Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kismaayo: Wariye Aragga la’ oo dadaal ugu jira Awood siinta naafadda.

Radio Ergo by Radio Ergo
February 14, 2020
in Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Suuq ay sameysteen dad soo barakacay

Loogada Raadiyo Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Cabdisalaan Maxamuud Shire, 30 jir ah, wuxuu muddo sannad ah Idaacadda Kismaayo ka waday barnaamijka arrimaha dadka naafadda ah ee loo bixiyay Rajo-side, ilaa bishii Febaraayo sanadkii hore ee 2019 uu todobaad walba ku soo bandhigo arimaha khuseeeya nolosha dadka naafada ah sida caafimaadka, waxbarashada, caqabadaha nolosha, dhibaatooyinka faquuqa naafada iyo sheekooyin la xiriira dadka naafada ah ee noloshooda wax ka bedeley.

Barnaamijka uu soo saaro Cabdisalaan waa 40 daqiiqo oo ah codka keliya ee ay gaar u leeyihiin ayna iska maqlaan dadka naafadda ah ee ku sugan Jubbada hoose, kaas oo aan hore u jirin Cabdisalaan ka hor. Radio Ergo ayuu u sheegay in sababta ugu wayn ee uu barnaamijkaan u bilaabay ay tahay in qoysasku ku baraarugan in waxbarasho la siiyo carruurta naafadda ah ee guryaha la isaga hayo, in hoos loo dhigo faquuqa iyo in dadka naafadda ahi ay awoodohooda baraarujiyaan.

“Runtii shaqo walba oo warbaahinta laga qabanaayo, ha’ahaato TV, ha’aato idaacad, waan qaban karaa waana ku kalsoonahay in aan boqolkiiba boqol ka soo baxaayo, lakiin barnaamijkaas waxaan ku doortay ayaa wuxuu yahay, maadama aniga aan ahay qof naafo ah oo matalaaya iyaga in aan barnaamijkaas u qabto, oo aan u hadlo iyaga, barnaamijka aan keeno waa in kuwa aan codka lahayn oo aan dhaho hadla bulshada ha idin maqasho.” ayuu yiri.

Wuxuu qabtaa waraysiyo, Doodo, Heeso dhiiri-gelin ah, fariimo goos-goos ah iyo codadka dadweynaha, waxaana laga baahiyaa Raadiyaha maalin walba oo Khamiis ah 3 goor.
Cabdisalaan ayaa isagoo saddex jir ah ay indhaha riday xummadda xanuunka Jadeecadda oo uusan deegaankii uu markaas ku noolaa ee Jammaame ka helin daryeel iyo daawayn ku haboon, kadib qoyskoodu waxay ku biireen xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya. Wuxuu waxbarashada asaasiga ah ku qaatay xeryaha oo uu dugsi sare ku dhameeyay magaalada Kisumu ee dalka Kenya.

Wuxuu sannadkii 2018kii go’aansaday inuu kamid noqdo dadka qaxootiga ee doortay in ay dib ugu noqdaan dalkooda, sidaas ayuuna ku yimi magaalada Kismaayo oo ka bilaabay hawlaha warbaahinta, kana sii wato noloshiisa. Wuxuu Radio Ergo u sheegay in aragtida barnaamijkan uu la wadaagay maamulka Raadiyaha Kismaayo kadib ay soo dhoweeyeen iyagoo ka caawiyay magaca iyo arrimaha Farsamada ee soo saaridda barnaamijka.
Cabdisalaan Ayaa Radio Ergo u sheegay inuu xirfadda iyo aqoonta warbaahinta ku qaatay magaalada Nairobi ka hor inta uusan ku soo noqon Kismaayo.

Xilligan in kastoo uu soo saaridda barnaamijkiisa u isticmaalo Computer gaar ah oo leh barnaamijyo loogu talagalay in ay isticmaalaan kuna shaqeeyaan dadka aragga la’ hadana waxaa si joogto ah gacan uga geysta soo saaridda barnaamijyadiisa hawl-wadeenno ay shaqo wadaagyihiin oo ka tirsan Raadiyaha Kismaayo.

Agaasimaha Raadiyaha Xasan Nuur Maxamed ayaa sheegay in markii Cabdisalaan shaqada la siinaayey ay aaminsanaayeen in uu noqon-doono qof ay kala kulmi-doonaan caqabada ugu badan balse markii uu shaqo galay uu noqday shaqsi ka adag shaqadiisa oo wax-dhibaato ah laga marin barnaamijkiisa, waxaana uu intaas ku daray in intii barnaamijka laga baahin Idaacadda ay sii duubeen Barnaamijyo badan si barnaamijku uusan u joogsan hadii cabdisalaan uu awoodi waayo.

“Qof kasta oo intii uusan Cabdisalaan shaqada bilaabin halkaan joogay maanta waxaan aaminsanahay aragti ka badalan tii uu ka haystay in uu qabo,lakiin waa cajiib!waxyaabah kale ee uu kaga duwan yahay dadka kale araga naafada ka ah waxaa weeye,aaladan casriga ayuu ku shaqeeya,maanta waxii facebook la soo dhigo,youtube-ka iyo whats-app-ka,aad ayuu u adeegsadda”sidaas waxaa radio ergo u sheegay agaasimaha Radio-Kisamayo.

Sababaha ugu waa weyn ee Cabdisalaan uu ugu soo noqday Soomaaliya, waxaa ka mid ahaa inuu ku shaqeeyo xirfaddan uu bartay ee saxaafadda maadama ay aad u yarayd fursadaha warbaahina Soomaalida uu ka helay ee dalka Kenya.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in uusan jawaab ka waayay codsiyo shaqo oo uu u gudbistay warbaahinno kala duwan oo uu tegay markii uu dalka ku soo noqday. Wuxuu xusay in dhib badan u soo maray helidda shaqada ka hor inta uusan ku biirin Raadiye Kismaayo.

“markii aan dhameeyey waxbarashadaydii saxaafadda, dhamaan warbaahinta waan tagay, haday TV-yihiin iyo hadii ay idaacadihii yihiin, runtii si toos ah shaqada iiguma diidin lakiin aniga oo kaashanaya caqligayga iyo aqoontayda waxaa isoo baxday in si dadban shaqada la iigu diiday.” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Intii uu shaqadda waday ujeedada uu Barnaamijka u sameeyay ayuu aamisan yahay in ay wax weyn ka tartay nolosha dadka siyaabaha kala duwan naafadda u ah balse miyirkoodu joogo, sida kuwa aragga la’a, kuwa dhegaha la’ iyo kuwa ay go’an yihiin qaybo ka mid ah lixaadkooda sida lugaha ama gacmuhu ay go’an yihiin. Cabdisalaan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inuu la kulmay wiil iyo gabar aragga la’ kuwaas oo isaga u sheegay in barnaamijyadiisu dhiirigeliyeen isla markaasna ay furteen furteen ganacsiyo yar yar oo ay gaar u leeyihiin.

Shugri Siciid Ahmed oo ah gudoomiyaha Ururka naafadda magaalada Kismaayo waxaa ay sheegtay in Cabdislaan uu tusaale wanaagsan u noqday dad badan oo naafo. Waxay aamisan tahay in carruur badani ay waxbarasho tageen ku dayashadiisa darteed.

“Cabdisalaan isaga oo araga ka maqan yahay ayuu waxaa uu u soo itagay in uu ka shaqeeeyo Idaacad,waana uu ku guulaystay, dad badan oo naafo ahna waa ay ku daydeen.” ayay tiri.

Barnaamijka waxaa Cabdisalaan badanaa ku casumaa dadka naafadda u dhaq-dhaqaaqa ee ku sugan meelo kala duwan oo ka mid ah gudaha Soomaaliya, dadka dhibaatooyinka qaba ee naafadda ah, qurba-joog, hay’adaha dowladda iyo kuwa maxaliga ah ee bixiya adeegyada asaasiga ah iyo bulshada rayidka ah ee kaalinta ka ciyaari kara u qareemidda naafadda.

Previous Post

Somaliland: Dhibbaneyaasha kufsiga oo laga caawiyo in ay cadaalad helaan

Next Post

Ganacsiga cusbada Xinlabi oo billowday kaddib shan sano oo roob-yaridu saameysay

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Ganacsiga cusbada Xinlabi oo billowday kaddib shan sano oo roob-yaridu saameysay

Ganacsiga cusbada Xinlabi oo billowday kaddib shan sano oo roob-yaridu saameysay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo