Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Tacaddiyada loo gaysto haweenka oo ku batay magaalada Gaalkacyo

Radio Ergo by Radio Ergo
April 13, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Gabdho laga badbaadiyey in ay maraan gudniinka fircooniga

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka maamulka Galmudug ayaa tan iyo dhammaadkii bishii Maarso wacyigelin la xiriirta ka hortagga tacaddiyada loo gaysto haweenka ka wadda xaafadaha magaalada Gaalkacyo, xeryaha barakaca iyo deegaannada Bitaale iyo Docol ee gobolka Mudug.

Abshiro Cali Geeddi oo ah madaxa kahortaga tacadiyada ee u qaabilsan Gobalka mudug Wasaradda Haweenka iyo xaquuqul aadanaha ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in sababta ku kaliftay wacyigelinta ay tahay in Maarso ay kordheen kiisaska kufsiga ee ka dhacay magaalada iyo deegaannada hoostaga.

Waxay wasaaraddu bishii Maarso keliya ah diiwaangelisay 13 kiis oo isku-day kufsi ah, sadddex kiis oo kufsi ah iyo hal kiis oo dhimasho ah.

Dimasho ayaa ka dhacday xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo. Haweenayda la dilay ayaa sababsatay aabbaha carruurteeda oo ay kala tageen. Kiiska haweeneydan ayay sheegtay Abshiro inuu hataan ka socdo maxkamadda Gaalkacyo.

Sidoo kale wasaarada ayaa diwaangelisay 13 kiis oo jirdil ah bishii Maarso gudaheeda.

“Sare u kaca kiisaska tacaddiga waxaa u horseeday wacyigelin la’aanta iyo abaaraha ka jira gobolka oo sababtay in gabdhaha ay socdaan waqti dambe. Sidoo kale gabdhihii oo aan lahayn wax ay ku mashquulaan oo iska wareega magaalada markii ay iskuuladii xireen cudurka Koroona ayaa keentay in lagu la kaco kufsi,” ayey tiri Abshiro.

Wacyigalinta waxaa bulshada gaarsiinaya koox ka socota wasaaradda haweenka oo kaashanaya koox dhaqaatiir gabdho ah.

Kooxdan oo bulshada Galkacyo guri guri ugu tagaya ayaa ku dhiirigelinaya in laga hortago dhibaatada lagu hayo haweenka iyo sidii loogu midoobi lahaa wax ka qabashada tacaddiga.

“Annaga ka wasaarad ahaan waxaan ka caawinaa haweenka la kulma tacaddiga baritaan iyo daaweyn bilaash ah, taasi oo ay naga caawiyaan xaruumaha caafimadka iyo hay’adaha ku yaalla magaalada.”

Abshiro ayaa sheegtay in ay ka shaqeynayaan sidii ay caddaalad u heli lahaayeen gabdhaha tacaddiyada loo geysto.

Caqabadda ugu wayn ayay wasaaraddu ku tilmaamatay inay tahay xeer-Soomaaliga oo odayaashu ka heshiiyaan dhibaatada, iyadoo aan dowr laga siin dumarka ay ku dhacdo iyo laamaha ku shaqada leh.

“Oday dhaqameedyada ayaa ah caqabadaha ugu weyn. Markii aan odayaasha dhahno aan cadaaladda wax ku xallinno waxay na dhahayaan cid aan gabar laga kufsan malahan cid walbo ayaa gabar laga kufsadaa ee annaga ayaa xalineeyno ayay na dhahaan,” ayay tiri Abshiro.

Waxay xustay in wacyigelinta ay kaga gol-leeyihiin sidii haweenka iyo wasaaradda ay xiriir wanaagsan u yeelan lahaayeen si ay u sahlanaato in gabdhuhu ay soo bandhigaan tacaddiyada ku dhaca, caddaaladna ay u helaan.

Abshiro ayaa sheegtay inay wacyigelintooda gaarsiyaan ilaa 10km meel u jirta Galkacyo.

Gabdhaha iyo hooyooyinka la wacyigeliyo ayaa la baraa sida ay isku bedbaadin karaan haddii ay ku timaaddo xaalad damac kufsi.

Waxay sidoo kale waaniyaan gabdhaha loo geysto kufsiga kuwaasi oo ay u sheegaan in kufsiga loo gaystay uusan ahayn dhammaadka nolashooda balse ay rajo weyn ka qabaan.

“Gabdhaha qaar ee kufsiga loo gaystay ayaa jecel inay meesha isaga haajiraan oo meel aan laga aqoonin degaan. Annagu taasi waan ku taageernaa oo xitaa waxaan hirgelinnay qorshe lagu xirfadeynayo gabdhaha tacaddiga loo gaystay,” ayay tiri Abshiro.

Wasaaradda haweenka ayaa gabdhaha tacaddiga loo gaysto waxay bartaa xirfadaha cillaan-saarka iyo sida dharka loo buufiyo si ay isku hilmaamsiyaan wixii ku dhacay,  ayna ugu noqoto xirfad ay mustaqbalkooda ugu faa’iideeyaan. Waxay caawimaad ka helaan hay’adaha ka shaqeeya magaalada sida ay Abshiro noo sheegtay.

Waxay intaas ku dartay in markii hore ee wacyigelinta billaabayeen aan la dhageysan jirin oo jidka looga dhaqaaqi jiray balse hadda ay isbeddel dareemeen, isla markaana hoyooyinka ay ugu wacaan carruurtooda si ay ugu dhageystaan wacyigelinta.

 

Previous Post

Xoolo-dhaqato uu saamaysay jiilaalka oo shaqada liin-qalajinta dhaqaalaha ay ka helaan ku badbaadiya nolosha qoysaskooda

Next Post

Qoysas lix maalin u soo lugeeyay inay Beledweyne tagaan oo nolol adag wajahaya

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Qoysas lix maalin u soo lugeeyay inay Beledweyne tagaan oo nolol adag wajahaya

Qoysas lix maalin u soo lugeeyay inay Beledweyne tagaan oo nolol adag wajahaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo