Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Ayax soo noqnoqday oo ciriiri galiyay nolosha dadka degaanka Camaara

Radio Ergo by Radio Ergo
November 23, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Ayax soo noqnoqday oo ciriiri galiyay nolosha dadka degaanka Camaara
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dadka deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug ayaa labadii bilood ee u dambeysay wajahaya dhaqaalo xumo iyo xaalado cunno iyo biyo yaraan ay sababeen ayax deegaanka ku soo saddexdii roob ee la soo dhaafay.

Daahir Cabdi Xaashi oo ah aabbaha labo qoys oo 8 qof ka kooban wuxuu ka shaqeysan jiray tabcista beeraha dadka kale leeyihiin taas oo ku filnayd nolosha qoysaskiisa.

Waxa uu sheegay in nolosha qoysaskiisu ay hadda cariiri ku jirto oo halka markii hore ay maalinkii ay wax ka karsan jireen sadex mar ay hadda 24 saacba ay wax karsadaan hal mar oo casho ah, maalinkiina carruurta yaryar shaax oo keliya loo kariyo.

“Ciyaalka subaxii sida shaaha loogu kariyo habeenkii cashaan iskugu nimaadnaa… biyo la’aan ayaa jirta, wax la iibsadana malahan, kayd horana majirin oo ayaxaan iyo koronkorada sila yeelo lama yaqaan cidkasta oo magaalo u tiirsaneed waa iska hortimid.”

Qoysaskan oo horay biyaha uga cabi jiray tubbo laga soo jiiday ceelka riig ah oo deegaanka ku yaalla waxaa ku qaaliyoobay biyaha taas oo sababtay in ay tubbooyinka iska bixiyaan. Fuustada biyaha ah oo laga siin jiray 8 kun oo shilin waxay gaartay 30 kun oo shilin.

Abshir Xuseen Yuusuf oo maamulaha ceelka oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa sababta ay biyahu u qaaliyoobeen ku sheegay in matoorka ceelka uu bilihii la soo dhaafay yeeshay cilad joogta ah. Wuxuu xusay in bishiiba uu dhowr mar ceelku cilladoobo, isla markaana ay lacag badan kaga baxdo hagaajintiisa.

“Makaanik waxaa nuugu sokeeya magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo Mugdisho, ninkastaa markaa uyeerto gaari in loo kireeyo waa rabaa biilna waa rabaa, waxii gali lahaydna waa kuu si dhiman yihiin.”

Caqabadaha ay horseedday dhaqaale xumida ka dhalatay saameynta ayaxa uu ku yeeshay dadka Camaara waxaa ka mid ah in carruurta qaar laga saaray waxarashada markii waaliddiintu ay awoodi waayeen inay bixiyaan lacagta iskuulka.

Maxamuud Faarax Barre oo ah aabbaha qoys ka kooban 14 qof waxa uu beer 3 higtar oo 12 sano ah ay reerkiisu ka heli jireen nolosha iyo waxbarashada uu ku leeyahay magaalada Camaara balse sanadkan waxba uga tashan maayo.

Qoyska Maxamuud oo hadda ku tiirsan $50 oo ay xamar ugu soo diraan dad ay qaraabo yihiin waxa uu awoodi waayay qarashka ku baxaya waxbarashada 6 carruurtiisa ah.

Waxa uu todobaadkaan iskuulka ka soo saaray 4 carruur ah, waxa uuna hadda u daayay labo wiil oo dhiganaya fasalka afaraad ee dugsiga sare kuwaas oo uu ka fakirayo sidii uu uga bixin lahaa qarashka ay ku dhigtaan.

“Ciyaalka kuwa dugsiga sare ah iyo kuwa dugsiga hoose waa isku lacag oo waxaa lagu dhigtaa $13 marka lacagtii waa badatay $90, waxaan ka reebay $26 oo labo qof ah.”

Ma ahan carruurta Maxamuud oo kaliya carruurta duruufta uga haray waxbarashada ee waxa ay qeyb ka yihiin 32 arday oo iskuulka deegaanka ka baxay bishaan sida ay Raadiyo Ergo u xaqiijiyeen maamulka iskuulka.

Guddoomiyaha deegaanka Camaara Shiikh Yuusuf Salaad Muxumud ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ayaxu uusan saamayn beeralayda oo keli ah balse uu saamayn ku yeeshay xoolo-dhaqatada deegaanka isagoo abaar ka dhigay dhulkii xooluhu daaqi lahaayeen darytan.

“Ayaxaas hadduu beertii diirtay haddana cawskii iyo waxii xoolahu ku noolaanlahaayeen uu diirtay waa abaar, abaar ayuu sababay”

Guddoomiyahu waxa uu tilmaamay in ay baahida deegaanka u gudbiyeen maamulka Galmudug iyo hay’adaha samafalka balse weli aysan helin wax jawaab ah oo kaga yimid xaafiisyadii ay cabashada u dirteen.

Previous Post

Ayax soo noqnoqday oo ciriiri galiyay nolosha dadka degaanka Camaara

Next Post

amaara

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Xaaladda cudurka Koofid-19 ee dalka iyo u dhego-nuglaan-la’aanta dadka ee talooyinka caafimaad

amaara

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo