Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Qaar kamid ah kaluumaysatada degmadda Hobyo oo shaqo joojin sameeyey

Radio Ergo by Radio Ergo
January 20, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Qaar kamid ah kaluumaysatada degmadda Hobyo oo shaqo joojin sameeyey

Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ku dhowaad 100 kaluumaysato Soomaali ah oo ku sugan degmo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug ayaa joojiyey shaqadda kaluumaysiga, kadib markii ay waayeen koronto ku filan oo ay ku isticmaalaan qaboojiyayaasha kaydka kaluunka.

Labo kamid ah seddex shirkadood oo adeega korontada siin jiray degmada Hobyo ayaa suuqa ka baxay seddex bilood ka hor, iyagoo sheegay qiimaha shiidaalka oo aad u sareeya iyo faa’iidada oo hoosaysaa keentay inay shaqada sii wadi waayaan.

Magaalada oo markii hore Korontada laga heli jirey 24 ka saacadoood ayaa shirkada keliya oo hadda koronada bixisaa waxay awoodaa inay koronto bixiso afar saacaadood oo keliya maalintii oodhan.

Cabdi Khaliif Xasan oo ah nin ku shaqaysta xirfadda Kaluumaysiga waa aabaha sideed caruur ah, Radio Ergo ayuu u sheegay inuu joojiyey shaqadii kaluumaysiga isagoo arintaasi ku sababeeyey koronto la’aanta magaalada ka jirta.

“Kasoo qaad waxaan soo jilaabtey 100 kiilo oo kaluun ah waxaana la iga gatay 20 ama 30 kiilo intii soo hartay waxay noqonaysaa inaan qashinka ku daro maadaama aanan haysan qaboojiye aan ku kaydiyo.” ayuu ku sababeeyey.

Wuxuu leeyahay doonyo yaryar oo nooca kaluumaysiga ah kuwaasoo midiiba qaadi karto ilaa 300 oo Kiillo oo kaluun ah, sidoo kale wuxuu haystaa qaboojiye balaaran oo uu u isticmaali jirey inuu ku kaydsado kaluunka uu soo jilaabto kaasoo uu iibin jirey mudo todobaad ah marka uu buuxiyo qaboojiyaha.

Cabdi ayaa Radio Ergo u sheegay in markii uu korontada haystey celcelis ahaan uu maalinkii heli jirey faa’iido $50 , laakiin hadda wuxuu ku tiirsan yahay caawimaadda asxaabtiisa si uu u quudiyo qoyskiisa. Mana awoodi karo inuu maalgashado qalabka qoraxda korontada ka dhaliya si uu u isticmaalo korantadiisa.

Gudoomiyaha iskaashatada kaluumaysatada ee degmada Hobyo Jimcaale Cabdi Cilmi ayaa Radio Ergo u sheegay in kaydka qaboojiyaha uu muhiim u yahay kaluumaysatada iyadoo kaluunku waxbadan u adkaysan karin qoraxda marka lasoo qabto.

“Qaar ka mid ah kalluumeysatada waxay rakibteen qalabka korontada cadceeda ka dhaliya ee Sollarka oo iftiinka qoraxda ayay adeeg koronto ka samaysteen laakiin inta badan kaluumaysatadu ma awoodaan korontada magaaladana waa qaali.” ayuu yiri.

Ku dhowaad sideetan boqolkiiba kaluumaysatada shaqa joojinta sameeyey waa rag dhalin yaro ah. Gudoomiyaha kaluumaysatada Jimcaale Cilmi ayaa ka welwel qaba in qaadaan talaabooyin sharaf darro ah sida burcad badeednimo si ay nolol uga raadsadaan.

Wuxuu ku baaqay in shirkadaha waaweyn ee korontada bixiya sida kuwa ka hawlgala Gaalkacyo ay yimaadaan degmada Hobyo si ay koronto u bixiyaan taasoo ah rajadda keliya ee ay qabaan kaluumaysatadu.

Cabdi Cali Axmed wuxuu kamid yahay 260 kaluumaysato ah oo weli iyagu shaqadooda wata kuwaasoo subax walba badda ku kalaha. Radio Ergo ayuu u sheegay inuusan helin faa’iidadii uu markii hore heli jirey, sababtoo ah qofwalba wuxuu kula tartamayaa suuqa si loo gado kaluunka cusub ee hal maalin suuqa soo wada galay.

Inkastoo uu yahay aabaha 10 caruur ah. hadana ma yaqaano shaqo kale, wuxuuna dareemayaa inuu ku khasban yahay sii wadashada qashada kaluumaysiga oo hoos u dhac badan ka muuqdo.

“Marka aad tahay qof noloshiisu ku xiran tahay badda waa inaad sii wadaa kaluumaysiga, xataa hadii aan lagaa iibsan kaluunka cusub ee aad soo qabsatay, ugu yaraan qoysaskeena ayaan ku quudinaynaa kaluun cusub.” ayuu yiri Cabdi.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay ayaa laga iibsadey 150 kiilo oo kaluun ah oo keliya. taasoo uu ka helay lacag ka yar dayntii lagaga lahaa shiidaalka doonta uu kaluunka kusoo jilaabtey.

Kaluumaysatada tuulooyinka Labaad, Ceelcadde, Xindawaco, iyo tuulooyin kale oo laga kaluumaysto ayaa sidoo kale kamid ah deegaano xeebeedyada Soomaaliya ee ay saamayntu ku yeelatay koronto la’aantu.

Previous Post

Gaarisa: Xanuun aan la aqoonsan oo xoolo badan u dhinteen (Dhegayso)

Next Post

Burco: Qoysas barakacayaal ah oo la siiyey dhul ay degaan

Related Posts

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Land given to displaced Somali families in Burao

Burco: Qoysas barakacayaal ah oo la siiyey dhul ay degaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-OCT-2026

IDAACADDA 02-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2026
September 28, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo