Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Burco: Qoysas barakacayaal ah oo la siiyey dhul ay degaan

Radio Ergo by Radio Ergo
January 20, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Land given to displaced Somali families in Burao

Displaced women constructing houses on land they were given in Burao/Sidiq Yusuf/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Maamulka dawlada hoose ee magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa ugu deeqay 450 qoys oo kamid ah dadka gudaha ku barakacay, kuwaas oo sedex sano ku noolaa meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco.

Maamulka Degmadu waxay qoys kasta siiyeen hal boos oo cabirkiisu yahay 12 x 12 mitir kaasoo ay ka dhisanayaan dhismayaashii uga dhisnaa halkii ay hore u deganaayeen. dawlada Hoose ayaa sidoo kale qoysaskan u diyaarisay gaadiid si lacag la’aan ah qoysaska ugu raraya deegaanka cusub.

Cawil Cali Maxamed, oo ah horjoogaha barakacayaasha laga raray garoonka diyaaradaha ee deegaanka cusub lasiiyey, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin deegaankan Kur-libaax oo hadda ay soo degeen.

“Waxay noola mid tahay farqiga u dhexeeya habeenka iyo maalinta horey waxaan joogto dhibaato ugu qabney mulkiilayaasha dhulkii aan deganayn oo noogu hanjebayey in dhulka nalaga saari doono laakin hadda anaga lafteena ayaa mulkiilayaal ah oo dhulkan iska leh.” ayuu yiri.

Cawil wuxuu kasoo barakacay deegaanka Xayira oo 75KM u jira magaalada Burco, magaalada ayuu soo galay kadib markii abaartii 2016 ay kaga dhamaadeen xoolihiisii oo dhan 120 neef oo ari ah. wixii xiligaas ka danbeeyey wuxuu ku noolaa magaalada Burco oo uu barakace ku ahaa. maamulka dawlada hoose ayuu ka rajo qabaa in lagu taageero sidii ay magaalada deegaan rasmi ah ugu noqon lahaayeen.

“Maamulka Degmadu waxay nagu wargeliyeen in dhamaan adeegyada aasaasiga ah ee aan u baahanahay nalasoo gaarsiin doono, sida Amaanka, waxbarashada, iyo caafimaadka.” ayuu yiri Cawil.

Canab Nuur Faarax, waa hooyada sagaal caruur ah, Inkastoo ay ku faraxsan tahay inay heshay dhulk ay iyadu leedahay oo kuyaala kaamka cusub ee Kurlibaax oo 6KM ka durugsan magaalada Burco, gaadiidka magaalada lagu tago oo ah Bajaaj (Tuk-Tuk) ayaa qiimo ahaan lagu raacaa hal dollar badhkii balse Canab ayaa Radio Ergo u sheegtay inaysan si joogto ah u awoodin lacagtaasi taasoo ku khasabtay inay u kala lugayso kaamka iyo magaalada marka ay suuqa muraad u yeelato.

“Masaafadu way dheertahay waana caqabad laakiin maadaama aan haysano dhul anaga aan leenahay oo mulki ah waan faraxsanahay.” ayay tiri.

Qoysaska barakacayaasha ah ee hadda ee degay kaamka Kur-libaax waxay taageero ka helaan hay’adaha samafalka ee Action Aid iyo World Vision. bil walba waxaa la siiyaa lacag kaash ah oo guno ah taasoo dhan $70 si ay ugu daboolaan baahiyaha aasaasiga ah halka maamulka degmadu bixiyo biyaha ay cabayaan qoysaskani.

Canab waxay taageero dheeraad ah ka heshaa ninkeeda oo ah Askari ka tirsan ciidamada milataryga Somaliland , oo bil kasta siiya 500,000 oo shilinka Somaliland ah una dhiganta $58 dollar. Canab waxay lacagahaasi ku maaraysaa nolosha sagaal caruur ah oo ay dhashay iyadoo soo iibsata neef ari ah oo ay gawracdo kadib hilibkiisa iibiiso waxayna neefka ariga ah ka faa’iidaa 30.000 oo Shilling.

Canab, oo ka soo jeeda degmadda Caynabo ee gobolka Sool oo 120 km u jirta magaalada Burco, ayaa ku barakacday abaartii 2016, taasoo qosykeedu ku waayey 300 oo ari iyo saddex geel ah.

Ku xigeenka duqa degmada Burco ee gobolka Togdheer Maxamud Cabdi Xoday, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadka barakacayaasha ah ay siiyeen dhul dadweyne oo degmadu lahayd si xal waara iyo deegaan rasmi ah ay ugu noqoto barakacayaasha gudaha.
“Maadaama hadda aan anagu siinay dhul ay lee yihiin waxaan rajeynayaa Hay’adaha gargaarka bini’aadanimada iyo ganacsatada masuulka ah inay caawiyaan una dhisaan adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin. waan sii wadi doonaa inaan siino biyo waxaan si tartii tariib ah ugu aasaasi doona adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka iyo waxbarashada.” ayuu yiri.

Marka laga soo tago qoysaska la dejiyay, waxaa jira barakacayaal kale oo wali ku baahsan magaalada kuwaasoo ay kamid yihiin ilaa 300 qoys oo degan agagaarka Jaamacadda Burco. Intooda badan waxay ka soo barakaceen deegaanada Oodweyne, Duruqsi iyo Xaaji Saalax ee gobolka togdheer. Intaa waxaa u dheer 250 qoys oo ka soo barakacay degaannada Baliweyn, oo ay ku jiraan Warcibraan, Dabaqabad iyo Shanshacadde oo iyana ku yaal gobolka Togdheer.

Dhammaantood waxay rajeynayaan in maamulka deegaanku ay siin doonaan degsiimooyin rasmi ah.

Previous Post

Qaar kamid ah kaluumaysatada degmadda Hobyo oo shaqo joojin sameeyey

Next Post

Hargeysa: barakacayaasha oo lagu tababaray Xakamaynta dabka xeryaha saameeya

Related Posts

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

December 18, 2025
Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

December 16, 2025
Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

December 12, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

December 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 8, 2025
Next Post
Hargeysa: barakacayaasha oo lagu tababaray Xakamaynta dabka xeryaha saameeya

Hargeysa: barakacayaasha oo lagu tababaray Xakamaynta dabka xeryaha saameeya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-19-DEC-2025

IDAACADDA-19-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA-19-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA-19-DEC-2025
December 19, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-18-DEC-2025
December 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-DEC-2025
December 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-DEC-2025
December 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-DEC-2025
December 15, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo