(ERGO) – Boqollaal qoys oo dagaal u dhaxeeya ciidanka dawladda iyo Shabaab uga soo brakacay degmooyinka Maxaas iyo Moqookori ee gobolka Hiiraan ayaa wajahaya caafimaad darro iyo nolal xumo tan iyo bishii July ee sanadkan.
Arrintaas ayaa ka dhalatay, markii illaa 26 xarumo caafimaad oo ay ku tiirsanayeen ay u xirmeen colaadda darteed. Goobaha xirmay oo ay maalgelinayeen hay’ado ay ka mid tahay Save the Children ayaa siinayay adeegyo bilaash ah.
Dadka barakacay oo ku sugan deegaanno miyiga magaalooyinkaas hoos taga ah ayaan haysan meel ay geeyaan dadka ka xanuunsada. Xaamila Cabdulle Jimcaale oo ka mid ah waxay daryeel u la’dahay hooyadeed oo 100 Sano ah jir ah.
Waxaa meesha ka baxay baaritaano iyo daawooyin toddobaadkii labo jeer ay u heli jirtay. waxay quus ka muujisay xaalada ay ku sugan tahay oo aysan xalkeeda heyn.
“Hooyo sonkor iyo dhiigkar ayay qabta. Aad bey u jirantahay. Awood aan daawo ugu soo iibiyo malihi. Meesha aan imaanay waa ku cusub nahay, sidoo kalana hal kiniini ah meel aan uga soo qaado malahan.”
Wuxuu ka mid ahaa ciidamada deeganka ee Macaawiisleyda. 27 bishii Luuliya ayay sheegtay inuu ku dhintay dagaal ay la galeen shabaab oo wareer ku soo qaaday degmada Maxaas.
Afartan neef oo uu dhaqanayay ayay xustay in ay iskaga soo tageen 28 bishii Luuliyo dagaalka dartiis. Haaweeyneydan ayaa sheegtay in xaaladan ay u dheertahay hoy la’ aan iyo cunno xumo.
Waxay hal mar ah maalinkii dab ku shitaan kalmo ay ka helen dad deris la ah, taas oo aan ku filneyn qoyskeeda oo ah iyada, toban carruur ah oo uu ka tagay walaalkeed iyo xaaskiisi. Waxay sheegtay in Bukuri oo u jirta 68 km degmada Maxaas ay ku yimaadeen gaari ay ku caawiyeen dad ay qaraabo yihiin.
Saddex maalin iyo habeenadooda ayay ku sugnayeen deegaanka Cali Ganeey oo Maxaas hoos taga, markii uu gaariga kaga jabay. Waxay sheegtay in halkaasi ay ka soo tageen, kaddib garab siin ay ka helen gawaari kale oo safar ahaa.
Waxay xustay in ay awoodi la’ dahay $1 oo ay hooyadeed ugu iibiso koonbo caano ah oo ah waxaa keliya ee ay quudan karto. Waxay gocaneysa in ay banaan yaal ka noqdeen guri ay ku leeyihiin degmada Maxaas.
“Geed weyn oo duqda loo waabay oo lagu hoos heyn jiray, wax walbo oo noo dhex yaallay waan uga soo tagnay, hadday alaab yihiin ama jiif labadadaba. Waxaan nahay dad caraar ku yimid oo waxay heysteen iskaga soo tagay.”
Xarumaha caafimaadka ee bixiya adeegyada bilaashka ah waxay kaalin muhiim ah ugu jiraan badbaadada bulshada nugul iyo kuwa danyarta ah ee aan awoodin in ay iska bixiyaan adeegyada lacagta ah.
Shuuriye Maxamed Dhalin waxaa muddo labo toddobaad ah ka jiran afar ka mid ah carruurtiisa oo uusan dawo uu awoodi karin. Halka ugu dhaw ee uu ka heli karo xarun caafimaad ayaa ah magaalada Baladwayne oo u jirta 31 km.
Ninkaan oo ahaa beeralay, balse sanadkaan aan colaadda darteed waxba gooosan ayaa sheegay in uusan hayn dhaqaale uu meshaas ku geeyo ilmihiisa iyo isaga oo jiran.
“Hal kaniini ah xita manan helin ila hadda. Xanuunkaasi oo jirkeyga ka batay ayaan daremaya. Mesha aan joogna meel laga daaweyo kuma taallo, wax hadda la keeni doona maahe.”
Shuuriye oo hadda barakac ku deeganka Cilaanle oo hoos taga magaalada Baladweyneayaa sheegay in labo sano ah ay qoyskiisa oo 15 qof ah ku tiirsanaayeen daryeelka caafimaad ee ay ku heli jireen degmada Maxaas, balse hadda wax walba meesha ayay ka baxeen.
Wuxuu sheegay in welwelka uu ka qaba bad-qabka ilmahiisa ay u dheer tahay cunno xumo uu ka cabsi qabo in carruurtiisa ay ka qaadan nafaqo darro.
Waxay 24 saac hal mar dabka ku shitaan kaalmo aan badneyn oo uu weydisto dad ehelkiisa ah oo jooga magaalada Muqdisho, taas oo marka ay wayaan ay ku qasbadan in ay calool marnaan ku joogan.
“1$ ii soo tuur iyo waxaan dad aan wacno aan ka helno ayaan ku noolnahay. kol la hello, kalna la waayo. Marba waasi. Wax la cuno, hoy iyo dawo midna ma heysano. Dash yar oo ay dad dhisten baan maalinkiina qoraxda ka harsana.”
Shuuriye oo 80 jir ah ayaa sheegay in marar badan uu deeganka ka raadiyay shaqooyin xamaal ah, balse ma uusan helin. Wuxuu tilmaamay in sidoo kale ay labaadiisa xaas isku dayeen helida shaqooyin nadaafadeed oo aysan u suurtagelin.
Wuxuu sheegay in xaaladan ay u wehliso hoy xumo. Waxay gabadsadaan qol buush ah oo u nugul qoraxda iyo qabowga. Qoyskiisa oo badan ayuu xusay inuusan ku filneyn, balse ay dantu ku riixday. Wuxuu gocanaya guri ka kooban hal qol oo dhagax ah, musqul iyo jiko oo ay ku leeyihiin degmada Maxaaas.
Waxaa barakaca uga waxbarasho beelay 5 ka mid ah carruurtiisa oo u dhiganaayay dugsi hoose dhexe, kuwaas oo si bilaash ah wax ugu baran jiray. Wuxuu xusay inuusan u awoodin inuu geeyo iskuullada deeegaanka, maddaama ay hadda awoodi la’yihiin quud-malmeedka.
Wuxuu ka faro maranyahay 45 ari ah iyo beer labo hiktar ah oo ay noolashoodu ku tiirsanayd, kuwaas oo ay iskaga soo tageen 21 bishii Luuliya colaada darteed.
Wuxuu tilmaamay in tan iyo bishii Maarso uusan wax dallag ah galin beertiisa. Waxaa ka hor istaagay dagaalka oo gobolka ka jiray illa sanadkii hore. Qoysaskan ayaan dib ugu noqon karin deegaannadoodi oo ay Shabaab gacanta ku hayaan. Meelihi ay tageen ayaysan sidoo kale ku helin kaalmo ku filan.
Isuduwaha caafimaadka ee degmada Maxaas Maxamed Faarax Sabriye oo hadda ku sugan deeganka Hees oo Mataban hoos taga ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in samaaynta ugu badan ee arrintaan ay gaartay hooyooyinka uurka leh iyo kuwa umulaya ee aan heli kaarin qarashka iyo isbitaalka midna.
“Dadka markii hore waxaa ay heli jireeyn adeeg caafimaad oo bilaash ah. lakiin hadda ma heli karaan xiita hal barastamool ah. Waxaa jiray hooyooyin uur lahaa oo inta ay barakacayeen dhexda ku umulay, daryeel caafimaadna aanan helin.”
Lix iyo labaatan Kun oo qoys ayaa afartii bil ee ugu dambeeyey daagaallada uga baraakacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo wajaayo xaalado adag oo dhinaca nolosha ah sida ay sheegeen hay’ada maareeynta masiibooyinka soomaaliya ee SODMA iyo maamulka Hirshabeelle.








