(ERGO) – Luul Maxamed Sabriye oo beer ku leh tuulada Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose waxay niyad-jab ka muujisay biyo-la’aanta hayso beerteeda, inkastoo ay webiga ku dhinac taallo. Dabeylo xooggan oo ka dhacay xeebaha ayaa soo durjiyay biyaha badda isla markaana uga daray webiga halka ay iska galaan ee duleedka Goobweyn. Arrintan ayaa dhalisay in biyaha webiga oo awalba iska yaraa ay noqdaan kuwa dhanaan ah oo aan la cabi karin, sidoo kalena beerihii lagu waraabiyay ay baaba’ayaan.
Luul oo beerteeda ku maal-gelisay $1,000 oo ay $700 soo daynsatay waxaa u abuuran galley, digir, masaggo, sisin iyo noocyo kala duwan oo khudaar ah. Waxay dalagga abuuratay bishii Nofeember ee sanadkii la soo dhaafay, waxayna rajeyneysay in biyaha yar ee webiga ku jira ay ugu baxaan. Balse, caleemaha geedaha ayaa qallalay markii shaqaalaha beerteeda oo aan ka warqabin isbeddelka biyaha ay u adeegsadeen beerta 18-kii Janaayo.
“Biyihii markii lagu shubay ka bacdi baa waxaa la dareemay in ay dhanaan yihiin. Beeraha biyaha lagu shubay way badan yihiin, aniga keliya ma ahan. Beerihii aan galinnay oo xoog iyo maal, gacanta ayaan ka soo taaganay. Wax la sameeyo ayaa la garan la’ yahay,” ayay tiri.
Luul oo wax-soo-saarka beerteeda ay ka dabooli jirtay cunnada, arrad-tirka iyo waxbarashada toban carruur ah oo ay dhashay iyo lix qof oo ehelkeeda ah oo iyada la nool, waxay hadda la halgamaysaa in labo waqti oo ka mid ah maalintii ay u hesho waxay cunaan. Dukaamadii ay raashinka ka soo daynsaneysay ayay sheegtay inay waydiiyaan lacagta ay ku leeyihiin mar walba oo deyn kale u doonato.
Biyaha webiga ee dhanaanka noqday waxay sidoo kale saameyn ka soo gaartay labo boqol oo qoys oo beeraley ah, kuwaas oo deggen tuulooyinka Goobweyn iyo Qaam-qaam ee gobolka Jubbada hoose. Dadka ku nool labadan deegaan waxay biyaha ka iibsadaan booyado ka keena tuulada Yoontooy oo 15 km u jirta Goobweyn. Labaatanlaha biyaha ayaa laga iibiyaa 20,000 oo shillin Soomaali ah.
Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah beeraley ku nool Goobweyn wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in biyaha ay reerkiisa cabbaan uu u iibiyo maalin kasta. Afar hektar oo ka tirsan beertiisa oo uu ku abuurtay khudaar ayuu sheegay inay ka qallashay.
Ninkan ayaa joojiyay inuu beertiisa waraabiyo maaddaama biyaha webiga ay dhanaan noqdeen, sidoo kalena uusan awoodin inuu biyo u wada iibiyo qoyskiisa iyo beertiisa.
“Beer gacan lagu waraabin karo ma ahan, waa beer wayn oo kanaallo leh oo afar saac ilaa iyo shan saac ay biyo ku socdaan,” ayuu yiri.
Cabdullaahi oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa sheegay in abuurka beertiisa uu ku maalgeliyay $1,200 bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay. Qoyskiisa ayuu xusay inay dabka shitaan labo waqti maalinkii, waxayna qeyb ka karsadaan raashin kayd ah oo ay haysteen.
Cumar Cabdullaahi, guddoomiyaha Goobweyn ayaa soo kormeeray beeraha ay saameynta soo gaartay iyo webiga. Wuxuu sheegay in biyaha webiga ay isku beddeleen buluug. Wuxuu beeraleyda uga digay in ay biyaha webiga u isticmaalaan beerahooda. Xalka ugu dhow ee biyaha dhanaan ay kaga bixi karaan wabiga ayuu xusay inuu yahay roobka gu’ga oo si fiican uga da’a deegaanka.










