Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boosaaso: Carruur ka soo jeeda qoysas soo barakacay oo waxbarashada uga haray dhaqaale xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
September 22, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Boosaaso: Carruur ka soo jeeda qoysas soo barakacay oo waxbarashada uga haray dhaqaale xumo

Carruurta Cabdi oo guri-joog noqday markii waxbarashadu ka istaagtay/Mohamed Abdullahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Haybe Xasan wuxuu la murugsan yahay waxbarasho la’aan ay wajahayaan shan carruurtiisa ah. Waxay sanad dugsiyeedkan furmay ka hareen iskuulka Ugaas-yaasiin ee magaalada Boosaaso oo ay bilaash ku dhiganayeen. Wuxuu sheegay in afar ay sannadkaan u gudbi lahaayeen dugsiga sare, balse rajadoodii ay rumoobi waysay.

Waxay ka mid yihiin 3,000 oo arday  oo qoysaskoodu ay barakac ku yihiin xerada Waashintoon ee magaalada Boosaaso. Maxamed ayaa sheegay inuusan garanayn sidii uu u badbaadin lahaa mustaqbalka carruurtiisa.

Wuxuu tilmaamay in loo sheegay in sanadkan aysan heli doonin taageerada waxbarasho oo ay siin jirtay hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland oo ay hoos tagayeen dadkaan ayaa u sheegtay in hadda wixii ka dambeeya aysan qoxooti u aqoonsanayn, maaddaama ay Soomaali yihiin.

“Waxaa kale oo la jaray iyadana markii xoogaa joogeenoo kolna la helaa kolna la waayaye oo kolba si noqonayay waxay ahaayeen dharka oo marka dharka la helo oo laga yaabo in buuggaagta kol la waayo waxbaa isbedbeddelayay.”

Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in noloshan ay tahay middii ugu adkeyd ee soo marta muddo sagaal sano ah oo uu deggan yahay xerada Waashintoon ee bariga Boosaaso. Wuxuu tilmaamay in 2005 ay colaad iyo nabadgalyo xumo ka jirtay Dowlad Deegaanka Soomaalida uu ka soo barakacay, Waxay qoxooti ku noqdeen dalka Yeman. Balse, markale colaaddii waddankaas ayaa saameyn ku yeelatay.

Ninkaan wuxuu sheegay inay ku adeg tahay inuu ku filnaado dhammaan baahiyaha qoyskiisa, maaddaama tan iyo markii uu yimid halkaan 2014 uu ku tiirsanaa kaalmada hay’adaha safamalka uu ka heli jiray.

Wuxuu tilmaamay in gargaarkii raashiinka iyo caafimaadka ahaa ee horay looga jaray bishii Janaayo ee sannadkii 2021 uu uga walwal badan yahay kan waxbarshada carruurtiisa ee hadda loo sheegay inuusan helaynin.

Maxamed wuxu xusay in wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ay kala hadleen inaysan xal ahayn in hal mar laga wada jaro taakuladii la siin jiray dadkaan. Balse, ay wasaaraddu ugu jawabtay inuu jiro qorshe guud oo Puntland ay qoysaskaan ugu talogashay, Kaas oo ku haggi doono gaaritaanka nolol ka duwan mida ay ku sugan yihiin.

“Arrintaasi wey taagan tahay wali xal waara looma helin. Ayaan dhoweyd qolyaa noo yimid oo xagga UN-ka ka yimid. Laakiin, wax ilaa hadda sugan oo ballan qaad rasmi ah ma haysanno.”

Maxamed wuxuu ahaa xoolo-dhaqato ka hor inta uusan ka soo barakicin deegaankiisa. Hadda oo uu ku noolyahay magaalo xeebeedka Boosaaso ma haysto shaqo joogta ah marka laga soo tago howlo xoogsi ah oo uu tago dekadda magaalada. Balse, ma ahan mid uu ku maareyn karo nolosha qoyskiisa.

Arrintan ayaa keentay in 5,000 oo qoys oo barakac ku ah xerada Waashintoon ee magaalada Boosaaso ay noloshooda banaan cidla ah ku soo dhacdo. Qoysaskan ayaa ka soo barakacay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dadka barakaca ku ah xeradaan ayaa ka siman dhibaatooyinka, waloow ay sii kala duruuf adag yihiin marka loo eego qaar iyaga ka mid ah.

Cabdi Maxamed Xaaji oo sidoo kale qoyskiisa ku tiirsanaa gargaarka hay’adda UNHCR ayaa sheegay in walwalka ugu weyn ee hadda soo foodsaaray uu yahay sida uu ka yeeli doono waxbarashada carruurtiisa, maaddaama uusan u awoodin inuu geeyo iskuulada lacagta ah ee magaalada ku yaala.

Cabdi oo carrurtiisa ay wax ka dhigan jireen iskuulka Hoose dhexe iyo sare ee Imaamu Shaafici ee magaalada Boosaaso. Wuxuu sheegay in xaaladdaan ay ku soo beegantay isaga oo cudurka sonkorta uu ku dhacay ayna ku adeg tahay inuu joogto u shaqeeyo.

“Afar carruur aa ii dhigata. Afarta carruurta ah kan ugu hooseeya waa lixaad sannadkaan buu lixaad galayaa. Midna waa todobaad. Labada kalena waa dugsiga sare. Waxbarashadii waaba la soo yareey.”

Cabdi oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa sheegay in sannadihii 2021 20222 ay gabaabsi sii noqonayeen caawinaaddii ay siin jirtay hay’adda UNHCR. Wuxuu sheegay in go’aankaan lagu joojinayo kaalmada lagu taageeri jiray qoyskiisa ay si weyn u taaban doonta noloshooda.

Ninkaan ayaa sheegay in marar badan isaga iyo dadka kale ee xerada ku nool ay isku dayeen inay kala hadlaan masuuliyiin ka tirsan Puntland. Balse, ay waayeen cid tixgalisa arrintooda.

Wuxuu sheegay qoyskiisa in waxa kaliya ee ay ku tiirsanaayeen ay ahayd kaalmadii hay’adaha.  Cabdi wuxuu qabaa inuusan wada awoodin masruufka qoyska iyo bixinta waxbarashada carruurtiisa, maaddaama uu shaqo la’aan yahay cudurka sonkortana uu guriga la joogo.

Ninkaan ayaa sheegay in qoyskiisa aysan hal mar ka badan dabka shidan, taas oo ay dhacdo in halkii mar xitaa la waayo.

Cabdi ayaa sheegay inay adag tahay bixinta lacagta iskuullada gaarka loo leeyahay. Dugsiga hoose lacagta ugu yar ee bishii lagu dhigto ayaa ah $15. Dugsiga dhexe ayaa la bixiyaa $25, halka dugisa sare uu yahay bishii $40.

“Ma dabari karnee waxbarashada hana laga bixiyo. Marka annagu hadde talo kale oo aan haynaa ma jirto mar haddaanan waxna ka bixin karin.”

Cabdi Maxamed wuxuu ahaa xoolo-dhaqato hore oo ku noolaa degmada Caado ee gobolka Qoraxay. Balse, colaaddii deegaanka ayaan saameyn ku yeelatay qoyskiisa wuxuuna ka soo barakacay 2007.

Bishii Janaayo ee 2009 ayuu ka soo laabtay dalka Yemen halkaas oo uu qoxooti ku ahaa. Wixii markaas ka dambeeyay isaga iyo qoyskiisa waxay ku nool yihiin magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Dadkaan ma jirto shaqo joogto ah oo ay ku tiirsan yihiin qoysaskooda. Waana halka uu ka yimid walaaca waxbarashada carruurtooda haddii la geyn lahaa iskuulada lacagta lagu dhigto ee aan bilaashka ahayn.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland oo ay hoostagaan qoysaskaan ku nool Boosaaso ayaa sheegtay in ay la socoto xaaladdooda, qorshahoodana uu yahay sidii ay uga bixi lahaayeen nolosha qaxootinimada oo muddo dheer ay ku noolaayeen.

Ujeedka arrintaan ay ka leedahay wasaaradda ayay ku sheegtay in Puntland ay ku howlan tahay sidii ay dadkaan ugu dhisi lahayd guryo deegaan ah iyo waxbarasho bilaash ah,  iyada oo laga duulayo mashruuca Puntland ay ugu talogashay dadka gudaha ku barakacay iyo kuwa bannaanka ka yimid kaasi oo ah qorshaha xalka waara.

Maxamed Cali Maxamed oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ka ah agaasimaha Waaxda Barakaca iyo Qaxootiga ee ayay Raadiyow Ergo wax ka weydiisay sababta xiligaan looga joojiyay gargaarkii horay loogu qorsheeyay ee la siin jiray iyo waxa keenay in wasaaraddu ay ku dhawaaqdo go’aankaan waqtigaan.

Agaasimaha ayaa sidookale sheegay inay ku baraarugsan yihiin saameynta ka dhalan karta haddii ay sii wadan waayaan iskuulada carruurtaan ku tiirsanaa waxbarashada bilaashka ah ee Puntland iyo Qaramada Midoobey wadajirka isaga taageerayeen. Inkasta oo uu sheegay inay la wadaageen waalidiinta inaysan suuragal ahayn sii socoshada taageeradii waxabarashada, haddane wuxuu xusay in wali Puntland aysan ka rajo dhigin sidii xal loogu heli lahaa arrintaan.

Qoyasakaan oo danyar iyo dad soo barakacay isugu jira oo markii hore ku dhibanaa buuxinta kaalinta cunno u helista dadkooda, uma awoodaan carruurtooda inay ka bixiyaan lacagta waxbarashada. Taas oo rajo beel ku hoggaamin doonta carruur badan, maaddaama la joogo xilligii iskuulada magaalada Boosaaso la furaayay qorshahoodana uu ahaa inay halkooda ka sii waddaan waxbarashadooda.

Previous Post

Muqdisho: Dad abaar ay cayrtaysay oo fursad shaqo ka helay shirkad nadaafadda ka shaqaysa

Next Post

Kismaayo: Qoysas la nool cudurka HIV AIDS oo wajahaya cunno yari iyo waxbarasho la’aan

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 8, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
Next Post
Kismaayo: Qoysas la nool cudurka HIV AIDS oo wajahaya cunno yari iyo waxbarasho la’aan

Kismaayo: Qoysas la nool cudurka HIV AIDS oo wajahaya cunno yari iyo waxbarasho la’aan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-DEC-2025

IDAACADDA 10-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 10-DEC-2025
December 10, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo