(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ayay wajahayaan boqollaal qoys oo bishii Abriil uga barakacay daadad ku soo rogmaday tuulada Ilmo-adeer oo Garowe hoostagta. Waxay badankood ku suganyihiin dhul taag ah oo duleedka deeganka ah, halkaas oo ay ku heystaan daruufo noolaleed.
Dadkan ayaa daadadka ku waayay ganacsiyo iyo beerihii ay ku tiirsanaayeen, xoolihii ay dhaqanayeen iyo guriyihii ay daganayeen. Xaaladan ayaa u horseeday ceyrnimo.
Warda Cismaan Cali oo ka mid ah waxay qoyskeeda oo 7 qof ah ku noolyihiin dawarsi. Waxay ugu badnaan $1-2 ka helaan dad ay asxaab iyo ehel yihiin odeygeeda oo jooga magaalada Boosaaso, taas oo aan ku filnayn.
“Saddexda waqti ee maalinkii wax nagu filan ma heli karno. Waxaan siba mar ku helna hal mar oo qadada, quracda ama cashada ah, intaas baa waa mar la hela, inta badana waa la waaya. Odeygeyga wax shaqo ah ma hayo oo waa baagamuudo. Illahay dhankiisa un ban wax ka sugeeyna iyo inuu farad kheyr leh noo furo.”
Warda ayaa sheegtay in carruurteeda ay ku aragtay hargab iyo qandho ku soo laablabtay, balse aysan u awoodin dhaqaale ay dawo xanuun baabiiye ah uga soo iibiso Garowe oo u jirta 40 km, maaddaama xarumihii cafimaadka ee deeganka uu daadku qaaday.
Waxa intaas u dheer hoy xumo. Waxay ku noolyihiin qol ay ka sameeysteen jiingado iyo alwaaxyo uga badbaaday daadadka, halkaas oo ay habeenkii wada ciriirsadan, maalinkiina ay gabaad sadaan geedo aan har fiican lahayn. Xilligan oo xaaga ah dabeylo baddana ay dhacayaan ayay xustay in aysan doorasha kale laheyn.
Waxay sheegtay in xilli siq-dhexe ah ay daadad ku soo rogmadeen guri ay lahaayeen oo ka koobnaa labo qol oo dhagax ah, musqul iyo jiko. Waxay tilmaamtay in xaalada barakaca oo ay cusub yihiin ay ku adkaatay inay la qabsanadan carruurteeda oo yaryar.
Waxay qasaaro ka joogtaa dukaan raashin ah oo ay ku lahayd tuulada ilma-adeer, kaas oo aysan waxbo uga cayman hanti ay gaaraysa $2,000. Waxaa meesha ka baxday lacag celicelis ahaan u dhaxeysa $15 ila $20 oo ay si maalinle ah uga heli jirtay, taas oo ugu filnaayd baahiyaha reerka.
“Ganacsigii waa iga burburay. Waxaan ahaa qof ganacsi uu isaga leeyahay ka xamalan jiray oo bakhaar weyn baan ku laha tuulada. Wixii oo dhan biyiihi baa nagala tagay, xita guriyihii aan daganeyn waa naga burbuureen. Intaas waxaa ii dheer $3,800 oo ah deyn la igu leeyahay oo aan garaneyn si aan aan ku bixiyo.”
Warda ayaa sheegtay in marar badan la soo weydiyay deyntaas oo xilliyo kala duwan ay ugu soo adeegtay dukaankeeda. Haweeyneydan ayaa tilmaamtay inay welwel ku hayso deynta oo ay u raacay cabsi ay ka qabto mustaqbalka carruurteeda oo hadda waxbarasho la’aan ah.
Waxay sheegtay in labo ka mid ah oo u dhiganayay dugsi hoose dhexe ay gebi ahaan ka hareen sanad dugsiyeedkan, maaddaama aysan u awoodi karin inay geyso iskuullada tuulooyinka u dhaw oo qofkiiba laga qaado $7.
Waxay sheegtay inaysan u muuqan fursad ay ganacsigeedi dib ugu yegleesho. Dhamaan qoysaska ka barakacay tuulada Ilma-adeer ayaa ka siman nolol xumada heysa, kuwaas oo aan wali helin wax gargaar ah.
Faadumo Cabdi Xasan ayaa sheegtay in shan carruur ah oo ay keligeed koriso ay u awoodi la’dahay masruufkooda. Waxay ku tiirsanyihiin kaAlmo aan badneyn oo ay ka heleEn dad ehelkooda ah oo jooga magaalada Garowe.
Waxay daadadku kala tageen mehrad ay ku gadi jirtay bagaash, raashin iyo shaah, taas oo u ahayd halka meel ee ay ka maareyn jirtay nolosha qoyskeeda.
“Waxaa iga dumay balbalo noo dhisnayd oo hoy noo ahayd iyo sandaqad jingad ah oo dukaan ay alaab ii taalla ah. Meel laami aagtiisa ah baan daganeyn biyihiii baa ku soo rogmaday. Aad bey arrintaas noo sameeysay, awalbo hanti weyn ma heysan intaas baan noolasheena ku tiirsanayd oo aan isku celcelin jirnay. Intiina hadda waxbo kama hayo oo biyihii baa qaatay.”
Faadumo ayaa sheegtay inay heyso biyo yari. Waxay qoyskeeda ku tiirsanyihiin hal jirgaan oo maalinkii ay dhabarka uga soo qaado ceel gacmeed gaar loo leeyahay oo ay u dan sheegatay, kaas oo ku yaalla deeganka kheyrsame oo 7 km u jira halka ay joogto.
Waxay tilmaamtay inaysan inta ugu badan heli karin $15 oo ah qiimaha halkii fuusto ee biyaha macaan ay iibiyaan gaari dameero deeganka keena. Biyaha ay hesho oo dhanaan ah ayay sheegtay in carruurtu ay ku sababeen calool xanuun, balse aysan doorasho kale haysan.
Waxay sheegtay inay ka khasaartay lacag saddex kun oo dollar ah oo ay ku qiimaysay alaabtii u taallay meherada. Waxay welwel joogta ah kala kulmeysa deyn $500 oo marar kala duwan ay ugu soo adeegtay. bil ka hor ayaa loo sheegay in haddii ay saddex bil ku bixin weydo la xiri doonna.
“Waxaan degganahay meel biyo-mareen. Tog weyn baa nagu furan, wax yar oo biyuhu nagu soo butaacaan ayadoo la jiif jiifo ay na qaataan bay ku xiran tahay. Awooddii aan uga bixi lahayna ma lihin oo waxaan nahay qoys danyar ah oo masaakiin ah. Haddana Intii yarayd ee aan bariiska ka dayan jirnay biyaha qaatay.”
Faadumo ayaa sheegtay in xaaladan ay uga waxbarasho beeleen labo carruur ah oo u dhiganayay dugsi hoose dhexe ee Ilma-adeer. Waxay bishii ka bixin jirtay $14. Iskuulka ayaa xirmay markii daadadku ay gabi ahaanba burburiyeeen.
Haweeyneydan ayaa quus ka muujisay xaaladda ay ku suganyihiin carruurteeda oo ay aabbahood kala tageen labo sanno ka hor.
Masiibooyinka cimilada la xiriira sida daadadka ayaa nolaal xumo galiya boqollaal qoysas Soomaaliyeed. Waxay culeys maalinle ah kala kulmayaan sidii ay dib uga soo kaban lahaayeen xaaladahan oo marar kala duwan ku soo laalabta.
Guddoomiyaha tuulada Ilma-adeer Maxamuud Bile Cumar ayaa Radiyow Ergo u sheegay in sahan ay sanaadkii 2022 sameeysay hay’ada cunnada iyo beeraha ee FOA looga digay halista daadadkan oo ku soo wajahna, balse dadka degan deegaanka ay danta ku riixday inay ku sii nooladan.
“Hay’adda FAO ayaa GPS ka qaadday, waxay noo sheegeen in 4 sano kaddib laga guurayaa oo boholo iyo nabaad guur dabiici ah uu ku socdo. Dhanka wax ka qabashada waxaa la qorsheyay in meesha hoose dadka deggan oo sameeyo dib u dajin oo la soo raro, lakiin weli waxbo ma suuragalin.”
Guddomiyaha ayaa sheegay inay jiraan dad dib ugu noqday deeganka oo boholo isku baddelay sidoo kalana guriyihii ku yaallay ay noqdeen kuwa burbursan, maaddama ay doorasho kale waayeen.
Dhanka kale, Kaafi Cabdi Aadan oo ah khabiir bartay cilmiga dhulka ayaa sheegay in daadadka ku soo laalaabtay tuulada Ilma-adeer ay sabab u tahay dhirta oo ku yaraatay, inay tahay meel biyo mareen ah iyo in dhulku noqday mid nuglaaday.
“Meelaha ay biyaha ka soo galayaan deegaanka waa in la mooso. Waxaa la isticmaali kara biraha iyo dhagaxaan adag oo biyaha celin kara sidoo kalana u ogalanayo in ay dhulka galan. Qorshe fog oo dhirayn ah ayaa muhiim ah si arrintan xal loogu helo.”
Tuulada Ilmo-adeer oo deegaan ahayd ugu yaraan 40 sano ayaa dadaadka ku soo nonoqday waxaa saddexdii sano ee ugu danbeyay uga barakacay boqollaal qoys.