Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Goobweyn oo ka walaacsan biyaha webiga oo dhanaan isu rogay

Radio Ergo by Radio Ergo
February 1, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somalia latest news

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Luul Maxamed Sabriye oo beer ku leh tuulada Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose waxay niyad-jab ka muujisay biyo-la’aanta hayso beerteeda, inkastoo ay webiga ku dhinac taallo. Dabeylo xooggan oo ka dhacay xeebaha ayaa soo durjiyay biyaha badda isla markaana uga daray webiga halka ay iska galaan ee duleedka Goobweyn. Arrintan ayaa dhalisay in biyaha webiga oo awalba iska yaraa ay noqdaan kuwa dhanaan ah oo aan la cabi karin, sidoo kalena beerihii lagu waraabiyay ay baaba’ayaan.

Luul oo beerteeda ku maal-gelisay $1,000 oo ay $700 soo daynsatay waxaa u abuuran galley, digir, masaggo, sisin iyo noocyo kala duwan oo khudaar ah. Waxay dalagga abuuratay bishii Nofeember ee sanadkii la soo dhaafay, waxayna rajeyneysay in biyaha yar ee webiga ku jira ay ugu baxaan. Balse, caleemaha geedaha ayaa qallalay markii shaqaalaha beerteeda oo aan ka warqabin isbeddelka biyaha ay u adeegsadeen beerta 18-kii Janaayo.

“Biyihii markii lagu shubay ka bacdi baa waxaa la dareemay in ay dhanaan yihiin. Beeraha biyaha lagu shubay way badan yihiin, aniga keliya ma ahan. Beerihii aan galinnay oo xoog iyo maal, gacanta ayaan ka soo taaganay. Wax la sameeyo ayaa la garan la’ yahay,” ayay tiri.

Luul oo wax-soo-saarka beerteeda ay ka dabooli jirtay cunnada, arrad-tirka iyo waxbarashada toban carruur ah oo ay dhashay iyo lix qof oo ehelkeeda ah oo iyada la nool, waxay hadda la halgamaysaa in labo waqti oo ka mid ah maalintii ay u hesho waxay cunaan. Dukaamadii ay raashinka ka soo daynsaneysay ayay sheegtay inay waydiiyaan lacagta ay ku leeyihiin mar walba oo deyn kale u doonato.

Biyaha webiga ee dhanaanka noqday waxay sidoo kale saameyn ka soo gaartay labo boqol oo qoys oo beeraley ah, kuwaas oo deggen tuulooyinka Goobweyn iyo Qaam-qaam ee gobolka Jubbada hoose. Dadka ku nool labadan deegaan waxay biyaha ka iibsadaan booyado ka keena tuulada Yoontooy oo 15 km u jirta Goobweyn. Labaatanlaha biyaha ayaa laga iibiyaa 20,000 oo shillin Soomaali ah.

Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah beeraley ku nool Goobweyn wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in biyaha ay reerkiisa cabbaan uu u iibiyo maalin kasta. Afar hektar oo ka tirsan beertiisa oo uu ku abuurtay khudaar ayuu sheegay inay ka qallashay.

Ninkan ayaa joojiyay inuu beertiisa waraabiyo maaddaama biyaha webiga ay dhanaan noqdeen, sidoo kalena uusan awoodin inuu biyo u wada iibiyo qoyskiisa iyo beertiisa.

“Beer gacan lagu waraabin karo ma ahan, waa beer wayn oo kanaallo leh oo afar saac ilaa iyo shan saac ay biyo ku socdaan,” ayuu yiri.

Cabdullaahi oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa sheegay in abuurka beertiisa uu ku maalgeliyay $1,200 bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay. Qoyskiisa ayuu xusay inay dabka shitaan labo waqti maalinkii, waxayna qeyb ka karsadaan raashin kayd ah oo ay haysteen.

Cumar Cabdullaahi, guddoomiyaha Goobweyn ayaa soo kormeeray beeraha ay saameynta soo gaartay iyo webiga. Wuxuu sheegay in biyaha webiga ay isku beddeleen buluug. Wuxuu beeraleyda uga digay in ay biyaha webiga u isticmaalaan beerahooda. Xalka ugu dhow ee biyaha dhanaan ay kaga bixi karaan wabiga ayuu xusay inuu yahay roobka gu’ga oo si fiican uga da’a deegaanka.

Previous Post

Qoysaska labada Shabeelle oo beerahooda ka waraabsanaya biyo-xireenka Jameeco

Next Post

Beeralayda Arabsiyo oo iska kaashaday dayactirka doox ku fatihi jiray

Related Posts

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari

February 2, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

January 31, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

January 29, 2026
Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen

January 28, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

January 26, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Beeralayda Arabsiyo oo iska kaashaday dayactirka doox ku fatihi jiray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-FEB-2026

IDAACADDA 02-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-FEB-2026
February 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-FEB-2026
February 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JAN-2026
January 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JAN-2026
January 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-29-JAN-2026
January 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo