Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhalinyaro isxilqaamay oo xarun caafimaad u dhisay qoysas abaar ka soo barakacay

Radio Ergo by Radio Ergo
August 27, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Qaxooti noqonayay oo uu hakiyay go’aankii lagu xiray hay’adda qaxootiga Kenya 14 May, 2016

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hooyada iyo dhallaanka ku nool xaafadda Jowhar-bila oo ay degan yihiin dad ka soo barakacay abaaraha iyo dagaallo ayaa ka faa’ideysta adeegyo caafimaad oo bilaash ah xaafadaas oo ku talla magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Xaruntan oo ah MCH ayaa waxaa bilowgii sanadkan isku xilqaabay in ay furan dhallinyaro ka baxday kulliyadda caafimaadka. Baahida ugu way ee ay dabooshay ayaa ah in xilliga habeenkii ah ay ku umulaan haweenka oo aan awdoodin inay aadaan isbitaallada kale ku yaalla magaalada amaanka awgiis.

Xaliimo Qaaseey Aaddan 21 sano jir ah  haystana laba carruur ah ayaa ka mid ah haweenka ku umulay MCH-kan. Xaliimo iyo qoyskeeda oo xolo dhaqato ahaan jiray ayaa ka soo barakacay tuulada Jariirow oo 50km u jirta magaalada Jowhar dhanka galbeed.

“Meel sariir u eg ayaa leysaaray, aniga waxaan sugaayay sakiin iyo midi yar waa lagu qali rabaa ayaan is iri, waa booday,  waa leey tuugtuugay lagaha meel ayaa leey galiayay, si fudud ayaan ku dhalay,” ayey tiri Xaliimo.

Qoyska Xaliimo oo markii ay ka dhammaadeen 150 neef oo ari abaarta awgeed ugu soo guuray magaalada Jowhar ayaa wiilkeeda curad ku dhashay miyiga, waxaana xilligaa loo geeyay umuliso dhaqameed can ka ahayd deegaanka.

Sahro Xasan Cali oo ka mid ah laba umuliso oo ka howla xaruntan ayaa sheegtay in haweenka ay la socdaan xaaladooda. Waxay sidoo kale u sameeyaan wacyigelin ku saabsan muhiimadda hooyada uurka leh ay u leedahay inay ay tagto xarumaha caafimaadka, si loo la socdo xaalkeeda iyo kan ilamaha.

“Maalintii hadba sida ay noogu yimaadaan, oo si tartiib ayay u soo fahmayaan, baranayaan  laakiin habeenkii ayay badan yihiin, madaama habeenkii xaafadda ay gees xigto, xagaa gaari raacana ay san jirin, haddii aan la kulano hooyo halis ku jirta, sida gargaarka degdega ayaan u sameeynaa madaama anan heysan computer iyo ultasona lagu eego, isbitaalada waawayn ayaan u dirnaa laakiin qalabka kale wuu noo dhan yahay, waxaan leenahay halbaabuur oo aan ku qaadno haddii hooyo halis ah aan la kulanno, kuwa caadiaga ahna waan ka dhalinaa waxqabadkii aan sameynay muddadii uu furnaana wax weyn ayay ka badashay haweenka xaafadaan oo way ku soo xirmeen xarunta,” ayay Sahro.

Tan iyo markii la furay xaruntan ayaa waxay qaabishay in ka badan l12,000 oo bukaann oo isugu jira carruur, haween iyo dad kale sida uu xaqiijiyay, Dr Maxamed Cabdi Nuur oo ah maamulaha MCH-kan.

Sedex iyo todoban dhallinyaro ayaa iska lahaa fikirka lagu aasaasay xaruntan.

Faadumo Cali Xasan oo haysta  shan carruur ah ayaa xaruntan ku umushay wiilkeeda ugu yar oo jira oo afar bil jira.

Waxaa ay ka soo barakacaday deegaanka buulo-baraako oo 35 KM u jirta magaalada Jowhar oo ay xoolo ku dhaqan jireen kadib markii ay abuur ka dhamaysay xoolahoodii.

“Ilaahaa  noo gargaaray,  si  fiican ayaa la ila dhaqmay, dadkan sidee ayay kuula dhaqmi doonaan ayaan lahaa  laakiin ilaahay umulisooyin fiican ayuu ila kulmiyay, gabdhihii xaafadda ku silicsanaan jiray way ku dhalaan, sidoo kale talaal  ayay bixiyaan, sisiyeeriyaal xitaa waa na la siiyay, waan ku nasanay,” ayay tiri Fadumo.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 27-AUG-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACA – 28 – AUG – 2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo il-dhaqaale u noqday qoysas barakac ah

July 17, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 17, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 13, 2026
Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACA - 28 - AUG - 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-JUL-2026

IDAACADDA 17-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUL-2026
July 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUL2026
July 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUL-2026
July 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUL-2026
July 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUL-2026
July 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo