(ERGO) – Cudurka COVID19-ka ayaa saamayn ku yeeshay nolasha haweenka ka shaqeeya xaafadaha magaalada Gaalkacyo kadib marki dadka loo shaqayo qaarkood u sheegeen inaysan rabin in loo qabto shaqoo cabsi ay ka qabaan awgeed cudurka COVID19-ka.
Xareedo Sugaal Ismaaciil oo degan xero barakaca oo ku taalla duleedka magaalada Gaalkacyo oo haysta sagaal carruur ah, ayaa shan ka tirsan carruurteeda oo dhiganayay dugsi hoose dhexe ay ka hareen waxabarashada bishi march ee snadkan 2021.
Sababta ugu way nee ay uga hareen ayaa ah in hhooyadood ay bixin wayday lacagta lagu dhigto iskuulka oo ahayd 25 doollar.
Dadki ay guraha iyo xafiisyada ay u nadiifin jirtay ayaa u sheegay inyasan shaqo rabin oo iska ilaalinayaan cudurkan. Arrintan ayaa saamayn dhanka nolasha ah ku yeelatay qoyskeeda.
“Hal wakhti ayaan wax karsanaa, dariska ayaa nagu caawiya inta badan, waanisku dayaa in aan shaqo raadiyo laakiin shaqo ma jirto,” waxaa sidaa radio Ergo u sheegtay Xareedo.
Marki hore waxaa s ogali jiray dhaqaale gaarayay 20 doollar maalinti, taasi oo ay ku dabari jirtay nolasha guud ee carruurteeda.
“Albaabka ayaan ku gargaraacaa waxaa dhahaa dhar-dhaqis ma rabtaan, markaas ayay qaarkood I dhahaan haddaa dharka noo dhaqdo ama guriga noo hagaajiso, oo aanan kuu awoodin lacagta aad ku shaqaysay maxaan kuu siinaynaa,” ayay tiri Xareedo.
Khadiijo Cali Cabdi oo haysta shan carruur ah ayaa sheegtay in dadki ay u shaqayn jirtay u sheegeen inay ka cabsanayaan Karoonaha oo aan lays dhexgalin karin.
Waxay lahayd dad macaamiil ah oo ay u nadiifin jirtay guryaha iyo goobaha ganacsiga, taas oo maalinti ay ka soo gali jirtay 10 doollar oo ku filnayn nolal maalmeedka qoyskeeda.
Khadiijo oo hadda degan xero barakac ayaa horay u deganayd guri kiro ahaa balse ay ka soo guurtay bishi march oo aisk abixin wayday lacagta kirada oo 25 doollar ahayd.
Khadiijo iyo carruurta oo hadda ku nool aqal buusha ah oo ku yaalla xerada Qorraxay oo ku yaalla duleedka Gaalkacyo oo kaga hoydaan qabawga habeenkii iyo kulaylka maalintii, ayaa halkaas waxaa ku haysta muddo sedex bil ah cunto yaraan.
Nolashooda waxay ku tiirsan tahay hal doollar ama hal doollar iyo bar ay so hesho maalmaha qaar. Shaqo la’aanta ka dhalatay COVID19-ka ayaa saamasay nolasha boqollaal qoys oo ku tiirsanaa dhaqaalaha ay ka helaan shaqooyinka yar yar ee qabtaan.
Dadkaas waxaa ka mid ah Maryamo Xassan Cabdi, oo haysta carruur agoon oo muddo toban sano ah ku shaqaysan nadiifinta guryaha iyo xafiisyada, hadda maalin waba aadda suuqa si ay u soo hesho lacag ay raashin ugu soo iibiso carruurteeda.
“Maalmaha qaar waxaan soo helaa laba doollar iyo bar, balse maalmaha qaar waxaan soo laabto aniga oo aan waxba helin,” ayay tiri Maryamo.
Maryamo iyo shanteeda carruurta ah oo hadda raashin ahaan u isticmaalo shan kilo oo bariis iyo shan kilo oo sonkor oo ay u soo ururiyeen qoysaska kale ee dariska ay yihiin kowdi bishan Aprilm kadib marki ay ogaadeen in laba maalmood aysan waxba karsan.
Karoonaha ka hor sedex carruurteeda ka mid ah waay ka bixin jirtay lacagta iskuulka oo ahayd 15 doollar.
Sida haween kale oo badan ay carruuurtood auga saareen waxbarashada ayay Maryamana uga saartay maadaama dhaqaale aysan u hayn.