Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Gedo: Webiga Jubba oo ku fatahay beero ku yaallo 53 tuulo

Radio Ergo by Radio Ergo
November 1, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Shabeellaha Hoose: Fatahaad baabi’isay 45 hiktar oo beero ah

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 2,000 oo ku teedsanaa webiga Jubba ayaa ku baaba’ay fatahaad ka dhalatay kaddib markii uu webiga karkaarada jebiyay. Beerahaan oo ay ku tiirsanaayeen in ka kabadan 7,000 ayaa waxaa ay ku kala yaaleen 53 tuulo oo hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dalagyada ay biyaha webigu qaadeen oo ku yaallay 2221 beerood ayaa kala ah moos, Bocor,Cambo,liin dhanaan yaanyo, basal, bataati, kabsar caleen, basbaas, qare, digir, galley iyo sisin.

Balash Nuunow oo ah 58 jir ku nool tuulada Kukato oo dhaw Baardheere waxay fatahaaddu ka baabi’isay 10 hektar oo uu ku beertay qudaar iyo gallay.

“Waxaa iigu yaallay khudaar kala duwan, aan ugu talogalay Bisha 11aad ee sanadkan, dalagii magaalada la keeni lahaa waaye, marka tii Ilaahay baa dhacday, waxaan hayana ma leh,” ayuu yiri Balash oo in 29 sano beeralay ahaa.

Balash oo beertiisa ay biyaha la tageen bishii la soo dhaafay ayaa laba xaas iyo 14 carruur ah waxaa uu keenay Baardheere si uu uga raadiyo nolal dhaanta mida tuulada.

Balash ayaa Raadiyow Ergo u sheegay $1200 uu ku qarashgareeyay beertiisa ka hor inta aysan biyuhu la tegin.

Waxaa isna qasaaro intaa laeg uu soo gaaray Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed Ismaaciil oo ah 60 jir ku nool tuulada Mardhaa oo Baardheere 9 km kaga toosan dhanka waqooyi. Cabdiraxmaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay biyuhu kala tageen dalagyo kala duwan oo qiimo ahaan gaara $1,500.

“Fatahaada ka hor beertayda waxaa iigu yaallay dalagyo ay ka mid yahiin basal, moos, babaay, digir,Bocor. kabsar caleen, Bataati iyo barbarooni oo qorshahayga uu ahaa inaan u iib keeno degmada Baardheere, waxaan is lahaa qaar deemaha isaga bixi, kuwa kalena tacabkaaga ku xooji, balse nasiib daro fatahaadii webiga ayaa dhacday,” Cabdiraxmaan.

Dalagyadaan ay biyuhu baabi’iyeen ayaa ahaa kuwii la abuuray bilihii Ogosto iyo Septembar.

Gudiga Iskaashatada beeralayda Baardheere ayaa khasaaraha soo gaarey beeralayda waraabka Baardheere ayaa waxay ku sheegeen in ka badan $975,000.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 1-NOV-2019

Next Post

Nin xoolo-dhaqato ah oo wicitaan uu soo wacay Raadiyow Ergo xoolihiisa loogu daweyay

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Next Post
Xarun lagu daaweeyo xoolaha oo laga furay magaalada Beledweyne

Nin xoolo-dhaqato ah oo wicitaan uu soo wacay Raadiyow Ergo xoolihiisa loogu daweyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 27-SEP-2026

IDAACADDA 27-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 27-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-SEP-2026
September 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-SEP-2026
September 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-SEP-2026
September 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-SEP-2026
September 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo