Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo

Mudug: Boqolaal qoys oo colaad uga soo barakacay deegaanno hoostaga Hobyo oo gaaray Wisil

Radio Ergo by Radio Ergo
February 17, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Warbixin beeraleey ka soo barakacday Jubada dhexe 28 June, 2016

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 700 qoys oo ka soo barakacay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Alshabaab ayaa asbuucii hore gaaray tuulada Wisil oo hoos tagta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Qoysaskan oo xoolo dhaqato ah ayaa degganaa deegaanada kala ah Cimaamad, Gaadey iyo Shabellow oo Hobyo ka tirsan. qoyska Ahmed Cilmi Maxamuud oo ah aabaha 10 carruur ah ayaa kamid ah qoysaskan oo hadda ku nool deegaanka Jaho oo Wisil u jira illaa 10km.

Ahmed oo qadka taleefoonka kula hadlay Radio Ergo ayaa sheegay in degaanka ay ku haysato hoy la’aan, cunno yari iyo helitaanka biyaha oo ku adag. fuustada biyaha ah ayuu tilmaamay in ay ku iibsadaan $4 illaa $5.

Lix neef oo ka tirsan Ari afartan ah oo deegaanka uu la yimid ayuu iibiyay  si uu biyo ugu helo xoolaha uu dhaqdo iyo qoyskiisa. Ariga oo caato ah awgeed $20 ayaa looga iibsaday neefkii ugu lacgta badnaa, sida uu sheegay.

“Arigii ayaa laysku gadaa oo wax ka soo baxayo la arag. waxii markii aad labo kal cabto ayaa laysku jamleeyaa toban dollar lagaa qaadayaa.”

Qoyskiisa ayuu tilmaamay inuu deggan yahay aqal cooshad ah oo ku yaalla dhul bannaan oo cadceeddu kulushahay. Bariis iyo Sonkor 25kg ah oo ay ku iibsadeen neef ay gateen ayuu sheegay inuu gabaabsi ka yahay.

Waxaa toban beri ka hor gaajo iyo harraad uga dhintay Ari 11 neef ah. reerka ayuuna sheegay in wixii intaa ka dambeeyay ay bilaabeen qalashada xoolaha tabarta daran ee aan la heyn dhaqasho iyo iib.

“Afartan neef baa Ari ka la heyn, hadda labaatan baa ka joogta. neef aan socon karin marbaa la jiidaahoo ilmihii wax looga raadiyaa. wax beec ahna  majiraan oo malahan.”

Shan cesho ayey ku qaadatay qoyska Axmed oo ka soo barakacay tuulada Shabeellow  in halkan ay soo gaareen. waxa ay ku soo guureen Rati ay ku soo qaateen biyaha iyo agabka guriga.

Waddada ayuu sheegay in uu ku soo arkay qoysas badan oo aan haysan Awr iyo gaadiid kale oo ay ku guuraan. kuwaas oo ku qasbanaaday in masaafo 70km ah ay soo lugeysiiyaan carruur, waayeel iyo xoolo tabar daran.

“Waddada waxaan ku soo aragnay dad garabka ku guuraya oo harraad uga caddahay, oo hadba meel iska fariisanayoo ilmihii iska ooyayaan. say usoo socdeen bay habqan ku yimaadeen.”

Qoyska Asli Maxamuud Sabriye oo ah hooyo haysata 10 carruur ah, kuna noolaa tuulada Cimmaamad  ayaa kamid ah qoysaska ka soo barakacay colaadda. Radio Ergo ayey u sheegtay in deg deg ay ku soo baxeen oo aysan soo qaadan, raashiin, dhar iyo agab kale toonna. Iyagoo wata Ari 15 neef ah ayey sheegtay in ay soo lugeynayeen muddo asbuuc ah.

Neef ay qasheen iyo cunno ay ku caawiween qoysas ay waddada isla soo mareen ayey sheegtay in ay uga soo gudbeen masaafo 50km ah.

“Wax alaab la yiraa, hal caag oo biyo ku soo qaadanay yaa laga arkay. markaan meel dhexe mareyno, cid ayaa kirli nasiiday, cidna digsiyeey nasiiday. haddana howd cidllo ah baa isaga nool nahay.”

Asli Maxamuud ayaa intaa ku dartay in aysan hoy laheyn oo habeenkii ay seexdaan bannaanka, maalinkiina ay geedaha waa weyn hoos fariistaan. biyaha oo lacag ah ayey sheegtay in aysan iibsan Karin oo ay ku caawiyaan qoysaska deggan deegaanka. Bariis 25kg ah oo ay ku iibsadeen lacagta neef Ari ah oo ay gateen ayey tilmaantay in maalinkii hal mar ay karsadaan.

“Ilmaha inta afka wax loo galsho ayey dadka waaweyn iska seexdaan. wax noo dhisan ma jiraan. Saddex maro oo anigu sitay oo baati ah aan ilmaha qaar la huwdaa, qaarna aabahoodbaa baalka galiya oo go’iisa la huwdaan.”

Maamulka tuulada Wisil ayaa sheegay in qoysaska ku soo barakacay ay ku soo beegmeen xilli jiilaal ah oo ay adagtahay helitaanka biyaha. dhulkuna yahay mid uu Ayax horey u xaalufiyay beerihii iyo daaqii uu lahaa.

Xoghayaha maamulka Wasil Yoonis Abshir Daleel ayaa sheegay in maamulku uu sameeyay waxa kaliya ee uu awoodi karay oo ah wacyi galin uu bulshada martida loo yahay u sameeyay, si looga hortago khilaaf dhexmara dadka deegaanka iyo qoysaska soo barakacay.

“Annaga ammaan ahaan inaan ilaalinno oo yacni wax dhiba aan la gaarsiin dadkaas ayaan awoodnaa. xaqiiqda dadkaas wax annagu u awoodno degmo Wasil ahaan ma jidho.”

Biyaha laga cabo deegaanka Wisil ayaa ah xaareed barkado ku keydsan oo shaqsiyaad gaar ah ay lee yihiin, waxaana fuustadii lagu iibsadaa $4 illaa $5. halka biyaha kale ay yihiin kuwo dhanaan oo laga helo ceel biyoodka Wisil. badanaa dadku ma cabaan maadaama ay qaraar yihiin. Lacag illaa $10 ah ayaana laga qaadaa qoys kasta oo xooluhu uga waraabaan.

Previous Post

Mudug: Bacaadka guur-guura oo ka barakiciyay guryahoodii 300 oo qoys

Next Post

Darawallo ku shaqo waayay dilal iyo afduub ka dhacay waddada u dhexeysa Hiiraan iyo Galgaduud

Related Posts

Balcad: Beeraley hadda ka soo kabanaya fatahaad dhacday sanadkii hore
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas barakac ah oo beero ka shaqeeya si ay u helaan nolol maalmeedka qoysaskooda

May 19, 2022
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news
Wararkii u Danbeeyay

Caabudwaaq: Qoysas dantu bidday barakacnimo oo ku dhiban helidda quud maalmeedka

May 17, 2022
Food delivery
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhallinyaro loo gaday mootooyin oo qoysaskooda ka caawinaya helidda nolol maalmeedka

May 16, 2022
BARNAAMIJKA TACAB
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda gobolka Hiiraan oo quus ka taagan tacbashada beerahooda

May 13, 2022
Houses in Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Berbera: Qoysas lagu taageeray hoy iyo dhul oo ka baxaya nolosha barakacnimada

May 12, 2022
Biyo, Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Gaalkacyo: Kumannaan qoys oo biyaha ka cabaya tubbooyin loo geliyay xeryaha ay deggan yihiin

May 11, 2022
Next Post
Dayactirka waddada dhexmarta Gaalkacyo oo wax ka beddeshay ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka

Darawallo ku shaqo waayay dilal iyo afduub ka dhacay waddada u dhexeysa Hiiraan iyo Galgaduud

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
#4d8fcc

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo