(ERGO) – Cumar Cabdullaahi Aadan oo qaxooti ku ah xerada Dhagaxley ee gobolka Waqooyi Bari-Kenya waa xirfadle nolosha qoyskiisa ka maareeya dhaqashada Shinnida oo malabka ay soo saarto il dhaqaale u yahay. Waa qofka kaliya ee xeradan ku nool oo ka macaasha. Waxa uu sheegay in ganacsigiisu marayo xilligii ugu fiicnaa.
Dhaqashada Shinnida ayuu uga maarmay ku tiirsanaanta kaalmada la siiyo qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab, taas oo la dhimay bishii August ee sanadkan. Cumar ayaa xusay in bishii cel celis uu ka helo dhaqaale gaaraya $200 illaa $250. Wuxuu tilmaamay in siddeed sano oo uu dhaqanayo aysan reerkiisu wajahin cunno yari oo ay dabka shitaan saddex waqti maalinkii.
“Bil walba lacag badan ayaa iga soo gasha. Maalinkii iigu badnaa waxaan ka helay 32,000 oo Shillinka Kenya ah $213.”
Shinnida ayaa ugu xareysan 21 sanduuq oo dhex-yaalla beer geedaha waa weyn ku badan yihiin oo 4 km u jirta xerada uu deggan yahay. Wuu ooday si aysan u soo galin xoolaha iyo dadka oo uu ka ilaaliyo. Maalin kasta ayuu tagaa si uu ugu diyaariyo biyo ay cabto.
Cumar oo 67 jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in malabka uu soo saaro ay inta badan ka iibsadaan dadka ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Wuxuu xusay in mararka qaar uu u dhiibo dad ka soo dalbada magaalooyinka Nairobi iyo Dhoobley oo gobolka Jubbada hoose ah.
“Caagadda biyaha lagu shubto ee nus liiterka ah waxaan ku gadaa kun iyo labo boqol oo Shillin. Midda ka sii yar ee ku xigta waxaan ku gadaa lix boqol oo Shillin. Caagga sadex liiter ah waxaan ku gadaa lix kun iyo labo boqol oo Shillin.“
Cumar ayaa sheegay in lacag gaaraysa $360 oo uu ka helay malabka Shinnida uu sanadkii 2017 ku gatay hal neef oo ari ah iyo labo qaalmood oo geel ah. Ariga oo tartamay, imikana ah toddobo neef wuxuu ku dhaqdaa xerada, halka geela oo tiradiisu tahay shan neef ay u hayaan reer ay qaraabo yihiin oo deggan miyiga degmada Dhadhaab.
Cumar ayaa intaas ku daray in toddobo ka mid ah carruurtiisa oo dugsi quraan dhigta uu bishii ka bixiyo $32. Shinnida oo fursad nololeed u noqotay ayuu ka hadlayaa sida uu ku helay.
“Shinnida saddex nooc ayay u kala baxdaa, Shinni madow. Shinni gaduud ah iyo Shinni waraabe. Shinni gaduuda ayaa aad u fiican. Tii iigu dheereyd waxaan ka soo qabtay Dhadhaab. Inta waxaan ka soo aruuriyay aagga xerada Dhagaxley ee aan deganahay.“
Kaalmada qaxootiga ayuu tilmaamay inay aheyd isha kaliya ee qoyskiisu ku tiirsanaa inta uusan billaabin dhaqashada Shinnida. Xilligaas ayuu xusay in noloshu ku adkeyd oo ay dabka shidan jireen ugu badnaan labo waqti maalinkii. Sababta wuxuu ku sheegay in deeqda raashinka ah ee laga siiyo xerada oo bishii ah 48 kiilo oo masago ah iyo 4,950 Shilin-ka Kenya ah aysan dabooli karin baahida qoyska.
Waa shaqo dadka qoxootiga ah aysan wali ku baraarugin, balse cumar iyo qayskiisu ay ku baraareen. Ninkan oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa sheegay in Shinnidu ay malabka soo saarto lix bil oo sanadka ka mid ah, halka inta kale ay ku jirto diyaarin iyo taran.
Cumar ma adeegsado dharka layskaga difaaco qaniin yadeeda, balse taas badalkeed wuxuu isticmaala dab iyo qaac marka uu malabka ka qaadanayo ama uu soo qabanayo mid cusub.
“Maalintii iigu horeysay ee aan isku dayay inaan Shinni soo qabto anigoo aan garaneyn oo wax aqoon ah aan laheyn aad ayay ii cuntay. Heer waxaan gaaray aan suuxo oo biyo leygu rusheeyo oo meeshii gaari leyga qaado xataa waan matagay. Laakiin hadda waan la qabsaday wax dhib ah igama soo gaaraan.”
Cumar ayaa dhaqashada Shinnida ku billaabay lacag $56 ah. Wuxuu ku iibsaday saddex sanduuq oo uu hoy uga dhigay tii ugu horeysay oo uu ka soo qabsaday miyiga ku xeeran xerada uu deggan yahay. Waxa uu sheegay in qaxootiga uu la soo galay lacagtaas oo kaliya sanadkii 2015. Waxay aheyd mid ka soo gashay Shinnida oo uu ku dhaqan jiray miyiga degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada hoose.
Halkaas ayuu xusay inuu uga qaxay amni darro darteed, markii ay go’doomisay Al-shabaab muddo ka badan 16 sano. Cumar ayaa xusay in Shinnidu ku tiirsan tahay dhirta, ubaxa iyo biyaha oo uu sheegay in haddii ay weyso aysan wax soo saar laheyn. Haddaba muxuu sameeyaa xilliyada abaaraha oo intaasba aysan jirin.
“Markay abaar dhacdo waxaan sameeyaa galey ayaan u shiidaa oo aan saxan ugu shubaa oo aan u saaraa geed shaahna waan u kariyaa, qorfe iyo heyl ayaan ugu daraa si caraf ay uga hesho kadibna biyaha ayay cabee raashiinkaasna way cuneysaa, sidaas ayay malabka ku sameyn.”
Cumar ayaa tilmaamay inuusan u warwareyn mustaqbalka qoyskiisa, maadaama dhaqaalaha soo gala uu ku filan yahay. dadka ayuu kula taliyaa inay ku soo biiraan ganacsigaan, maaddama uu xusay in laga heli karo lacag qoysaska laga masruufi karo.
Isagoo 15 jir ah ayuu billaabay dhaqashada Shinnada. Cumar ayaa xusay in nolosha qaxootigu tahay mid adag oo caqabado badan, balse xaaladahaas aysan wajahin isaga iyo qoyskiisuba, dhaqaalaha ka soo gala malabka Shinnida awgeed.
Shinnidu waa noole malabka ay soo saartu uu leeyahay suuq fiican, lagana sameyn karo dhaqaale fiican, balse dhaqashadeedu ma aha wax ku badan Soomalida dhexdeeda.










