Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Beledwayne: Dadka webiga qashinka ku shuba oo ganaax lacageed iyo xarig lagu xukumayo

Radio Ergo by Radio Ergo
May 1, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
SWALIM oo ka digaysa fatahaado ka dhaca gobollada labada Shabelle

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dowladda hoose ee magaalada Beledweeyne ayaa soo saartay amarro ku socda dadka qashinka ku shuba Webiga Shabeelle. Qashinka ayaa dhibaato ku hayo webiga, wuxuuna qaybna ka yahay fatahaadda. Qofkii lagu qabto asaga oo qashin ku shubaya webiga ayaa lagu ganaaxi doonaa shan boqol oo dollar iyo lix bilood oo xarig ah.

Wariyaha Raadiyo Ergo, Cabdirisaaq Axmed Xussein ayaa waydiyay ku xigeenka duqa magaalada Beledwayne Cabdi Xuseen Cismaan waxa ku kallifay in dowladda  ay qaadato go’aankaan.

Cabdi Xussein Cismaan: Dadka deegaanka qashinkooda uma qaadaan goobta loogu talo galay in lagu daadiyo, taa badalkeed webiga ayay ku daadiyaan taas oo dhibaato badan ku haysa qof walba oo degan Beledweeyne. Webiga wuxuu horey u lahaa bar marinno ah, oo u go’an xoolaha kaasi oo ka duwanaa halka ay dadka ka dhaansadaan. Laakini hataan nidaamkaa ma jiro oo webigii meelna geedo ayaa gooyay meelna qashinka ayaa xiray.

Qashinkaan lagu shubo webiga ayaa qayb ka ah dhibaatada fatahaadda soo noqnoqoto ee magaalada. Biyaha webiga waxay wataan carro taasi oo marka ay ku dhegto qashinka la is dulsaaray yareeysa moolka webiga. Tani ayaa sababto fatahaad marka uu webiga biyo keeno.

Radio Ergo: Ma wax caddaymo ah oo tusinaaya in qashinka uu qayb ka yahay sababaha dhaliya fatahaada miyaa jira mise waa un wax ay aaminsanyihiin masuuliyiinta magaalada?

Cabdi Xussein Cismaan: Khibrad baan u leenahay. Beledweeyne ma ka jirin fatahaado soo noqnoqda ka hor inta aan qashinka webiga lagu daadin. Dowladdii dhexe ayaa ka celin jirtay rayidka in ay qashinka ku shubaan webiga, balse hataan dadka ayaad mooddaa inay dabacsanaanta dowladda hoose ay ka faa’ideysanayaan. Dhibaatada jirto ayaa ah in webiga uu magaalada ku hareeraysanyahay, mid walbana wuxuu qashinka uga soo ridaa dhinaciisa. Waxaan u xil saari doonnaa dad khaas ah oo ka howl galo soo qabashada dadka qashinka ku rida webiga si loo mariyo sharciga.

Xaafadda Buundo Wayn ayaa ugu daran oo qashinka ku tuura webiga. Shaqada nadiifinta webiga waxaa qabani jirtay dowladda hoose balse hataan ma hayno lacag aan ku nadiifino.

Radio Ergo: Ka mas’ul ahaan maxaad sameeyseen si aad u ilaalisaan nadaafadda webiga?

Cabdi Xussein Cismaan: Wacyi gelin ayaan bulshada Beledweeyne u sameeynay. Duqa magaalada ayaa maalin dhan wacyi gelinaaysay bulshada ku nool Buundo Wayn ayadoo uga digtay dadka khatarta ka dhalan karta in qashinka lagu tuuro webiga. Sidoo kale waxay wacyi gelin u sameeysay dadka ka shaqaysta suuqa magaalada kuwaasi oo ay u sheegtay inay joojiyaan qashinka ay ku tuurayaan webiga. Makhaayadaha ayaa ugu badan waxa qashinka geeya webiga. Waan u sheegnay inay joojiyaan balse wali wax isbeddel ah kama jiraan.

Beledweeyne waxaa ka jira gadiidyo shaqsi ah oo lacag yar ku qaado qashinka, waxayna ku soo tuuraan meelaha qashinka loogu talagalay balse makhaayadaha ayaa qashinkooda u dhiiba wiilasha biyaha dhaamiyo kuwaasi oo ay siiyaan lacag aad uga jaban tan gaadiidka. Wiilashaan ayaa qashinka ka tuura buunddada oo ku rida webiga.

Radio Ergo: Maxaad u malaynaysaa inay tahay sida ugu fiican ee arrintaan lagu xalin karo?

Cabdi Xussein Cismaan: Qashinka magaalada aad ayuu u badan yahay mana jiraan hay’ado dowli ah oo ka howl gala nadiifinta iyo ilaalinta webiga. Qof walba oo ku nool Beledweeyne waa in uu isagu is-xilqaamo oo ilaaliyaonadaafadda wadooyinkeenna. Labadii toddobaaf ee la soo dhaafay aniga iyo kooxdayda waxaan ka guraynaay qashinka oo laamiga aad uga buuxay.

Previous Post

Muqdisho: Haween barakacay oo iskaashi ku sameeya alaabaha farshaxanka oo carruurtooda u hela cunno ku filan iyo waxbarasho

Next Post

Beeralayda deegaanka Camaara oo sanadkan aan rajo ka qabin in ay ka faa’iideystaan roobka gu’ga, markii ay abuur waayeen

Related Posts

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

July 31, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Next Post
BARASHADA CILMIGA BEERAHA IYO XOOLAHA OO KU YAR JAAMACADAHA MUQDISHO

Beeralayda deegaanka Camaara oo sanadkan aan rajo ka qabin in ay ka faa’iideystaan roobka gu’ga, markii ay abuur waayeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-AUG-2026

IDAACADDA 03-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-AUG-2026
August 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-AUG-2026
August 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-AUG-2026
August 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JUL-2026
July 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JUL-2026
July 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo