Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay xoolo la’aan ku dhacday qoysas reer-guuraa ah

Jibril Osman by Jibril Osman
March 29, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay xoolo la’aan ku dhacday qoysas reer-guuraa ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun iyo shan boqol oo qoys oo ku noo deegaanka Cali-waal ee gobolka Mudug ayaa wajahaya saddexdii bil ee ugu danbaysay xaalad nolol xumo ah. Arrintaas ayaa ka dhalatay markii daaq xumo iyo biyo yari ay u dhinteen inta badan xoolihii ay ku tiirsanaayeen.

Waxaa ka mid ah qoyska Cabdullaahi Maxamed Cali oo ay ka le’deen 85 oo ka mid ah tiro ari ah oo ay dhaqanayeen. Inta u hartay oo aan nacfi lahayn darteed waxay qoyskiisu muteen cunno xumo iyo biyo yari daran markii roob yari labo sano iyo bar ah ay u maratay baraag ay ka biyaha ka cabbi jireen.

Ninkan ayay dantu ku qasabtay inuu qoyskiisa u dawarsado dad ay qaraabada yihiin oo ku nool magaalada Gaalkacyo. Waxay hadda hal waqti karsadaan raashin min 10 kiilo ah oo isugu jira bur, bariis iyo sonkor oo loo soo dhiibay dabayaaqadii bishii labaad ee sanadkan

“Waxaan dhibaato ku qabnaa helista cunnada oo sidaan u heli jirnay baana u helayn, baqaaradaa ka soo qaadan jirnay.  Awal xoolahaas bay fiirsanyeen xoolahii markay baaba’een waa naga daysteen. Xoolo noo gadmaya oo raashin kala soo baxno malahan dhibaatada nuucaas ah baan ku qabnaa raashinka xagiisa.”

Cabdullaahi ayaa sheegay in waxa ugu wayn ee xoolihiisu u dhimanayaan ay tahay biyo yarida deegaanka ka jirta. Wuxuu tilmaamay inay ku tiirsanaayeen biyaha gala baraagaha, kuwaas oo ka dhamaaday markii muddo dheer la isticmaalay.

Wuxuu xusay in hadda biyaha meesha ugu dhaw ee ay u doonan karaan ay tahay Bitaale oo u jirta 40 km. Halka fuusto ayaa lagu keenaa deegaankooda $7 taas oo aysan awoodin inay gataan.

Wuxuu sheegay in booyadaha oo labo bil uu dayn kaga qaadanayay  ay hadda u diideen markay ku yeesheen lacag gaaraysa $250 asna uu bixin waayay. Waxay hadda ku nool yihiin biyo ay ku caawiyaan dadka iyaga dhaama ee iibsan kara.

“Caqabadaha biyo yarida ka dhashay waxaa kamid ah dadkii oo hadday maantay wax helaan aan haysan waxay wax ku karsadaan, macluul ilmahii oo markii ay oomaan u nuglaaday cudurrada. Awrkii reerku raran jiray intaan biyo ku doonay ayaa markuu meel dhex marsiinaayo soo qaadi waayay markaas baa ka soo tagnay.”

Ninkan oo ah afartan jir noloshiisa oo dhan ku soo qaatay deegaanka ayaa sheegay in xilligan ay wajahayaan nolol xumadii ugu darneed ee abid soo marta. Wuxuu tilmaamay in dhaqaale xumada darteed uu xitaa kari waayay inuu u guuro deegaannada kale ee biyaha leh maaddaama uusan kiraysan karin gaari uu ku qaato dadka iyo xoolaha weyda ah ee aan socodka gelin.

Wuxuu sheegay in maalin kasta arigiisa ay ka baxaan hal ilaa saddex neef biyo yarida iyo daaq la’aanta darteed. Wuxuu xusay inay u muuqdaan kuwa ku dhamaan kara ilaa dhamaadka bishan marka uu qiimeeyay xawliga ay ku socoto dhimashadooda.

Nolol xumada ka dhalatay saamaynta roob yarida waa mid ay ka siman yihiin dhamaan dadka deegaanka. Burhaan Xuudi wuxuu qoyskiisa oo sagaal ah u awoodi la’yahay cunno hal waqti ah. Xaaladaas ayaa qabsaday markii daaq la’aan, jirrooyin uusan aqoon iyo biyo yari deegaanka ka jirta ay ku dhaafeen 150 ka mid ah labo tiro oo ari ah oo uu lahaa.

Xoolaha ninkan oo dhimashada waday tan iyo bishii Diseembar ee sanadkii hore ayaa hadda gaaray heerkii ugu liitay. Wuxuu tilmaaamay in si maalinle ah ay hadda u baxaan, taas oo u muuqata in ay ku dhamaan karaan muddo kooban inta baaqiga ah. Wuxuu xusay in uusan u hayn qarash uu ugu iibiyo raashin iyo daawo.

“Xoolaha waa abaaraysanyahii. Ceesha ma gaaraan. Xoolaha barna waa lumeen oo abaarta laqday iyo nur yarida. Wixii xoolaha dabaadiyoodana waa liitaan. Ilaahay ha naga baxshee dadka miyiga iyo xoolahaba abaartaas baa ku ribanaysa.”

Qoyska Burhaan oo aan lahayn il kale oo dhaqaale ayaa markii xoolahooda nacfi beeleen ku qasbanaaday inay kaalmo waydiistaan dadka deegaanka ee iyaga dhaama. Wuxuu tilmaamay inay ka heleen wax ay hal waqti karsadaan oo aan ku filayn.

Xaaladda cunno xumada ah ee ka jirta deegaanka oo ka sii daraysa darteed wuxuu xusay in hadda ay yaraadeen dadkii ay kaalmada ka helayeen maddaama ay duruuftu wada gaartay.

Ninkaan ayaa intaas raaciyay in biyaha ay cabbi jireen  laga jartay markii uu bixin waayey lacagta booyadu ku leedahay oo dhan $300. Waxaa u dheer lacago kale oo looga leeyahay magaalada Gaalkacyo kuwaas oo uu xili hore raashin uga qaatay. Wuxuu sheegay in dadka ku eh daymahaas ay saareen cadaadis kale.

 “Daymaha la igu leeyahay waa lacag badan ilaa shan kun baa nala ku leeyahay. Dayntii markay baqaaradii ku badatay waxay dhaheen annagu meelaan kasoo qaadno malahan. Xoolahii aan ku tiirsaneeen naf malahan.”

Burhaan wuxuu sheegay in hadda uu qorshaynayo inuu qoyskiisa ula barakaco magaalooyinka waawayn ee gobolka si uu ugu helo nolol dhaanta midda ay ku jiraan.

Ninkan ayaa sheegay inuu isku-dayay inuu shaqooyin xoogsi ah u radsado magaalada Galkacyo balse uu haddana ku dhiiran waayay maaddaama uusan lahayn xirfad uu ku shaqayn karo. Dhanka kale xoolihiisa ayuu tilmaamay inuu quus ka joogo maaddaama uusan u awoodin daawo iyo raashin toona.  

Xaaladda dadka deegaanka oo dhamaan wada ahaa xoolodhaqato ayaa ka sii daraysa marba marka ka danbaysa sida uu shegay Muxayadii Sheekh Cabdi oo ah guddoomiyaha deegaanka.

Dhibaatada ugu badan ee gaartay dadka iyo duunyada ayuu ku sheegay inay tahay biyo la’aanta ay u raacday daaq xumo wiiqday awoodda xoolaha. Wuxuu tilmaamay in dadka oo aan lahayn kayd dhaqaale ay si degdeg ah u saamaysay xaaladahaas isbiirsaday.

Deegaanka oo aan lahayn ceel riig ah iyo mid gacmeed toona ayuu xusay in dadkiisu ay ku tiirsanaayeen in ka badan 20 baraagood oo ay ku kaydsan jireen biyaha roobka. Wuxuu tilmaamay in sanadkii hore ay marteen markii ay isku raacday roob yari saddex xilli oo xiriir ah. Dhanka kale guddoomiyaha ayaa ka dayriyay xaaladda dadka oo uu sheegay inay marayso meel qatar ah.  

Saamaynta ka dhalatay roob yarida soo laalaabatay ee sanooyinkii danbe ka jiray gobolada dalka ayaa umuuqata mid ay adkaan doonto inay ka soo kabtaan saamaynteeda xoolo dhaqatada iyo beeralayda oo ay dhibaato wayn ka soo gaartay.

Previous Post

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

Next Post

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

Related Posts

Dhadhaab: Haween carmal ah oo ku keliyaystay korinta carruur lagu dayacay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween carmal ah oo ku keliyaystay korinta carruur lagu dayacay

December 29, 2025
Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

December 18, 2025
Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

December 16, 2025
Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

December 12, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

December 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Next Post
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 28-DEC-2025

IDAACADDA 28-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 28-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 28-DEC-2025
December 28, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-27-DEC-2025
December 27, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 26-DEC-2025
December 26, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-25-DEC-2025
December 25, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 24-DEC-2025
December 24, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo