Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Colaadda ka jirta Bari oo saameysay dad ku tiirsanaa xabagta laga guro geedaha xijiga

Jibril Osman by Jibril Osman
March 11, 2025
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Colaadda ka jirta Bari oo saameysay dad ku tiirsanaa xabagta laga guro geedaha xijiga

Dad haween u badan oo ka cabanaya cunno xumo/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 2,500 oo qoys oo ah reer miyi xijiga ka ganacsan jiray ayaa wajahaya nolol xumo tan iyo bartamaha bishii Diseembar sannadkii hore, markii ay ka barakaceen dhulkii uu xijigu ugu beernaa cabsi ay ka qabaan colaadda u dhaxeysa Puntland iyo kooxda Daacish.

Fowsi Cabdulahi Cabdiraxmaan oo ka mid ah waxaa ku adag in uu qoyskiisa oo 12 qof ah  u helo cunno iyo hoy ku filan, markiii colaadda awgeed uu uga soo cararay 5 geed oo uu ku leeyahay duleedka deegaanka Isku-shuban oo 86 km bari ka xiga degmada Qandala.

Waxay sheegay in ay gacanta u hoorsadaan dadka nolol ahaan dhamaama si ay uga helaan cunno ay quutaan. Wuxuu intaas raaciyay in saamaynta ka soo gaartay shaqo la’aanta ku dhacday ay qoyskiisa u horseeday nolol xumo aysan weligood horay u mudan.

“Colaadda jirta ayaa na qasabtay oo saamayn nagu yeelatay. Dadku marka ay xijiga ka shaqaysanayeen oo nolol maalmeedkooda ayay ka maaraynayeen, markii uu wuu istaagay hoos bay u dhacday noloshoodii dadkii ma haystaan wax ay cunto ku cunaan.’’

Fowsi ayaa tilmaamay in shaqada jixiga oo uu ku soo jiray muddo 10 sano ah ay u ahayd halka meel ee qoyskiisa uu dhaqaale ka soo galo. Wuxuu xusay in sanadkii uu labo mar goosan jiray isaga oo ka heli jiray faa’iido ku sii filneed inta laga gaarayo xilli goosiga kale.

Wuxuu xusay in markii ay ka joogsato shaqada xijiga uu u weecan jiray 40 ari ah oo uu dhaqdo, laakiin ay ka le’deen dhammaadka 2023, markii ay saamaysay roob yari iyo abaar deegaanka ka jirtay labadii xilli roobaad ee ugu danbaysay.

Ninkan ayaa intaas ku daray in cunno xumada ay u dheer tahay qoyskiisa waxbarasho la’aan soo foodsaartay shan carruurtiisa ah. Waxay dhigan jireen fasalada 3-aad, 5-aad, 6-aad iyo 8-aad ee dugisa hoose dhexe ee Cumar Binu Cabdicasiis, kuwaas oo isku-darkooda uu ka dhiibi jiray bishii $40.

“Carruurtii haddii ay waxbaran jireen aan xijiga ka maarayn jiray oo waxbarashada aan xijiga uga bixin jiray hadii uu istaagay dugsigii ilmihii waxbarasho waa u weynay waa la soo cayriyey, aniguna lacagtii meel aan ka bixiyo waan waayey. Ilmihii hada waa iska guri joog.’’

Fowsi wuxuu sheegay in qasaaraha gaaray dhirtiisa ay u dheer tahay dayn dhan $300 oo ay ku leeyihiin ganacsato ku nool deegaanka Balli dhidin. Wuxuu kaga qaatay raashin ay isticmaalayeen 2 bil oo ay barakac yihiin. Lacagtaas ayuu tilmamay in qorshegeedu ahayd in uu bixiyo bilowga bishaan walow aysan suuroobin.

Dadkii dayntaas ku lahaa ayuu tilmamay in ay ku cadaadiyaan in uu iska gudo, maaddama la joogo mudadii uu qabsaday. Waxaa sidoo kale laga joojiyay dayn cusub in uu qaato, taas oo xaaladda ku sii adkaysay. Wuxuu xusay in uusan hayn qorshe uu ku xaliyo oo uu quus ka joogo.

Xijiyaysatada deegaannadan ayaa ka siman saamaynta ka dhalatay colaadda gobolka Bari ka taagan. Maxamuud Maxamed Maxamuud wuxuu cabsida uu colaadda ka qabo awgeed uga soo tagay afar geed oo uu  ku soo dhaqmayay muddo lix sano ah.

Geedaha oo ka baxa dusha sare ee buuraha ayuu sheegay in aan la tagi karin cabsi uu ka qabo inay haleesho rasaasta wiiftada ah. Wuxuu xusay in qoyskiisa tan iyo markaas uu wajahayo xaalad aad u liidata oo dhanka nololsha ah.

Waxay hadda ku tiirsan yihiin wixii ay ku caawiyaan dadka deriska oo ay karsadaan hal waqti, taas oo ku adag carruurta yar yar in ay sugtaan. 

“Albaabadii baa nalaga xirtay daynta marka duruufo adag baa jira, qoyskii dabku ka damo qoysas kale baa caawiya waxbaa la isugu dardaraa oo dadka ayaa la isaga dhex nool yahay.”

Maxamuud ayaa sheegay in qoyskiisa cunno xumada ay u dheertahay biyo yari. Wuxuu tilmamay in biyaha deegaanka Dhurbo ee ay ku nool yihiin halkii fuusto ay ka marayso qiima dhan $6.

Wuxuu dhaqanayaa 50 neef oo ari ah oo aan lahayn neef suuqa gala, kuwaas oo ah caato aan cad iyo caano midna lahayn. Wuxuu intaas raaciyay inuusan lahayn awood uu calaf ugu iibiyo.

“Culaysyada ugu darani waxaa weeye wixii lagu noolaan lahaa haday biyo tahayna ma leh haday quud tahayna malahan.”

Maxamuud saamaynta ka soo gaartay shaqo la’aanta ayuu sheegay inay taabatay hab nololeedkii reerkiisa, maaddama xaaladdaan ay ku noqotay arrin hoosta ka soo gashay oo aysan horay ugu sii baraarugsanayn.

Gudomiyaha deegaanka Gumbax Maxamed Saalax Cumar oo deeganada intooda badan ay hoos tagaan ayaa sheegay in xaaladda haysata xijiyaysatada ay saamayn ku yeelatay dhamaan gobolka.

Wuxuu xusay in dhaqaalaha ugu badan ee magaalooyinkaas uu ka soo xaroon jiray xabagta oo loo dhoofiyo debedda, balse arrintaas ay aad hoos ugu dhigtay ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Wuxuu xusay in ka maamul ahan ay isku hawleen sidii loo caawin lahaa qoysaskaan ka soo barakacay ilahoodii nolosha.

“Dhanka xijiyadii iyo dhuuxyadii way ka tageen oo waa ka baqeen. Baahi badan wey iska jirtaa oo saamey noloshoodii.”

Xiliyaysatada gobolka waxay labadii bil ee u dambeeyay la dhibtoonayeen saamaynta ka dhalatay colaadda ka socota deegaanno ka tirsan Bari. Waxaa u sii dheerayd abaaraha iyo isbeddelka cimilada oo marar kala duwan hoos u dhigay wax-soo-saarkooda.

Waxay welwel ka qabaan inay  meesha ka baxdo dhirtii xijiga, taas oo ay tilmaameen inay adag tahay in dib loo beero.

Previous Post

Mudug: Boqollaal qoys oo nolol xumo wajahaya markii colaad ay barakicisay

Next Post

Awdal: Nolol xumo ka dhalatay ganacsiyo u xirmay dayn lagu yeeshay qoysas beeraley ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xanuunka dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen

October 31, 2025
Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida

October 30, 2025
Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka

October 29, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween waddooyinka Cadaado ku iibiya cunno bisil oo ka soo kabtay dhaqaale xumo

October 27, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraaga Hiiraan oo daryeel caafimaad iyo mid daaq u helay geela abaarta u nugul

October 24, 2025
Next Post
Awdal: Nolol xumo ka dhalatay ganacsiyo u xirmay dayn lagu yeeshay qoysas beeraley ah

Awdal: Nolol xumo ka dhalatay ganacsiyo u xirmay dayn lagu yeeshay qoysas beeraley ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-NOV-2025

IDAACADDA 04-NOV-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-NOV-2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-NOV-2025
November 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-NOV-2025
November 3, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 02-NOV-2025
November 2, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 01-NOV-2025
November 1, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 31-OCT-2025
October 31, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo