Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Luuq: Ilaa afar dumar ah oo daryeel caafimaad la’aan ugu geeriyooday tuulada Karban

Radio Ergo by Radio Ergo
December 4, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Qaar ka mid ah haweenka tuulada Karban/Maxamuud Cabdirashiid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dadka tuulada Karban ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay adeegyo caafimaad u raadsadaan magaalada Luuq oo qiyaastii 40km dhanka koonfur-bari ka xigta. Igu yaraan afar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u geeriyooday daryeel caafimaad la’aan. Dadkaas waxaa ka mid ahaa Asli Geedi Cabdi oo tuulada ku geeriyootay bishii dabayaaqadii bishii Sebtembar ee sanadkan.

Labo cisho oo ay foolanaysay kaddib ayey Asli ku umul-raacday tuulada, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay saygeeda, Mukhtaar Cali Cumar. Mukhtaar waxaa uu sheegay in Asli ay u dhimatay dhiigbax kaddib markii umuliso-dhaqameed ay isku dayday in ay caawiso.

“Way foolatay, labo habeen iyo labo dharaarood ayay foolanaysay, deegaanka isaga ah, waxaa loo waayay gabadha gaadiid lagu sii qaado oo meel lagu geeyo, marka ay taa dhacday, waxaa haweenka meesha joogay isku dayeen in ay wax qaban karaan, maqas bay soo qaateen, biro ayay soo qateen, ilmihii bay ku qabteen, waxaa dhacday inay gabadhi dhiigbax u dhimatay,” ayuu yiri Mukhtaar.

Dadka tuulaada oo iskaashanaayo ayaa ku guulaystay in ay dhistaan xarun caafimaad oo ka kooban afar qol balse ilaa hadda ma aysan helin agabkii iyo dhaqaatiir ka howl gasha. Wadada isku xirta Karban iyo Luuq ayaa ah mid aad u xun oo aysan gaadiidka isticmaali karin. Baabuurta ingeerka ah ee aada tuulada ayaa waxaa lagu ijaaraa lacag u dhaxayso 100-150 doolar.

Amran Cabdulaahi oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale Raadiyow Ergo in habaryarteed oo lagu magacaabi jiray Anbiyo Adan Ibrahim ay u geeriyootay adeeg caafimaad labo bilood ka hor. Markii ay xaaladeeda xumaatay ayaa Anbiyo loo soo qaaday magaalada Luuq balse dhaxda ayey ku geeriyootay.

“Labo maalin ayey foolanaysay, Luuq ayaa loo qaaday, iyadi iyo ilmaheedi dhaxdee isku go’een, meeshi ayey ku dhimatay wadadi kaddibaa dib baa loo soo celiyay oo iyadi iyo ilmaheedi oo isku meeday ayaa haddana meeshi lagu aasay,” ayey tiri Amran.

Maryan Aadan ayaa iyana ka mid ah dadka adeeg xumida ka jirto tuulada ay naftooda khatar u gashay. Maryan oo haysta toddobo carruur ah oo kala ah seddex iyo afar gabdhood waxaa tiro labo jeer ah oo ay halis gashay xaallad fool ah awgeed loo qaaday magaalada Luuq.

”Afar bari ayaan foolanayay maalinkii shanaad maqribkeeda ayaa booyad ka timaaday Hargayso oo Buulaxaawo u socotay, ayaa wiilkii labarbaryay booyadii baa la isaaray, dhaxdee ku banjartay haddana bajaaj baa dhaxda la iga horkeenay, labo saac oo habeenimo ayaan isbitaalka tagay,” ayay tiri Maryan.

Xasan Gama’diid Carays oo ah guddomiyaha tuulada ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay la xiriireen maamulka dagmada Luuq balse ilaa hadda aysan ka helin wax jawaab ah.

”Dhib badan oo xagga cafimaadka ayaa lagu qabaaa, matalan sida haweenka umulaya oo kale kuwo badan oo waxaan ognahay umulraacay dawo la’aan owgeed,” ayuu yiri guddoomiyaha tuulda Karban oo ay ku nool yihiin ilaa 245 qoys.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ARBACO 4-DEC-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 5-DEC-2019

Related Posts

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 14, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 13, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 5-DEC-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-AUG-2026

IDAACADDA 14-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-AUG-2026
August 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-AUG-2026
August 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-AUG-2026
August 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo