Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ahaa oo ay roobabku mar kale ku barakiciyeen Baardheere

Radio Ergo by Radio Ergo
December 16, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ahaa oo ay roobabku mar kale ku barakiciyeen Baardheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Axmed Macalin iyo boqolaal qoys oo kale oo horay ugu noolaa xeryo ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa fataahadda webiga Jubba iyo daadad roobab da’ay qasbeen in mar kale ay barakacaan. Waxaa iyada iyo ku dhowaad afar boqol oo qoys ay degeen xerada Maandeeq oo seddex km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baardheere.

Faadumo sheegtay inay halkaas u doorbideen in ay ku taallo meel taag ah, kuma haystaan wax ka badan hoy iyo biyo ay cabaan.

“Noloshayda waxba iskama beddelin, duruufihii awal aan ku jirnay ayaan haddana ku jirnaa. Waxaan cunno adigu waa mar hel mar waa weeye, maalintii hal mar ayaan wax cunnaa,” ayay tiri Faadumo oo muddo saddex sano degganayd xerada Maroodilow.

Iyada iyo sagaal carruur ah oo ay dhashay ayay timaamtay inay habeen saq dhexe ay ka carareen hoygooda markii uu daadku guduha.

“Hadde waad iska garan kartaa guryo xun oo cooshado ah ayaan ku jirnay, haddii ay qoyeen dad carruuro haystana aan nahay dhibaatada hadde ka jirta waad dareemi karaa,” ayay tiri Faadumo oo abaartii 2017-dii ku waysay 67 neef oo ari ah taas oo ku qasabtay inay barakac noqoto.

Cabdullaahi Cismaan oo ka mid ah guddiga xerada Maandeeq ee ku taalla duleedka degmada Baardheere ayaa sheegay in dadku ay xeradan ka heli karaan biyo ugu jira haan weyn oo xerada agteeda ku taalla, laakiin aysan haysan cunno, dawo iyo waxbarasho intaba.

“Xeradan markii hore waxaa deganaa 577 qoys haddana waxaa ku soo kordhismay qoysas kale oo ka soo barakacay, intii nolosha bini’aadamka uu ku tiisanaa wax ay haystaan ma laha,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Cabdi Xuseen qoyskiisu ka kooban 13 qof waxay ka mid yihiin dadka mar labaad barakacay ee ay saameeyeen fatahaadda iyo daadadka roobka ka dhashay. Waxuu horay u ahaa xoolo-dhaqde iyo beeralay dantu bidday inuu soo galo xero barakac kaddib markii ay ka qasaareen dalagyadii uu beeran jiray, xoolihiina ay kaga dhammaadeen abaaraha. Abaartii 2017-kii ayuu ku waayay 34 neef oo geel ah iyo 57 neef oo ari ah. Qaar ka mid ah qoysaskan waxay xerada ku sugan yihiin muddo 35cisho.

 

 

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 14-DEC-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 16-DEC-2019

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 16-DEC-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-MAY-2026

IDAACADDA 26-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo