(ERGO) – Xarunta Mudan waxaa lagu tababbaraa gabdhaha shaqo la’aanta ah iyadoona ka caawisa sidii ay shaqo u heli lahaayeen. Xaruntan oo ku taalla magaalada Muqdisho waxay soo saartaa alaabaha lagu nadiifiyo guryaha iyo jirka, iyadoo ay farsameeyaan gabdho loo tababaray hawshaas si loogu abuuro shaqooyin.
Gabdhahaas waxaa kamid ah Sacdiyo Maxamed Cali oo keligeed u shaqeeysa reer ka kooban lix qof. Sagaal bilood oo tababar ay qaadatay kaddib waxa ay soo saartaa alaabo ay tahay muhiim in la isticmaalo markasta sida nadaafadda. Waxay noo sheegtay Sacdiyo in xaruntaan ay u timid si ay shaqo u hesho. Waxay noo sharxaysaa farqiga u dhaxeeya hadda iyo iyo kahor inteyan helin fursaddan,” ayay tiri Sacdiyo.
“Fursaddaan waxaan ku helnay iyadoo tareynin la bixinayo ayaan imaaday sidii ayaan tareynin dheer ku galnay, kaddib waxaa bilownay inaan ku shaqeeno wixii nala baray. Waxaa kamid ah dareertada dharka, jikta dharka cadeyso iyo dhitoosha. Dhiirargalin ayey noo ahayd inaan wax soo saar sameyno kadibna aan ku shaqeesanno, farqi weyn ayaa u dhaxeeyo, hadda waan shaqeystaa laakiin awal wax shaqo ah aan hayey ma jirto”
Sacdiyo ayaa ka hadashay iney hadda tahay qof shaqeysta ee maareeya nolosheeda iyo tan qoyskeeda oo ay kamid yihiin carruurta waxbarashadooda, waxayna ku sii rajo wayn tahay ineey meel sare ka gaarto wax soo-saarkeeda.
Warshadda wax soo saarka Mudan oo shaqeysa muddo sanad ah waxay fursad shaqo siisay 11 hablood oo kamid ah 27 gabdhood kuwaas oo ahaa gabdhihii ugu horreeyay oo lagu bilaabay xaruntan.
Aas-aasaha xarunta Mudan ahna maamulaha Cudbi Cumar Abuukar ayaa sheegtay in dumarka ay u baahan yihiin fursad iyo dhiirigelin, iyagoo ah kuwo wax soo saari kara shaqaysan karana. Sababtii keentay in ay aas-aasto xaruntaan ayay sheegtay inay tahay baahida shaqo la’aaneed ee gabdhaha haysata, waxayna si gaar ah farta ugu fiiqaday gabdhaha ka soo baxay jaamacadaha ee aan hayn wax shaqo ah iyo kuwa keligood carruurta korsada oo odayaashii ka dhinteen ama ka dhaawacmeen.
“Gabdhihii jaamacado ayey kasoo wada baxeen waxba ma haystaan, qaarkood waa kaligood carruurta korinaaya odayaashi dhinteen ama dhaawacmeen, marka waxaas oo dhan ayaan fursad uga dhigany. Haddii aan fursad helno waxaan rabnaa inaan gobollada oo dhan inan kasoo hir gelinno,” ayay tiri Cudbi.
Cudbi waxay ka warrantay caqabadaha ay la kulantay intii ay wadday barnaamijkan waxayna sheegtay in ay ku adkaatay maalgashiga iyo in alaabtooda la iibsado oo ay adag tahay in dadka la fahamsiiyo tayada alaabta gudaha dalka lagu sameeyo, laakiin hadda waaxa ay dareemeysaa inay ay suuq heleen sabab la xiriirta cudurka COVID-19 oo ay yaraadeen wixii la mid ah alaabtooda oo debadda kai man jiray, haddna ay helaan dalabaad badan iyadoo xustay in hadda ay shaqeeyaan saacado ka badan intii hore.
Dumarka Mudan ka shaqeeya waxaa sidoo kale ku jirta Barwaaqo Cabdifadal oo ah hablaha goor dhaw dalka kusoo laabtay iyadoo sheegtay iney muddo shaqo raadis ahayd kaddibna ay heshay fursadaan oo ay u soo sheegtay gabar walaasheed saaxiib la ah, Burwaaqo waxaa kale oo ay fursad u heshay in ay wax barto qaar kamid ah gabdhaha ay isku xarunta yihiin yihiin.
Cayni Cabdiqaadir Cumar waxa ay ka shaqeysaa qeybta tolista boorsooyinka ama harqaanka/dawaarka ee xarunta. Si lamid ah hablaha kale ayay qaadatay tababar iyadoo dhameysatay jaamacadda heerka koowaad sida ay noo sheegtay. Markii ay weyday shaqo kale ayey kusoo biirtay xaruntan. Hadda waxay kamid tahay gabdhaha leh hal-abuurka, waxayna hinistaa oo naqashadeysaa boorsooyinka bilicda fiican leh oo ay dumarku jecelyihiin.









