ay Raadiyow Ergo u sheegtay in ay roobkii gu’ga iyo dayrta oo ay waayeen, taas oo keentay in ay ciriiri galaan sidaana shaqo doon u noqoto.
Waxay sharaxaysa sida noloshoodu isku beddeshay, markii roob la’aantu ay saamaysay beerihii ay ka shaqayn jireen.
“Markii hore tacab ayaan goosan jirnay. Wax yar oo qofkii lacag leh aan beeraha ugu falno ayaa rubaca ka heli jirnay. Haddiiba roobkii la waayay halkee laga shaqeynayaa?. Waxay noqotay in aan iska soo cararno oo Washaaqo u soo shaqo raadsano oo guryo dhoobis iyo dhar dhaqis aan wax yar oo aan ka helno aan nolol ka raadino. Haddii aan waxbadan helno labo waqtu hadii kale hal waqti aan carruurta dabka u shidano.”
Waxay tilmaamtay in shaqadan ay heshay, markii ay ku caawiyeen haween kaga horreeyay, kuwaas oo ku xiray dadka guryaha loo dhisay iyo ragga dhisa ee loo yaqaano fuundiyaasha.
Isbeddelka cimilada ee roob la’aantu ugu wayntahay waxay ku qasabtay dumar badan in ay qaataan go’aamo adag oo ay uga samatabixinayaan carruurtooda dhibaato cunno xumo oo halis ku ah noloshooda.