Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gabar da’ yar oo loo doortay ku-xigeenka duqa magaalda Badhan

Radio Ergo by Radio Ergo
September 11, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Gabar da’ yar oo loo doortay ku-xigeenka duqa magaalda Badhan

Xaawo Maxamed oo loo doortay ku xiggeenka duqa magaalada Badhan/Maxamed Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaawo Maxamuud Faarax oo 26jir ah ayaa toddobaadki hore loo doortay ku xigeenka duqa degmada Badhan ee gobolka Sanaag ee Puntland. 

Xaawo iyo siddeed kale oo haween ah ayaa kamid ah golaha deegaanka cusub ee Badhan kuwaas oo gaadhaya ilaa 28 ruux. 

Guddi ay xukuumaddu u saartay dhismaha golaha deegaanka degmada Badhan ayaa shaaciyay liiska xubnahan. 

Xaawo waxay dugsiga hoose dhexe iyo sareba ku qaadatay degmada Badhan, waxayna heerka koowaad ee jaamacadda ka dhigatay jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaos iyada oo diyaarisay maamulka iyo maareynta. 

Xaawo oo tartan adag kala kulantay ilaa afar rag ah oo kula loolamay kuxigeenka degmada ayaa sidan u cabbirtay dareenkeeda. 

“Waxay ii tahay farxad weyn waxayna ahayd wax aan juhdi weyn geliyey ahayd in 9 haween ah aan golaha kujirno inta kalena ay tahay rag, isla markaasna ay guddoomiye kuxigeenka ay shan qof igula tartameen, waxaan ku faraxsanahay iyadoo afar rag ay ila tartameen aan booskaas ku soo baxo”. 

Waxay kasoo shaqaysay arrimaha bulshada iyadoo la soo shaqaysay ururo maxalli ah iyo hay’ado ay kamid yihiin Acting Aid, WFP, iyo Adeso. 

Waxay Raadiyaha Ergo u sheegtay in ay muddo ku hamminaysay in ay mar uun noqoto duqa ama kuxigeenka degmada . 

“Muddo ayey maxkasdeyda ku jirtay in aan helo awood aan deegaankayga gobolkeyga iyo dalkeyga  wax ugu qabto, waxyaalaha aan ugu hamminayeyna waxaa kamid ah in aan kor u qaado u qareemidda Haweenka si ay u helaan tababarro dhiirigelinaya, helista adeegyo caafimaad oo hooyada iyo dhallaan oo leh agab dhameystiran”. 

Xaawo waa gabadh oo weli ma noqon xaas balse waxay Ergo u sheegtay in xataa haddii ay reer yeelato ay isku wadayso hammigeeda siyaasadeed iyo kan qoyskeeda waxay tilmaantay in hablaha u noqoneyso dhiirrigelin iyadoo kulana dardaartay iskuday joogta ah. 

“Hablaha waxaan leeyahay waxaa idinku jirta awood weyn oo tan igu jirta ka balaadhan waxaad leedihiin khibrad iyo aqoon dhiirrada geesinnadu waa inayr oo cagaha dhulka lagu haayo, cadaadis badan ayaa igaga yimi booskan markaan u socday lkn dhiirranaan iyo ad adeyg ayaan ku imi halkan, idinkana waxaan idin leeyahay waa iga karti badan tihiin waana iga aqoon badan tihiin ee isku daya,” ayay tiri Xaawo.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa wada dhismaha golayaasha deegaanka ee toddobo degmo oo ay ka mid ahayd Badhan, kuwaas oo ay tahay in maamulkooda lagu dhiso ka hor dhamaadka Oktobar. 

Xubnaha ka mid noqonaya golaha deegaanka ayaa lagu soo xulaa awood-qaybsiga beelaha degmada, waxaana ansixiya guddi ay wasaaradda arrimaha guduhu u saarto in ay odoyaasha kala shaqeeyaan dhamaystirka golaha deegaanka ee degmooyinka. 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 10-SEPT-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACA – 11 – SEPT – 2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo il-dhaqaale u noqday qoysas barakac ah

July 17, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 17, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 13, 2026
Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACA - 11 - SEPT - 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-JUL-2026

IDAACADDA 17-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUL-2026
July 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUL2026
July 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUL-2026
July 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUL-2026
July 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUL-2026
July 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo