(ERGO) – Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ka aasaasay xafiis isku xira dhallinyarada shaqo-doonka ah ee aan helin fursad ay wax ku bartaan daruufo qabsaday awgood iyo xarumaha ganacsiga ee shaqaalo raadiska ah. Xafiiska Xoogmaal oo la furay bishii Janaayo ee sanadkii la soo dhaafay ayaa 160 dhallinyaro ah si isxilqaan ah uga caawiyay in ay helaan shaqooyin kala duwan oo muruqmaal ah. Dhallinyarada waxaa ku jira qaar soo barakacay.
Bile Xasan Muxyadiin oo ka mid ah dhallinyarada ay Xoogmaal ka caawisay shaqo-helista wuxuu ka howlgalaa garaash lagu cillad-bixiyo mootooyinka bajaajka ah, taasi oo uu ku biiray bishii Diseembar ee sanadkii 2020.
Bile oo 26 sano jir ah wuxuu labo bilood ku jiray tababar ku saabsan barashada biraha kala duwan oo ay siineysay xarunta uu ka shaqeeyo. Wuxuu si rasmi ah u billaabay shaqada bishii Febraayo ee sanadkaan.
Waxaa uu xusay Bile in hadda uu yahay qof yaqaanna wax uu ku shaqeysto isla markaana uu in ka badan 50 mooto cillad-bixiyo bishii. Wuxuu mushahaar ahaan u qaataa bishii marka ay ugu yar tahay $200.
Bile ayaa haatan ku haminaya in uu mustaqbalka dhow furto xarun lagu cilad-bixiyo gawaarida iyo mootooyinka.
Ninkan oo ah aabbaha labo carruur ah ayaa ka shaqeyn jiray beer ku taalla magaalada Beledweyne oo uu leyahay qof ka mid ah ehelkiisa, balse billowgii sanadkii 2020-ka ayaa waxaa ku fatahay wabiga Shabeelle, taasoo ku qasabtay in uu xaaskiisa ula soo barakaco xerada Saacid ee degmada Dayniile, halkaasi oo ay ku noolaayeen aqal cooshad ah.
Qoyska Bile ayaa ku tiirsanaa kaalmo lacag ah oo dhan $50, taasi oo ay ka heli jireen dad ehelkood ah.
“Hadda waxaan ahay qof ku filan qoyskiisa oo maareeya noloshiisa. Waxaan leeyahay dhallinyarada kalena xafiiskaan haga faa’ideystaan,” ayuu yiri.
Bile ayaa ka raray qoyskiisa xerada barakaca bishii May ee sanadkaan, kaddib markii uu lacag isku aruursaday. Hadda wuxuu deggen yahay guri kiro ah oo ka kooban saddex qol oo bacweyne ah. Wuxuu bishii kiro ahaan u bixiyaa $40.
Sidoo kale, xafiiska Xoogmaal ayaa ka caawiyay Maxamed Cabdi Yuusuf in uu shaqo ka helo maqaayadda Dheeman 3 oo uu kabalyeeri ka yahay halkaasi oo uu si maalinle ah uga qaato boqol kun oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $4.
Waxaa uu sheegay in lacagta uu ka qaato maqaayada uu ka biilo hooyadiis iyo saddex gabadhood oo la dhalatay maaddaama uu aabahood dhintay.
Maxamed ayaa inta uusan shaqadaan helin ku shaqeyn jiray gaari-gacan kiro ah kaasi oo maalinkii looga qaadi jiray $1 kiro ahaan. Waxuu tilmaamay in maalinkii oo dhan uu shaqeyn jiray $2 oo keliya.
Qoyska Maxamed waxay ka soo barakaceen degmada Diinsoor ee gobolka Baay sanadkii 2017-kii kadib markii ay ku xoolo beleen abaartii xilligaas.
Wuxuu xusay in xafiiska Xoogmaal uu u sheegay wiil ay saaxiib yihiin oo uu horay uu xafiiska uga caawiyay inuu shaqo ka helo dhismaha guryaha.
“Shaqadeyda si wanaagsan ayaan uga soo baxaa waxaan kaloo jeclaan lahaa hadda kabalyeeri ayaan ahay laakiin in mustaqbalka aan gaaro heer maamule,” ayuu yiri Maxamed.
Maamulka Xafiiska ayaa sheegay in ay fikradaan ku dhalatay markii ay arkeen dhibaatooyinka heysta dhallinyarada u baahan in ay xooggooda ku shaqeystaan.
Xasan Xuseen Maxamed oo ah guddoomiyaha Xoogmaal ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay diiwaangeliyeen 400 oo dhallinyaro ah oo doonaya in ay qabtaan shaqooyinka muruqmaalka ah.
Wuxuu xusay in dhamaadka sanadkaan ay qorsheynayaan in ay shaqooyin geeyaan 100 dhallinyaro ah. Xoogmaal ayaa ku shaqeysa si mutadawacnimo ah.
Mushaarka shaqaalaha iyo kirada xafiiska ayaa laga bixiyaa lacag ay iska aruuriyaan guddigii abaabulay xarunta, kuwaasi oo sanadkii iska keena $5,000.
“Qofka [shaqo-doonka ah] waxaan ka fiirinaa in uu yahay qof awoodi kara in uu shaqeysto ayna ka go’an tahay,” ayuu yiri Xasan.










