(ERGO) – Qoyska Ismaaciil Xaaji Yuusuf oo uu dab ka baabi’iyay gurigooda, waxaa hoy u ah tan iyo siddeedii bishii hore ee Jannaayo aqal cooshad ah. Dabka ayaa guriga qabsaday xilli ay xubnaha qoyska oo dhan ka wada maqnaayeen.
Waxay ka mid yihiin 350 qoys oo deggan tuulada Goobyaal ee degmada Qallaafe ee gobolka Shabeelle, ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, kuwaas oo dab ku waayay guryahooda. Sida uu sheegay maamulka sababta ka dambeysay dabka ayaan weli caddeyn.
Ismaaciil wuxuu dabka ku waayay labo guri oo ahaa muddul iyo cariish iyo dhammaan agabkii uu yaallay oo uu ku jiro jiifka. Waxaa sidoo kale ka gubtay cunto kayd ahayd oo uu qoyskiisa meel uga dhigay dalaggii uga soo go’ay beertiisa gu’gii la soo dhaafay si ay u karsadan inta abaarta lagu jiro. Qoyskiisa oo ka kooban 11 qof waxay hadda ku tiirsan yihiin kaalmo raashiin ah oo ay ka helaan dadka deegaanka, taas oo maalinkii ay labo mar karsadaan.
“Horta gurigeyga shey kalama bixin. Hantida ku gubatay markaan qayaaso; xagga masagada 50,000 oo bir, ($769) kama uusan yareyn. Waxa kaloo intaas ii dheereyd lacag shan kun oo caddiin ah oo barna aan shidaal ku gadanayay, barna aan reerka qutulyoom uga dhiganayay. Xagga xoolaha saddex weylo ah iyagana wey iiga gubteen,” ayuu yiri.
Ismaaciil ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xilligan uusan haysan dhaqaale uu dib ugu dhisto hoygiisa. Qoyskiisa ayaa ku tiirsanaa beer hektar iyo bar ah iyo 20 neef oo lo’ ah. Abaarta ayuu xusay inay ka dishay 12 lo’ ahaa bishii Nofeember ee sanadkii la soo dhaafay.
“Annagoo markii horaba yacni abaaro la taaheynay ayuu dabkaan noo sii kaba galiyay. Gacantanadaan ku shaqeysan jirnay oo cid kaloo hadda wax na siineysay ma aysan jirin,” ayuu yiri.
Cumar Maxamuud Daahir oo sidoo kale gurigiisa dabka uga baaba’ay ayaa hadda ku hoos nool geed ay dusha ka waabteen oo aan ka fogeyn gurigooda. Qoyskiisa ayaa karsado raashin ay ugu deeqeen guddi isxilqaamay oo ku nool deegaanka, kaasi oo hadda uga soo haray wax ka yar shan kiilo. Guddiga ayaa raashinka ka soo uruuriyay dadka uu dabka gaarin, waxayna siyeen dadkii uu dabka saameyay.
“Hadda saddex waqti waxba lamaba cunaba. Waagii markaas baryo xoogaa wixii ummadda Ilaahay siiyo ayay cuntaa. Habeenkii markii la isku yimaado oo maqribkii ay tahay, wixii haddana ummadda Ilaahay siiyaan ayay cuntaa. Nolosha waa iska cariiri,” ayuu yiri.
Cumar waxaa walaac ku haysa xaaladda hoy-la’aanta iyo cunno-yarida ee qoyskiisu ay wajahayaan. Wuxuu markii hore noloshooda ka maareyn jiray dukaan guriga ugu yaallay oo uu ku iibin jiray raashiin iyo bagaash. Balse dabka ayaa ka baabi’iyay dukaankaas, labo mudul iyo labo qol oo cariish ah.
“Wax Alla wixii guriga ku jiray way ku gubteen, dadka un baa laga bixiyay guriga. Shaqo ma jirto, dadka waa iska rafaadsan yahay. Ilaahay un baa kaalmo laga sugayaa,” ayuu yiri.
Cumar ayaa sheegay in deegaanka uu ka raadiyay shaqo falitaanka beeraha ah, si uu nolosha reerka u maareyo, balse uu waayay maadaama xilligan ay yar yihiin beeraha tacban, abaarta awgeed.
Xafiiska khataraha musiibooyinka ee Dowlad-deegaanka Soomaalida oo hoggaaminayay hay’ado kuwa Qaramada Midoobay ah oo deegaanka ka howlgala ayaa horraantii bishii hore booqday Goobyaal.
Isu-duwaha xafiiskan ee gobolka Shabeelle, Cabdi Axmed Cilmi ayaa sheegay in ujeeddada booqashada ay ahayd inay u kuurgalaan khasaaraha dabka ka dhashay keliya, oo uusan diyaar u ahayn qorshe xal waara ah oo ay guryo ugu dhisi karaan qoysaska uu dabku saameeyay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inkastoo aysan aysan dad ku dhiman kuna dhaawacmin dabka, haddana inuu baabi’iyay 140 kiintaal oo galley ah, 50 kiintaal oo bariis ah, 47 kiintaal oo sokor ah, saddex matoor oo ah kuwa beeraha iyo saddex gaari-dameer. Tuulada Goobyaal waxaa ku nool 790 qoys oo beeraley iyo xoolo-dhaqato ah.










