Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku dayacan Baydhabo oo codsanaaya dib u celin

Radio Ergo by Radio Ergo
November 18, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ku dayacan Baydhabo oo codsanaaya dib u celin

Nadiifo Aadan Yuusuf iyo qaar ka mid carruurteeda oo jooga aqalkooda/Muhyadin Husni/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nuurto Talaas Cali waxay ka mid tahay 30 qoys oo ay nolasha xero ku talla Magaalada Baydhabo ay ku adkaatay. Nuurto oo ka soo jeeda Misir ee degmada Diinsoor ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in ay hadda doonayso in dib loogu celiyo deegaankeeda.

Afar sano ka hor inta aysan iman Baydhabo waxaa ay ahayd beeralay, sidoo kale dhaqata 12 ari ah iyo sagaal neef oo lo’ ah. Balse markii ay ku hungoobtay wax-soo-saarka beeraha aya soo maciin bidday magaalada Baydhabo halkaa ka bilaawday shaqada dhar-dhaqista.

“Cunto ma jirto, carruurta iyo annagaba gaajada nahayso, labo jeer toddobadkii ayaa dhar soo dhaqaa, labadaas habeen waa la shidaa dabka, maalmaha waxba lama hayo, aabbaha shaqo saas ah ma hayo, noloshan mid dhaanta waa in aan raadinaa dib u laabanaa,” ayay tiri Nuurto oo codsatay in lacag baabuur ay ku raacdo iyo kharash ay marka tagaan deegaanka bilooyin ku noolaadan. Waxay intaas ku dartay in ay u baahan tahay kharash kale oo ay ku beerato beerteeda.

Nuurto oo degan xerada Aboo-Dooyow ayaa sheegtay in 20-ka litar ee biyaha uu gaari-dameer ugu shubo 3,000 oo shilin Soomaali. Nuurto waxaa la nool shan carruur ah oo ay seddex wiilal yihiin iyo labo gabdhood.

Xeradan Aboo Dooyow ma lahan xarun caafimaad iyo iskuul. Sidoo kale xerada u ma dhisna musqulo oo dadka waxay xaajo u aadaan bannaanka xerada, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay guddoomiyaha Kaamka, Buulle Ibraahim Axmed.

“Biyaha noogu daran dhib ayaa ku helnaa, haweenka dhabarkooda ayay arooraan, musqul warkeeda ma jiro, xitaa macuun ma helin wax kale iska dhaafe,” ayuu tiri Buulle. Buulle ayaa sheegay in 30 qoys oo ka mid ah 96 qoys oo ku nool xerada ayuu ay go’aansadeed in laga caawino in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda.

Sidoo kale waxaa dib u celin codsanaaya Nadiifo Aadan Yuusuf oo ah hooyo haysata afar wiil iyo labo gabdhood. Nadiifo ayaa Raadiyow Ergo in ay jeclaan lahayd in ay dib u abuurato beertaydii. Waxay lix sano ka hor kasoo barakaceen deegaanka Xabaal-barbaar oo ka tirsan degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay kaddib markii ay u bixiwayday beerteedii.

“Wakhtigan oo kale beeraha waa barwaaqo si fican ayay u baxayaan,halkan waxba kama helin,meeshii aan ka imaaney ha nagu siiyaan wixii halkan nagu siin lahaayen hana celiyaan,beerahana waa tacbaneynaa,nolosha miyiga nama dhibeyso,” ayay tiri Nadiifo haysata afar wiil iyo labo gabdhood.

Nadiifo oo bilaha qaar kaalmo dhan $50 ka hesha qoys ay qaraabo yihiin oo deggan Muqdisho waxaa iskool u dhigta seddex ka tirsan carruurteeda oo dhigta iskuulka Wadajir ee magaalada Baydhabo. Lacagta bishii ku baxda oo gaareysa $15 ayay ku bixisaa. Waxay u hilowday nolosheedii hore ee tacabka beeraha.

Cali Cabdi Aadan,oo afar sano ka hor ka soo barakacay Roobey-gaduuday ee degmada Qansaxdheere ee Gobalka Bay ayaa isna rajayn. Cali waxaa abaarihii la soo dhaafay uga le’day 35 neef ari ah iyo 15 oo lo,a ah.

“Qoysas naga soo horeeyay oo deegaankena ka soo baxay oo Baydhabo yimid ayaa igu yiri carruurta iyo qoyska meesha yaysan kaaga dhamaan kaalay magaalada Baydhabo, wax kasta nolol ah waad heleysaa, anna nolosha markaas heystay waxan is dhahay tan magaalada soo arag,” ayay yiri Cali.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degmada Baydhabo, Cabduqaadir Cali Xasan sheegay in ay jiraan dad sanado badan xeryaha ku jira oo aan gargaar helin. Cabduqaadir ayaa arinkaas u sababeenyay in ay la xiriirto qorshe-xumo ka taagan kaalmooyinka bani’aadannimo.

“In aan wax badelno ayaan diyaar u nahay arintaas, hay’ad kasta waxaan u sheegney in mashruuc maamulka ogeyn laga fulin karin xerooyinka barakacyaasha, tii noo hogaansata shahaado abaal marin ayaa siineynaa, tii kalena waxba meesha uma yaallo,” ayuu yiri Cabduqaadir.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 18-NOV-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAAD 19-NOV-2019

Related Posts

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 14, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 13, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAAD 19-NOV-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-AUG-2026

IDAACADDA 14-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-AUG-2026
August 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-AUG-2026
August 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-AUG-2026
August 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo