(ERGO) – Ku dhawaad 100 xoogsatada dhagaxa ee deegaanka Ceel-aqwaan ee duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabanaya shaqo la’aan iyo dhaqaale xumo soo wajahday. Waxay sheegeen in ay dabari la’yihiin cunnada, biyaha iyo kirada qoysaskooda.
Xaaladaan oo ay wajahayaan labadii bil ee ugu danbaysay ayay u sababeeyeen suuq xumo guud oo jiilaalka ka dhalatay iyo in dadka guryaha dhista ay door-bidaan bulikeetiga, dhagaxiina ka maarmeen.
Cabdiraxmaan Siciid Faarax oo dhagaxa guryaha ka shaqaysanay in ka badan 14 sano ayaa sheegay in ilaa July ay meesha ka baxday, shaqadaas oo u ahayd il dhaqaale oo bishii ay ka soo gali jirta $250 ilaa $300. Wuxuu xusay in arintaan ay qoyskiisa u horseeday cunno xumo.
“Dibjiryo iyo gaajo badan ayaa timid cid wax gadanaysa lama arko. Markii hore waxaan karsan jirnay labo ama saddex waqti, laakiin hadda waxay iskugu tagtay in cashada haddi la helo aan wax kale lagu darin.”
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in shaxaad iyo qaraabo uu u dan sheegto wax uu ka helo ay tahay sida kali ah ee ay qoyskiisa oo 10 ah ku helaan cunto hal mar ah. wuxuu tilmaamay in uusan ku ganacsanayn baryaha dadka kale oo dantu ku qasbayso.
Ninkaan ayaa xusay in maalin kasta uu u lugeeyo magaalada Gaalkacyo oo u jirta hal saac iyo bar socod ah. Wuxuu ka soo raadiyaa shaqooyin xaamaal ah, balse gabal dhaca ayuu dib u soo laabtaa isagoo waxba soo helin.
Wuxuu tilmaamay in dhagaxa, marka ay diyaariyaan ay ganacsato u imaan jireen oo ay ka qaadan jireen, taas oo hadda meesha ka baxday
Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuusan joojin karin shaqo raadinta, maaddaama carruurtiisa oo kan ugu weyn uu 12 jir yahay ay habeenada qaar seexdaan iyagoo qatan.
Wuxuu xusay in 18 lowr am gaarga iska rogaha ah oo dhagax ah oo cid ka iibsata uu waayay ay hadda u yaallaan.
“Warashado ayaa la keenay jaygii iyo ciidii ayaa bulukeeti loo badalay oo dhagaxa looga maarmay, warashado kale oo dhagaxa qorana waa jiraan. Caqabadahaa ayaa ugu badan kuwa na haysta. Waxan noqday qof aan waxba haysan wuxuu ka shaqaysan jirayna ay fariisteen, noloshina saamayn ayay ku yeelatay wax la’aantu.’’
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in bilowgii bishaan laga saaray gurigii uu deganaa, markii uu labo bil bixin waayay $40 oo ah kiradiisa. Hadda waxay dulsaar ku yihiin dad qaraabadiisa ah oo deegaanka la degan.
Wuxuu tilmaamay in lagu caawiyay hal qol oo carriiri ku ah qoyskiisa oo badan. Maalinkii ayay qoraxda ka galaan habeenkiina carruurta yar yar ayuu sheegay in ay seexiyaan, intooda kalena ay banaanka darmo dhigtaan.
Cabdiraxmaana ayaa xusay in afar carruur ah oo fasallada afraad, shanaad iyo lixaad u kala dhigan jiray la soo eray bishii Ogoosto, markii uu afar bil bixin waayay $35 oo ah qarash iskuulka oo baahiyaha kale ay u dheer yihiin.
“Dhaqaale la’aan awgeed ayay waxbarashadii uga istaagtay oo aysan iskuulka ama dugsiga u aadin. Kuwii iskuulka waxay dhaheen annaga bas waaye ma sii wadi karno ee lacagtii baxsha ama la baxa ilmahiina. Waxbarasho la’aan iyo caafimaad la’aan ayaa na haysa Ilmaha hadduu kaa xanuunsado MCH ma lahan lacag aan magaalada ku geeyana ma hayo.”
Qoyska Cabdiraxmaan oo xoolo dhaqato ku ahaa miyiga deegaanka Qoorasayn ee galbeedka gobolka Mudug, waxay abaartii 2011 ku waayeen 170 ari ah iyo lix geel ah oo ay dhaqanayeen. Xoolo beelka kadib waxaay yimaadeen deeganka Ceel-aqwaan oo dhagaxa uu ka shaqo bilaabay.
Qoysaska deegaannadooda ka soo tagay ee aan lahayn xirfadaha ay ku shaqaystaan inta badan ma helaan shaqooyin rasmi ah. Arintaas waxay sababtaa in ay dhaqso uga burburaan ilaha yar yar ee ay ku tiirsanaayeen, iyagoo aan beddel haysan.
Cabdi Cabdulllahi oo ka mid ah dadka ay ka istaagtay shaqadii dhagaxa ayaa sheegay in ilaa bishii July ay qoyskiisu hal mar dabka saartaan kaalmo ay ka helaan dariskooda iyo dad ay macaariifo yihiin. Wuxuu sheegay in uusan aqoon xirfad kale oo uu ku shaqaysto, taas oo niyad xumo ku ah.
‘’Shaqadii cariiri ayay noqotay wixii laga shaqayn jirayna waa dhamaadeen. Markaan shaqaysan jiray oo lowr dhagax ah aan gato xaafada waxaan u soo qaadi jiray caano, khudaar ama arrad-tir. Wixii way istaageen.’’
Cabdi ayaa sheegay in sidoo kale ay wajahayaan biyo yari. Wuxuu tilmaamay in deegaanku uusan lahayn ceel riig ah. Baraago ay biyaha roobku u galaan oo ay ka cabi jireen ayaa ka dhamaaday horaantii bishii sideedaad ee sanadkaan.
Wuxuu sheegay in ay ka doontaan ceel qaraar ah oo u jira 15 ilaa 20 daqiiqo oo socod ah. Markii ay carruurta cabeen biyaha qaraar ayuu xusay in ay shuban iyo calool xanuun ku arkeen. Dhaqaale la’aanta haysa darteed wuxuu awoodi waayay in uu geeyo Gaalkacyo, maaddaama uusan deegaanku isbitaal lahayn.
Ninkaan oo kaligiis u shaqaynayay qoys ka kooban xaaskiisa iyo 7 carruur ah ayaa sheegay in loo haysto $1,800 oo inta badan ay ahayd deyn hore oo markii uu shaqaynayay marba inyar uu bixinayay haddana joogsatay iyo qayb uu galay intii uu shaqo la’aanta ahaa.
‘’Deymaha markii roob da’o ayaan iska bixin jiray oo hadba neef ari ah ayaan cid ka soo wadan jiray ehel ah ama shaqadayda, hadda waa la bixin waayay xoolo aan ku bixiyana ma hayo. Inta la ii soo diido ayaa badan waxba kaama soo noqonayaan ayaa la igu dhahaa oo in aanan iska bixin karin ayay ogyihiin.’’
Cabdi ayaa sheegay in shaqada ka joogsatay ay bishii celcelis ahaan ka soo gali jirtay $150 ilaa $200 oo nolosha qoyska ka kaafin jirtay. Intii uu baaga-muudada ahaa waxaa laga jartay korontada guriga ay degan yihiin oo iyagu ay leeyihiin. Wuxuu sheegay in saddex bil oo uusan bixin ay $30 isku gartay.
Qoyska ninkaan ayaa lix sano ka hor yimid Ceel-aqwaan. 190 neef oo isugu jiray ari, geel iyo lo’ ayuu sheegay in ay kaga dhamaadeen abaaro miyiga deeganka Dagaari ee gobolka Mudug saameeyay dhowr xilli oo is xigxigay.
Gudoomiyaha iskaashatada dhagaxa ee deegaanka Ceel-aqwaan Aways Maxamed ayaa sheegay danyar abaaraha ku xoolo beelay iyo kuwo horay tuulada u joogay oo noloshoodu ku tiirsanayn dhagaxa ay wajahayaan shaqo la’aan saamayn weyn ku yeelatay.
Wuxuu tilmaamay in aysan awood u lahayn in ay shaqooyin u abuuraan dadkaan. Hay’adaha iyo ganacsatada ayuu xusay in ay arintooda gaarsiiyeen wallow aysan jawaab ka helin. Shirkadaha deegaanka ayuu ku dhaliilay in ay shaqaalaysiiyaan ajaanib badalkii dadka deegaanka.
‘Shaqo abuur kale waa goobnay sida xurfadaha la qodayo mana aanan helin. Dadkaas in lacag la siiyo waxaa uga fiican wax ay muruqooda kula soo baxaan, haddii beero la abuuran lahaana deegaanka biyo la’aan ayaa ka jirta.’’
Shaqada dhagaxa oo mid adag ah waxaa nolol-maalmeedka kala soo baxa rag danyar ah oo aan heli karin fursad kale. Makiinada casriga, shirkada iyo ganacsatada markasta keena agabka cusub waxay caqabad aan xalkeeda la hayn u horseedeen dadkii ku tiirsanaa.