Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ahaa oo ay roobabku mar kale ku barakiciyeen Baardheere

Radio Ergo by Radio Ergo
December 16, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ahaa oo ay roobabku mar kale ku barakiciyeen Baardheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Axmed Macalin iyo boqolaal qoys oo kale oo horay ugu noolaa xeryo ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa fataahadda webiga Jubba iyo daadad roobab da’ay qasbeen in mar kale ay barakacaan. Waxaa iyada iyo ku dhowaad afar boqol oo qoys ay degeen xerada Maandeeq oo seddex km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baardheere.

Faadumo sheegtay inay halkaas u doorbideen in ay ku taallo meel taag ah, kuma haystaan wax ka badan hoy iyo biyo ay cabaan.

“Noloshayda waxba iskama beddelin, duruufihii awal aan ku jirnay ayaan haddana ku jirnaa. Waxaan cunno adigu waa mar hel mar waa weeye, maalintii hal mar ayaan wax cunnaa,” ayay tiri Faadumo oo muddo saddex sano degganayd xerada Maroodilow.

Iyada iyo sagaal carruur ah oo ay dhashay ayay timaamtay inay habeen saq dhexe ay ka carareen hoygooda markii uu daadku guduha.

“Hadde waad iska garan kartaa guryo xun oo cooshado ah ayaan ku jirnay, haddii ay qoyeen dad carruuro haystana aan nahay dhibaatada hadde ka jirta waad dareemi karaa,” ayay tiri Faadumo oo abaartii 2017-dii ku waysay 67 neef oo ari ah taas oo ku qasabtay inay barakac noqoto.

Cabdullaahi Cismaan oo ka mid ah guddiga xerada Maandeeq ee ku taalla duleedka degmada Baardheere ayaa sheegay in dadku ay xeradan ka heli karaan biyo ugu jira haan weyn oo xerada agteeda ku taalla, laakiin aysan haysan cunno, dawo iyo waxbarasho intaba.

“Xeradan markii hore waxaa deganaa 577 qoys haddana waxaa ku soo kordhismay qoysas kale oo ka soo barakacay, intii nolosha bini’aadamka uu ku tiisanaa wax ay haystaan ma laha,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Cabdi Xuseen qoyskiisu ka kooban 13 qof waxay ka mid yihiin dadka mar labaad barakacay ee ay saameeyeen fatahaadda iyo daadadka roobka ka dhashay. Waxuu horay u ahaa xoolo-dhaqde iyo beeralay dantu bidday inuu soo galo xero barakac kaddib markii ay ka qasaareen dalagyadii uu beeran jiray, xoolihiina ay kaga dhammaadeen abaaraha. Abaartii 2017-kii ayuu ku waayay 34 neef oo geel ah iyo 57 neef oo ari ah. Qaar ka mid ah qoysaskan waxay xerada ku sugan yihiin muddo 35cisho.

 

 

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 14-DEC-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 16-DEC-2019

Related Posts

Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta

October 15, 2026
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: In ka badan 100 qoys oo nolol adag uu galiyay bacaadka saamayn ku haya

October 15, 2026
Qoysas maciin-biday Janaale, markii ay ka barakceen duqayn saamaysay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas maciin-biday Janaale, markii ay ka barakceen duqayn saamaysay noloshooda

October 14, 2026
Nolol xumo iyo dayac nadaafadeed oo haysta 500 qoys oo la dajiyay duleedka Hargaysa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo iyo dayac nadaafadeed oo haysta 500 qoys oo la dajiyay duleedka Hargaysa

October 12, 2026
Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen

October 9, 2026
Dadkii fatahaadda Beledweyne ku barakacay oo bilaabay inay dib ugu noqdaan guryahoodii
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar ku nool Bari

October 8, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 16-DEC-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-OCT-2026

IDAACADDA 16-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2026
October 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2026
October 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-OCT-2026
October 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2026
October 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2026
October 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo