Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Luuq: Tirada gabdhaha iskuulada oo korortay

Radio Ergo by Radio Ergo
December 13, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
Luuq: Tirada gabdhaha iskuulada oo korortay

Qaar ka mid ah gabdhaha iskuulka hoose dhexe ee Luuq/ Maxamed Cabdirashid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ruqiyo Cabdiraxmaan waxay sannadkan laba gabdhood ka diiwaan-gelisay iskuulka hoose iyo dhexe ee degmada Luuq oo awal u dhiganayeen wiil iyo gabadh kale.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in deegaanka ay ku noolayd uu ahaa mid ay gabdhuhu yihiin kuwa aan muhiimad badan la siin jirin in ay iskuulada tagaan.

“Waxbarashada gabdhaha markii hore waxaan u arki jiray inay muhiim noo ahayn waayo gabdhaha ayaan uga faa’ideysan jirnay sida howsha guriga oo kale inay noo qabtaan laakiin hada waxaan ogaanay inay dowr muhiim kuleeyihiin bulshada,” ayay tiri Ruqiyo.

Ruqiyo ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in carruurteedu ay u siman yihiin helidda xuquuqda waxbarashada oo xataa hadii ay iskuuladu lacag noqdaan ay doonayso in wiilal iyo gabdhaba ay u dirto iskuulka.

Maamulka waxbarashada degmadu waxay Raadiyo Ergo u sheegeen in shantii sanno dambeeyay ardayda iskuulada ku biiray ay ahaayeen 3,985 kuwaa oo ay gabdhuhu ay ka yihiin tiro aan ka yarayn wiilasha.

Wacyi-gelin xoog leh oo goobaha waxbarashada laga sameeyo oo hay’adaha ku hawlan arrimaha waxbarashada ee degmadu ay bixiyeen shantii sano ee u dambeeyay ayaa qayb weyn ka ah isbedelka, sida uu sheegayo guddoomiyaha waxbarashada degmada Aadan Cabdullahi Xasan

“Waxaad arkeysaa oo kormeer aan sameenayo la kulannay iskuul runtii ardayda dhiganayso ay gabdhaha iyo wiilasha ay badan yihiin gabdhaha, runtii taas oo aan leeyahay waxay ku timid labo sababood kow bulshada oo fahantay doorka ay gabdhaha ku leeyihiin waxbarashada iyo mar labaad hay’adaha waxbarashada caawiyo oo iyana sameeyay wacyi galin farabadan,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Aadan ayaa sheegay in imtixaanka guud ee ay qaaday wasaaradda waxbarashada Jubbaland sannad dugsiyeedkii 2018/19 in ardayga koowaad iyo kan saddexaad ee tobanka arday ee ugu sareeyay degmada ahaayeen gabdho

Iskuulka hoose dhexe ee Luuq oo ah kan ay dhigtaan ardayda ugu badani waxaa sannadkan keligiis iska diiwaan-geliyay boqol gabdhood oo ah tiro ka badan wiilasha iskuulka ku biiray oo ahaa iyagu 86, sida uu sheegayo Faarax Sheekh Cadow maamule ku xigeenka Iskuulka

“waxaan dareemaynaa in ay saa’i’d tahay gabdhaha ku soo biirayso iskuulka wiilasha markii hore wey iska fiicnayeen laakiin hadda waxaad moodaa in ay gabdhaha dardar wadaan,” ayuu yiri Faarax.

Iskuulkan ayaa gabdhaha siiya adeegyo caawiya xilliyada wareegga dhiigga caadada iyo agabyo kale oo nadaafadeed.

Maamule Faarax wuxuu sheegay in tirada guud ee ardayda iskuulkooda dhigta ay yihiin 964 kuwaas oo tirada kordhaysa ee gabdhuhu ay xilligan ka yihiin 400.

Wacyi-gelinta ka sokow, hay’addaha NCA, Trocaire iyo NRC oo deegaanka ka taageera horumarinta waxbarashada ayaa macalimiinta shan iskuul ah kuwa hoose/dhexe ah oo ku yaalla gudaha degmada waxay ka caawiyaan mushaarka macalimiinta, taas oo keentay in ardaydu ay iskuulada ku dhigtaan si bilaash ah.

Istaahil Xasan Cismaan waxaa dugsiyada hoose u dhigta seddex carruur ah oo mid ka mid ahi ay gabar tahay.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay aamisan tahay in sababta aysan yaraanteedii iyadu u helin waxbarasho ay tahay in qoyskeedu aaminsanaayeen in hawlaha guriga qabato.

“Marka aan aniga iska soo qaado nafteyda, wax waxnabari jiray ma laha jikada dharka iyo guriga intaa ayaan ku ekeen waxbarasho nalama geen jirin,” ayay tiri Istaahil.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 12-DEC-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 13-DEC-2019

Related Posts

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 13-DEC-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo