Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hargeysa: Carwo-bandhigeed shaqo oo kontan dhallinyarro ah ay shaqooyin ka heleen

Radio Ergo by Radio Ergo
January 7, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargeysa: Carwo-bandhigeed shaqo oo kontan dhallinyarro ah ay shaqooyin ka heleen

Bukhaari Maxamed oo fadhiya miiskiisa cusub ee shaqada/Ilyaas Cabdi Cali/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Carwo bandhigeed shaqo oo lagu qabtay Somaliland ayaa waxaa lagu shaqaaleysiiyay konton dhallinyaro ah oo labaatan ka mid ah ay gabdho yihiin. Carwadan oo ay goobjoog u ahaayeen 300 oo qof oo shaqo doon ah waa tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee lagu qabto Hargeysa. Bukhaari Maxamed Cabdillaahi oo ah 26 jir ayaa ka mid ah dadka shaqada ka helay bandhigan kadib labo sano iyo dheeraad uu shaqo la’aan ahaa.

Kadib markii uu ka qalin-jebiyay Jaamacadda Hargeysa sanadkii 2017dii, waxa uu Bukhaari si shaqo carbis oo mushaar la’aan ah u shaqeeyay 11 bilood oo xiriir ah. Carwadan ka hor, sagaal jeer ayuu codsaday shaqooyin uusan helin. Wuxuu Bukhari u sheegay in sababta ugu weyn ee codsiyadiisii hore ee shaqo u guuldareysteen inay tahay eex ka jirta xarumaha shaqaaleysa dadka, taas oo uu sheegay inay macno dishay aqoonta iyo shahaadooyinka jaamacadaha.

Waxaa shaqooyin ka banaan kusoo bandhigay carwo-bandhigeedkan sideed shirkadood oo ka howlgala Somaliland. Bukhaari Maxamed wuxuu ku biiray mid ka mid ah shirkadahaas oo bixisa adeeg internet, isaga oo ka shaqeyn doona qeybta suuqgeynta oo uu ka shaqo bilaabay bishan Janaayo. Waa fursadii shaqo ee uu mushaari ku noqdo tan iyo markii uu ka qalinjabiyay jamaacadda Hargeysa sanadkii 2017dii.

“Tani waxay ibo fur u tahay dhabadii saxda ahayd oo cagta saartay. In aad shaqo hesho waa arrin qalbigaaga, mooraalkaaga iyo horumarka shakhsiyadeed wax badan ka bedelaysa. Waa farxad mustaqbal fiican iyo ifafaalo wanaagsan ii sameynaysa,” ayuu yiri Bukhaari.

Shirkadaha kusoo bandhigay carwadan shaqooyinka ka banaan waxaa ka mid ahaa: Dhoweeye oo ah shirkad kiraysa baabuurta yaryar ee loo yaqaano tagaasid, Sahal oo ah shirkad gaadiidka safarada dhaadheer, So Gasho oo bixisa adeegga internet, iyo shirkada xawaalada ee Amal.

Carwo-bandhigeedkan shaqo ayaa socday labadii maalin ee ugu dambeysay sanadkii dhammaaday. Madaxa mashruuca horumarinta dhallinyarada ee hay’adda Havayoco Kamaal Xasan Isaaq oo soo qaban-qaabiyay carwadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhallinyarada kontonka ah ee la shaqaaleysiiyay lagu xushay hanaan daahfuran oo ka maran eex. Waxa uu intaa ku daray in qofwalba lagu qiimeynayay aqoonta iyo khibrada uu u leeyahay shaqooyinka banaan.

Hoodo Cabdiraxmaan Cali ayaa ka mid ah labaatan dumar ah oo shaqooyin ka helay shirkadaha soo bandhigay boosaska ka banaan. Sanad iyo labo bil kadib markii ay ka qalinjebisay Jaamacada Hargeysa oo ay ka baratay cilmiga xisaabaadka ayay waxa ay hadda ku biirtay xawaalada Amal oo ay ka shaqo bilowday bishan Janaayo.

“Qof wax bartay waa inuu shaqo qabtaa waayo xaafadaada ayaa kaaga baahan in aad ku filnaato. Haddii aad dooneyso in aad waxbarashada sii wadato, waa in aad iyana shaqeysaa oo ay jirtaa meel aad dhaqaale ka heshid,” ayay Hoodo oo hadda ku hanweyn in shaqadan cusub oo ay heshay wax weyn ku kordhin doonto nolosha qoyskeeda.

Carwo-bandhigeedkan shaqo waa middii ugu horreysay ee nooceeda ah ee lagu soo bandhigo shaqooyin ka banaan xarumaha shaqada bixiya,iyada oo dhallinyaradu ku tartameen fagaare aan eex iyo qof aqoon gaar ah oollin.

Previous Post

Maalgelin dayn ah oo lagu kabayo ganacsatada degmada go’doonsan ee Diinsoor

Next Post

Dhegeyso: Xaalad caafimaad darro oo ka jirta deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Baydhabo: Suuq ay sameysteen dad soo barakacay

Dhegeyso: Xaalad caafimaad darro oo ka jirta deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo