(ERGO) – Caasho Axmed Xasan oo 16 jir ah waxay muddo toddobo bil ah beertaa calaf ka xoolaha oo ay isku daygiisa billowday markii ay ka aragti-raacday baraha xiriirka bulshada oo ay ka daawatay casharro la soo geliyay Youtube-ka.
Caasho waa ardayad dhigata fasalka ugu dambeeya dugsiga sare ee Galgaduud ee Magalada Dhuusamareeb. Waxay calafkan ka beerta masago ama haruur ay diyaariso muddo 10 beri ah kaas oo ay ka gataan dadka xoolaha leh ee uusan kufilneyn daaqa deegaannadooda ee ku nool magaalada Dhuusamareeb.
Caasho waxay halkii baafba ku iibisa siddeed ama toddobo doolar waxaana cel celis ahaan lacagta ay ka hesho cowskan sida fudud lagu beeray bishii u noqotaa $64 ilaa $80. Waxay bishii beertaa celcelis ahaan 20 baaf oo qaar ay xoolaha guriga jooga siiso.
“Waxaan waligeyba jeclaa in aan wax curiyo, bilowgii sanadkaan ayaa baraha xiriirka bulshada ka arkay casharolooga hadlaayo qaabka wax beeriista, kaddib waantijaabiyay oo waa iga halowday tijaabadii kowaad, laakiin kuwii danbe waan ku guuleystay oo hadda waqti badan igu maqaadato beerista haruurka,” ayay tiri Caasho.
Caasho ayaa xustay in lacagaha ka soo xarooda cowsskan ay iyada iyo walaalkeed ka yar iskaga bixiyaan lacagta iskoolka oo $24 inta kalana ku caawiso hooyadeed oo nolosha qoyskooda ka dabberta ganacsi yar oo ay suuqa Dhuusamareeb ku leedahay.
Waxay sheegtay in waligeed ay ka fakiri jirtay inay hesho shaqo ay dhaqaalaheeda isaga bixiso iskuulka qoyskeedana ku caawiso, waxaana ganacsigan ku kalifay iyadoo ay mararka qaar ku adkaan jirtay inay hesho lacagta iskuulka oo ay ka marayso fasalka afaraad ee dugsiga sare.
“Waa amiinsanahay in aan door muhim ah ka qaatay kaabaha dhaqaale qoyskeena maaddaama qarashaad lagu bixin jiray waxbarashada ani iyo walaalkay aan xiligaan anigu dabaro, sidoo kalena qarashaadkii xoolaha lagu bixin jiray ayaa hadda meesha ka baxay oo aniga ayaa calafka u beera,” ayay tiri Caasho oo ku taamaysa in ay sii ballaariso wax-soo-saarkeeda.
Ka sokow in Caasho ay dhaqaalaha ka hesho beerista cowskan waxay sidoo kale dadka xoolo-dhaqatada ah u sahashay in xoolahooda ay helaan cows aan dhul dhaaqsintooda ka bixin haddana ay ku heli karaan lacag ka yar tan lagu gado raashinka xoolaha la siiyo.
Luul Xasan Erkole oo ka mid tahay xoolaleyda deggan magaalada Dhuusamareeb waxay haysataa 20 neef oo ari ah, waxayna macaamil u tahay Caasho oo ay cowska ka gadato.
Waxay sheegtay in ka hor inta aysan gabadhan calafkan beerista billaabin uu uga imaan jiray magaalada Beledweyne qeymo gaaraya halkii xirmo oo cows ah $10 taas oo mararka qaar la waayo madaama uusan jiriin dad u beec keena Dhusomareeb. Cawska Baladweyne laga keeni jiray waxaa la soo saari jiraay baabuurta u soo safarta Dhuusamareeb. Luul ayaa hadda cawskan ku hesho lacag dhan $7.
Sacdiya Siciid waa hoyada dhashay Caasha ayaa sheegtay in markii ugu horeysay ee ay gabadheeda wax beereysaay ay la yaabay. Sacdiyo oo xoolo-dhaqato ah haysatah ilaa 15 neef oo ari ah ayaa Raadiyow Ergo in calafkan xoolaha uu sidoo kale anfacay qoyskooda.
“Xilliyadii abaaruhu gobolka ka jireen sidaa noo kale waxaa iga dhamaaday xoolihii aan magaalada ku haystay, kuwaa oo aan u wayay wax ay cunaan. Waxaan kale oo dhib iga haystay in aan geeyo meelaha baadiye ah oo fog, si aan wax ay cunaan ugu raadiyo, haddese nasiib wanaag waxaas waan ka gudbay oo gabadheyda ayaa caws aanaan lacag ka soo bixin meel foogna u dooniin oo waliba, si fuuduud ku baxaya u beertay arigaygii,” ayay tiri Sacdiya.
Caasho Axmed waxaa ay sheegtay in bilowgii beeriida calafka xoolaha ay dadku siyaabo qaldan uga fal celiyeen maaddaama aysan deeganka ka jiriin abuur noocaan oo kale ah.
“Dadka deggaanka waxay oran jireen cawaskaan waa mid sumeeysan oo lagu talaalay cudurada Hivga iyo waxyaaba kale, oo cowsku iib fiican iima heli jiriin, hadallada dadkaas waxaan kasii qaaday dhiiro galin iyo in aan ku sii dhiiranaado isku daygeyga waxayna keentay in dadkii igu xumeeyn jiray ama fakaradaha qaldan iga aamiinsanaa ay hadda ka mid yahiin kuwa wax iga gadto oo qaarkoodna igu boogaadiyaan hal abuurnimadeyda aan deeggaanka ku soo kordhiyay,” ayay tiri Caasho.