Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Joojinta duulimaadyada oo saameysay dadkii ka shaqeynayay shirkadaha tigidhada jara

Radio Ergo by Radio Ergo
June 3, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Joojinta duulimaadyada oo saameysay dadkii ka shaqeynayay shirkadaha tigidhada jara

Sawir/ Mid ka mid ah dadka ka shaqeeya shirkadaha/Cabdiwahaab Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shirkadda Qaran Travel oo ka shaqeysa adeegga tigidhada diyaaradaha ayaan wax adeeg ah qaban tan iyo intii ka dambaysay 19-kii bishii Maarso, taasoo sababtay hakadkii ku yimid duulimaadyadii dayaaradaha cudurka Koronaha dartiis.

Saalax Xasan Jidhaan oo ah maamulaha shirkaddan ayaa Raadiyo Ergo uga warramay xaaladda iyo dhibaatada la soo gudboonaatay isaga iyo lix shaqaale ah oo halkan ka wada-sahaqeeya. Wuxuuna ka warbixiyay in halkan ay u ahayd isha dhaqaale oo ay ku tiirsanaayeen, haddana ay aad u adkaatay halkii ay ka heli lahaayeen masaariiftooda.

Saalax oo si gaar ah uga warramaya xaaladda qoyskiisa ayaa tilmaamay inaanu hayn iminka wax dhaqaale ah ee uu ku kala dabbaro waxbrashada carruurtiisa oo qaarkood dhigta jaamacado iyadoo ay u sii dheer tahay masaariifta reer ka kooban toban qof.

“Run ahaanti culeyska ugu wayn waa dareemi kartaa alabaab labo bil iska xiran, kiradii laga rabo, korontadii laga rabo, shaqaalihii isaga ay sugayaan, oo ay u xayiran yihiin oo albaabkaas meelaan ahayn aysan firiineeyn, sameeyn wayn ayuu nagu yeeshay.”

Maalinkii ugu yaraan 15 qof ayay u qaban jireen adeegyada ay u baahan yihiin ee duulimaadka la xiriira kuwaasi oo isugu jiray kuwa u dhoofaya dalka dibaddiisa iyo kuwa kale oo u socdaalaya magaaloyinka  dalka gudihiisa.

Waxay sidoo kale xaruntu ka shaqeysaa soo-saarirsta fiisooyinka caafimaadka iyagoo dadka xanuunsan ka caawin jiray inay helaan adeeg caafimaad oo dalka dibaddiisa ah, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Saalax. Wuxuu kaluu quus ka sheegay inuusan u jeedin rajo dhaqso ah iney dib u furmaan duulimaadyadii caalamiga ahaa iyo kuwa gudaha, waxaana sii dabadheeraaday halistii Koronaha iyo inaan weli loo helin wax xal ah ama dawo ah.

Arrintan waxay saameeysay dhammaan shirkadaha ka hawgala arrimaha tikidhada iyo duulimaadyada oo dhammaantood maanta aanan hayn wax shaqo ah, isla markaasna ayan jirin meelo kale oo ay wax ka soo galaan,

Ibrahim Cabdulqaadir waxaa uu ka shaqeynayay xarunta Alla Uun Travel qeybteeda Soobbe ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay in caqabadaha ay kala kulmeen hakadka duulimaadyada oo ay ka mid tahay in shaqadii ay ka joogsatay oo xitaa ay iska bixin la’yihiin kiradii iyo korontadii oo ku socota xafiisyadooda, sidaas darteedna ay isaga iyo toddobo kale oo ay xafiiska ka wadashaqaynayeen ay yihiin maanta kuwa shaqo la`aan ah.

Ibarahim waa aabbaha qoys ka kooban 15 qof oo masaariifta ka sokow ay horyaallaan kharashaad dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin waxbarashada iyo caafimaadka oo dhammaanba uu ka dabbari jiray shaqadiisa, haddana ay ku soo furmeen mawjado badan. Waxaa kaloo uu tilmaamay in xilligan oo kale uu ahaan jiray xilliyada ay ku xisaabtami jireen.

“Xilliyada Cumrada iyo xajka uu jiro,  labo boqol ilaa seddex boqol qof ayaa loo shaqayn jiray maalintii, hadda oo kale waxay ahayd waqtiyada ugu mashquulka badan, waqtiga kaliya aan ku xisaabtami jirnay.”

Guud ahaan dhaqaalaha dalka dhinacya badan ayuu ka saameyay cudurka Karoona, waxaana jirta cabsi laga qabo hoos u dhac ku yimaadda dhaqaalaha waddanka, markii aad eegtid waxyaabihii dalka laga dhoofin jiray iyo kuwa la soo waaridi jiray, kuwaasoo sal u ahaa dhaqdhqaaqa iyo safarrda oo ay sahli jireen dulimaadyada oo isku socodka dadka iyo badeecadaha kuwaasoo muhiim u ahaa korriimaha dhaqaalaha.

Axmed Shikh Cabdullahi oo ah Madaxa Machadka Tababarada Iyo Cilmi Baarista CTC ahna dhaqaalyahan ayaa sheegay in xitaa ganacsigii yaryaraa uu sameeyn wayn ku yeeshay taasi oo sababtay in kuwo badan ay bixin waayaan daymihii ay qaateen si ay ugu kabtaan ganacsiyadooda. Wuxuu tilmaamay in ay xirmeen qaar ka mid ah ganacsiyaadaasi oo dadkii lahaa ay sii wadi waayeen.

Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay canshuur dhimis u sameeysay gancasatada si culeyska looga yareeyo bulshada haddana taasi waxay keeni kartaa in ay hoos u dhigto misaanyadda dalka maaddaama ay istaageen ilo badan ee dhaqaale oo laga wada faa’iidi lahaa.

 

 

Previous Post

Beledweyne: Muruq-maalkii fatahaadu saamaysay oo loo qaybiyay cunto iyo biyo

Next Post

Reer miyiga oo isa-sii-gaarsiinaya wacyigelinta cudurka Koroona

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen

October 31, 2025
Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida

October 30, 2025
Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka

October 29, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween waddooyinka Cadaado ku iibiya cunno bisil oo ka soo kabtay dhaqaale xumo

October 27, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraaga Hiiraan oo daryeel caafimaad iyo mid daaq u helay geela abaarta u nugul

October 24, 2025
Next Post
Reer miyiga oo isa-sii-gaarsiinaya wacyigelinta cudurka Koroona

Reer miyiga oo isa-sii-gaarsiinaya wacyigelinta cudurka Koroona

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-NOV-2025

IDAACADDA 04-NOV-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-NOV-2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-NOV-2025
November 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-NOV-2025
November 3, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 02-NOV-2025
November 2, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 01-NOV-2025
November 1, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 31-OCT-2025
October 31, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo