Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Cabudwaaq: Urur 65 haween ka caawiyay in laga daweeyo iskufuranka

Radio Ergo by Radio Ergo
December 18, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: Haween lagu sameeyay qalliin looga daweynayay isku-furan

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nimca Xasan Maxamuud oo 24 jir ah waxa ay aad ugu faraxsan tahay dawayn ay heshay kaddib muddo afar sano ah oo ay lanooleed xanuunka isku furanka. Nolosheedii caadiga ahayd ayay dib u bilowday muddo kaddib markii laga ga daweeyay xannuka isbitaal ku yaalla magaalada Boorama 10 bishii September ee sanadkan.Hadda waxa ay la nooshahay saygeeda iyo wiilkii ay ku curatay maaddaama muddo aysan u suuro galin in ay guri ku la noolaato.

Waxa ay gacan ka heshay Nimca ururka haweenka degmada Cabudwaaq oo iyada iyo haween kale oo xanuunkaas la noolaa ka cawiyay in si bilaash ah daryeel caafimaad loogu sameeyo meel kabaxsan deegaankooda.

“Awal guriga ka ma soo bixi jirin, ma shaqaysan jirin, hadda naag shaqaysta oo arligeeda marta ayaan ahay, waxaana ahaa qof dadka oo dhan ka faanayeen oo guriga aan ka soo bixin,” ayay tiri Nimca.

Waxa ay sheegtay in markii xaalladda xanuunkan la soo gudboonatay uu ka tagay saygeedii tan iyo xilligaasna ay la nooleed ehelkeeda, Balse ay la ku lantay takoor bulshada dhexdeeda.

Shaqadii markii hore ay qaban jirtay ee wareejinta waxyaabaha haweenku isku qurxiyaan ayay dib u bilowday.

“Aniga oo xanuunka la ildaran oo xilliga aan suuliga galo xitaa iska ooyaya, ayaa gabdhuhu ii caawiyeen, waxa ay igeeyeen Boorama, Waana la iga soo daaweeyay xanuunka,” ayay tiri Nimca.

Nimca waxa ay ka mid ahayd 65 haweenka oo ku nool dagmada Cabudwaaq oo xanuunka isku furanka looga daaweeyay isbitaalo kula yaall magaalooyinka Boorama iyo Muqdisho labadii sano ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay Xalwa Aadan Guuleed, oo ah Xiriiriyaha ururkan.

Waxay sheegtay in ay diiwaan galiyaan haweenka qaba xanuunka si marka fursad daawayn oo bilaash ah u soo baxdo ay uqaadan.

“Wayn nala soo xariiraan sidaas ayaan xafiiska ku keenna, kaddibna fiisitada ayaan gayna marka xanuunku ku cadaado in ay qabto haweenaydu, waan diiwaan galina,” ayay tiri Xalwa.

Waa koox mutadawiciin ah oo xiriir laleh qaarkamid ah isbitaalada bixiya daawaynta iyo qaliimada lacag la’aanta, kuwaasi oo kula yaal muqdisho iyo meelakle, Haweenka ugu badan ee ay caawiyaan waa kuwa aan haysan dhaqaale ay iskudaryeelan.

Ururka oo la aasaasay 2013 ayaa shantii sano ee u horaysay ku ekaa wacyigalinta bulshada dhibanayaashu ay ku dhex nool yihiin, balse labadii sano ee la soo dhafay ay heleen xiriirka isbitaalada qaliimada bilaashka ah bixiya.

Xalwa Aadan xiriiryaha kooxdan ayaa sheegtay in ay ku dhalisay caawinta haweenka markii ay arkeen dhibaatooyinka ay qabaan oo cidna uga garaabi waysay looguna daray faquuq marka xanuunkan haleelo.

Wacyiga galinta mudada dheer ay wadeen iyo fursadaha daaween ee loo helay haweenka xanuunku ku dhacay ayay sheegtay in raggii ku nicijiray xaasaskooda xanuunka ay hadda  wacyigoodii uu isbadalay.

Waxa ay sheegtay in bilowga sanadka cusub ee 2020 ay qorshaynayaa in haween gaaraya 30 u helaan daawaynta iyaga oo lakaashanaya isbitaalada daawaynta bilaash ah ufidiya hawaheen isku furanka qaba.

Nadar Axmed Maxamud, waxa ay ka mid tahay haweenka u diiwaan gashan ururka.

Xanuunka ay la nooshahay ayaa haleelay sanadkii 2016-kii markaas oo miyiga Cabudwaaq ay ku dhalisay umuliso dhaqmeed aan xirfad badan lahayn.

“Sideed bilood ayaan qoranahay walina ma helin caawin deg deg ah, lacag aan ku aadana ma haysto, Waxaan rajo ka qaba in mar meesha lagu daaweeyo xanuunka ee Muqdisho iyo Moorama  aan tago,” ayay tiri Nadar oo ah hooyo haysta afar carruur ah.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 16-DEC-2019

Next Post

Maalgelin dayn ah oo lagu kabayo ganacsatada degmada go’doonsan ee Diinsoor

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Maalgelin dayn ah oo lagu kabayo ganacsatada degmada go’doonsan ee Diinsoor

Maalgelin dayn ah oo lagu kabayo ganacsatada degmada go'doonsan ee Diinsoor

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo