Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hanti la’aan, barakac iyo nolol xumo isku biirsaday qoysas ku nool Mudug

Jibril Osman by Jibril Osman
September 1, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Hanti la’aan, barakac iyo nolol xumo isku biirsaday qoysas ku nool Mudug

Haween iyo carruur barakac ah oo fadhiya iridda hore ee cooshadooda/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qiyaastii 120 qoys oo u iskugu jira xoolo-dhaqato iyo tuulo joog ayaa xaalad nolol xumo ah ku wajahaya miyiga deegaanka Cadale ee gobolka Mudug. Xaaladdaas ayaa timid markii aano qabiil darteed rag hubaysan ay dab qabadsiiyeen deeganka 31 bishii July ee sanadkan.

Dadka ayaa deegaanka iskaga barakacay markii la wada-gubay 20 guri oo iskuku jiray ganacsi iyo kuwo la deggan yahay. Dadka dhaqaalaha ugu badan ku waayay waxaa ka mid ah Ciid Nuur Cawaale oo dhamaan aysan waxba uga cayman dukaan uu ku iimin jiray raashinka, dharka iyo bagaashka iyo qol uu deganaa.

Qoyskiisa oo 13 ah ayuu sheegay in ay tan iyo markaas gabaad-sanayaan geed aan lahayn har iyo dugaal toona oo ku yaalla duleedka deegaanka, halkaas oo ay u barakaceen. Waxaa intaas u dheer cunno xumo badday in ay hal waqti karsadaan wax ay dad ku caawiyeen oo aan ku filnayn.

“Raashinka waxaan ku helnay wax dad na iskugu kaaya soo daray ayaan dabka ku shubanaa markii hore ee dabku cusbaa. Wisil baa nala ka soo caawiyey oo sonkor iyo bur nalookaga keenay. Haddana waxaan wax qabad ka rabnaa dadweynaha iyo dawlada.”

Ciid wuxuu sheegay in dukaankiisa oo ahaa kan ugu wayn ee deegaanka ku yaallay uu si maalinle ah uga helayay ugu yaraan $20 oo faa’iido ah. Wuxuu sheegay in masiibadan ay ku soo aadday xilli uu dukaanka u soo adeegay oo uu wada geliyay dhamaan lacagtiisa, taas oo xaaladda ku sii adkaysay.

Ciid oo deegaanka ku soo ganacsanayay muddo 8 sano ah wuxuu ku qiysaasay hantida ka gubatay ku dhawaad $10,000 oo iskugu jirta alaabta u saarnayd dukaanka qiimaha kaga baxay labada guri iyo lacago ay u dhiibteen dad macaamiishiisa ka mid ah.

“Anniga baa qaas ahaan u lahaa lacagtaas oo dhar iyo bagaash iskugu jira Ganacsi xoog leh buu ahaa. Haddii nala caawiyo in aan ku laabanno waa laga yaabaa, laakiin hadda waxba ma hayno in wax aan ku ganacsano nala siiyo oo guryihii naloo daqac tiro ayaan u baahanahay.”

Ciid wuxuu sheegay in cunno xumada ay u dheetyahay cauuurtiisa dabaydha xagaaga oo ku dhacaysa ku dhacaysa habeenkii iyaga oo gaajoon. Wuxuu tilmammay in xitaaa uu awoodi waayay in uu u dhiso buush yar maddaama uusn waxba ka soo qaadan agabkii u yallay.

Wuxuu sheegay in uu isku dayay in qoyskiisa uu u raro magaalada Wisil oo u jirta 35 km  balse uu awoodi wayay qarashka ku baxaya gaariga oo gaaraya ugu yaraan soddon dollar.

Wuxuu intaas ku daray in hadda ay welwel joogto ah ku hayso siday noqon karto nolosha qoyskiisa haddii ay arrintaan ku sii jiraan muddoo dheer maaddama ay inta yar ee ay halkaan joogeen ay galeen xaalad aad u liidata.

Dhamaan dadka ka barakacay deegaanka Cadale ayaa ka siman nolol xumada ka dhalatay gubista deegaanka. Waxay daadsan yihiin miyiga, halkaas oo xitaa aysan ku helin wax gargaar ah mudada ay joogaan.

Safiyo Xasan Jaamac iyo carruurteeda oo sagaal ah waxay hal waqti karsadaan raashin aan ku filnayn oo ay ka soo dawarsato dadka ay wada barakaceen hadba qofkii wax dhaaman. Waxay xustay in maalintii ay hesho ugu badnaan kiilo raashin ah oo aan iidaan lahayn taas oo aan wada deeqin qoyskeeda ballaaran.

Waxaa intaas u dheer hoy la’aan oo waxay sheegtay in ay carruuryeeeda oo kan u yar 9 bil jiro ay ku hayso geed aan har lahayn oo aan ka celin karin dhaxanta iyo cadceedda.

“Guryahii la iga gubay waxay nagu keeneen barakac miyi baan u baxay teendhaa dhisay okor la’aan, biyo la’aan silacaas ayaan la kulmay. Sido kale magaadii iyo maacuuntii halkas bay ku gubatay”

Safiyo waxay sheegtay in saygeeda uu yahay nin waayeel ah oo guri jooog ah, taas oo ku qasabta in ay kaliged koriso carruurta. Waxay sheegtay in deegaanka ay ku lahaayeen labo qol balse dabka la qabadsiiyay iyaga iyo wixii agab u yaallay.

Guriga ayaa ahaa hantida kaliya ee ay shinsanayeen markii labadii sano ee la soo dhaafay daaq xumo deegaanka ka jirtay ay nacfi tirtay 30 ari ah oo ay nolosha qoyskoodu ku tiirsaneyd. Waxay tilmaantay in tan iyo xilligas ay ku tiirsanayeen dayn ay ka qaadanayeen dadka ganacsiga ku leh tuulada maaddaama aad looga yaqaanay deegaanka.

Waxay xustay in hadda lagu leeyahay dayn gaaraysa illaa $240 taas oo aysan hayn hannaan ay ku guddo. Waxay intaas ku dartay in dukaanaddii ku lahaa ay hadda si joogto ah u soo waydiiyaan markay qasaarada kulmeen oo ay ka maarmi waayeen.

Sidoo kale qoyska safiyo waxay culays wayn ku qabaan helista biyaha. waxay tilmaantay in maalinta iyo habeen ay ku joogaan 20 liitar  oo ay labo mar garab uga soo qaado baraag u jirta illaa 3 km. Halka fuusto waxaa laga siiyaa $7, taas oo aysan awoodin. Waxaa isku gaaray $45 oo dayn ah iyada oo loo sheegay in haddii aysan bixin todobaadkan laga joojin doono.

“Biyaha gacantaa ku qaadanaa ama barkad aan u dhawaano ama ceelgacmeed aan dagno garabka noo gaadiid ah wax gaadiid ah nooma joogaan dhibaato weyn baan ku qabnaa biyaha garab qaadka ah ilaahay hanaga saaro meesha ugu yar hal saac baa loo socdaa marba meelaan dagnaa waa lagu laaban waayey deegaanka.”

Safiyo waxay sheegtay in muddada ay joogaan meesha ay u baraakaceen oo gaaraysa illaa illaa 23 maalin ay saddex mar oo kali ah waraabisay ariga waydda ah ee u jooga. Hadda oo la gaaray kalkiisana aysan u hayn wax biyo ah xilligaan oo uu dhacayo kulaylka jiilaalka.

Safiyo oo ah 43 jir nolosheeda oo dhan ku soo qaadatay deegaanka waxay xustay in xilligaan qoyskeedu ay ku jiraan noloshii ugu adkeed ee ay abid mutaan. Waxay tilmaantay in ay ka cabsi qabto in ay galaan xaalad qatar.

Dadka ay wada barakaceen ayaa ah kuwa aan waxba is dhaamin nolol ahaan, taas oo nolosha ku sii adkaynaysa. Guddoomiyaha deegaanka Cadale Cabdullaahi Salaad oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in in xaalada dadka ay tahay mid qatar ah.

Wuxuu tilammay in dhawr mar ay cabasho u direen maamulka Galmudug iyio hay’adaha samafalka, balse aysan weli helin wax jawaab ah. haddii ay dadkaan gargaar waayaan labada todobaad ee soo socota waxa uu xusay in ay geli karaan xaalad aad u liidata maamul ahaanna aysan lahayn awood ay wax kaga qabtaan.

“Waxaan kaloo noo qorshaysan inaan la hadalno o xaalada dadkaan gaarsiino dawlada, dadka wax wooda iyo haayadaha intaba.”

Dhanka kale guddoomiyaha wuxuu sheegay in labo sano dhacdo tan la mid ah ay ka dhacday deegaanka oo shabaab ay dab qabadsiiyeen dhamaan guryaha magaalada iyaga oo dadka ku qasbayay in ay amaradooda u hoggaan samaan.

Wuxuu tilmaamay in dadka oo si adag ula soo tacaalay ka soo kabsashada xaaladddas ay tan u raacday balse ay u muuqdaan in markaan aysan heli karin qaab ay kaga soo kabtaan.

Previous Post

Nolol xumo ka dhalatay colaad galaafatay hanti ay la haayeen qoysas ku nool Sanaag

Next Post

Ganacsiyo ka burburay haween iskudayay in ay ka baxaan nolol xumo ku haysa Garowe

Related Posts

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

December 18, 2025
Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

December 16, 2025
Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

December 12, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

December 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 8, 2025
Next Post
Ganacsiyo ka burburay haween iskudayay in ay ka baxaan nolol xumo ku haysa Garowe

Ganacsiyo ka burburay haween iskudayay in ay ka baxaan nolol xumo ku haysa Garowe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-18-DEC-2025

IDAACADDA-18-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA-18-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA-18-DEC-2025
December 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-DEC-2025
December 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-DEC-2025
December 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-DEC-2025
December 15, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-DEC-2025
December 14, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo