Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Somaliland: Ayax baabi’iyay 485 beer oo ku yaala deegaanno kala duwan

Radio Ergo by Radio Ergo
July 10, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
CADAADO:-XOOLO-DHAQATO-BEERALEY-NOQONEYSA

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Beero khudaar ah oo ku yaalla ilaa toban deegaan oo ka tirsan gobollada Saaxil, Maroodi-jeex, Awdal iyo Sanaag ee Somaliland ayuu baabi’iyay ayax ku dagay.

Wuxuu ayaxu cunay khudaar isugu jirta batiikh, basbaas, yaanyo, salad, iyo basal, wuxuu sidoo kale baabi’iyay geed-miroodyo ay ku jiraan babaay iyo liin-macaan u abuurnaa beeralayda deegaannada Agabar, Ruqi, Baki, Gargaara, Ceel-Sheekh, Cabdi-Geeddi, Xariirad iyo Dacar-budhuq.

Wasiirka Beeraha ee Somaliland, Axmed Muumin Seed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in aysan haynin khasaaraha rasmiga ah ee ayaxa uu u geystay beeraha, hase yeeshee uu jiro guddi ay u saareen in uu soo ogaado, kaas oo weli ku jira howlo kormeer ah.

“Markii u horeysay waxa uu inaga soo galay dhankaa iyo Waddanka Yamanta, Xagga badda ayuu soo maray, Shamiitada Barbara ama haamaha shidaalka isagga oo socdo unbaa la arkay, dabeetana dadku way nagu soo qeyliyeen, waxaana u dirnay Team wasaaradda beeraha ah, markii danbe waxaa la ii sheegay in uu joogo Dacar budhuq haddana dacar budhuq team kale ayaan u dirnay, GPS bay ka soo qaadeen. Waxaa la igu sheegay haddana dhinacaa iyo Lug-haya, Gargaara ilaa iyo eeriyadaa xeebta ah,” ayuu yiri wasiir Axmed.

Sidoo kale, wasiirka beeraha Somaliland ayaa sheegay in aanay dhankooda waxba ka qaban karin ayaxa, maaddaama aysan haysan qalabkii lagu la tacaali lahaa sida hilikobtaro buufiya sunta la gula dagaalamo ayaxa.

Wasiirka oo aan Taleefanka kula xariirnay ayaa xaqiijiyay in ay la xariireen ururka la dagaalanka ayaxa ee Bariga Afrika oo fadhigiisu uu yahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayna filayaan in xubno ka socda ay Somaliland soo gaaraan toddobaadka danbe si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka Koran-korta uu ayaxu reebo.

“Dadka unbaa la tacaalayo ma ahee anagu ka Wasaarad ahaan wax aan hadda ka qaban karno ma leh. In aan hay’adaha la kaashano oo koran korta iyo waxyaabaha uu ka tagi karo aan u sii tabaabusheysano ma ahee kan imika wax aan ka qabanay oo la sheegan karo ma jiro” ayuu yiri wasiirka

Sida ay Raadiyow Ergo u sheegeen Iskaashatooyinka deegaannada Agabar, Dacar-budhuq iyo Xariirad wuxuu ayaxa baabi’iyay beero gaaraya 485 beer.

Ismaaciil Saleebaan Cabdi oo ah guddoomiyaha Iskaashatada beeraleyda deegaanka Agabar waxaa uu sheegay in maalmihii u dambeeyay ay gubeen dhirtii u saamaynta ku yeeshay

Axmed Xirsi Bade oo ka mid ah beeraleyda deegaanka Agabar oo 82 KM waqooyi uga beegan magaalada Hargeysa wuxuu ayuxu uu kaga habsaday beertiisa oo cabirkeedu uu yahay 300 oo mitir. .

“Koley ayaxu waxa uu ku yeeshay saamayn badan, beerteyda kaliyana ma ahee bahalku waddan dhan buu qabsaday haddaan kaaga soo qaado tusaale beertaydana waxa uu cunay wax alle iyo wixii geed gaaban ahaa. Basashuu cunay, barbarooniguu cunay, xabxabkii buu cunay. Geedaha waaweyn xataa sida liintii, cambihii, saytuunkii,” ayuu yiri Axmed oo beertiisu uu ayaxa ku degay 19-kii bishii hore ee Juun.

Hal mar oo keliya ayay beeraleyda deegaanka Agabar suuq-geeyeen dalag u soo go’ay tan iyo markii duufaantii Sagar ay ku dhufatay bartamihii sanadkii hore deegaankaas. Axmed oo duufaanta ay ka baabi’isay beertiisa wuxuu rajo ka qabay ka soo kabashada khasaarihii gaaray.

“Muddadii duufaanta ka dambeysay ka soo kabashaan ku jiray, waxaan iibsaday Mashiin $250 ah, waxaan galiyay cagaf, waxaan galiyay tacab, waxaan galiyay shidaal, shaqaalaan galiyay. Cabirka lacagta aan galiyay marka aan qiyaaso shan kun kama yara” ayuu yiri Axmed oo walaac ka muujiyay sida uu uga soo kabsan karo khasaarahaan.

Cabdiqaadir Maxamuud Axmed oo beer ku leh tuulada Agamsaha ayaa isna wuxuu khassare kala kulmay ayaxa, isagoo sidoo kale walaac ka muujiya saamaynta balaaran ee uu ka tegi doono ayax.

“Koron-korta ayaa ka xun ayaxa oo waxay ka dhalataa ugxanta uu ka tago marka roobku da’o, ayaxu wuu duulayaa laakiin koron-kortu dhulka ayay soconaynaa mana kacayso ilaa ay baalal yeelato, muddadaas ay socoto dhammaan way wada cunaysaa dhirta, Soomaalidu waata ku maahmaahda ‘ayax tag een reeb’ markaa iyada ayaa nagaga xun,” Cabdiqaadir ayaa Raadiyow Ergo u sheegay sidaa.

Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar

 

 

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, TALAADO 09 JULY 2019

Next Post

Kismaayo: Ardayda barata caafimaadka oo daweeyn u fidiyay in ka badan 500 oo bukaan

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Kismaayo: Ardayda barata caafimaadka oo daweeyn u fidiyay in ka badan 500 oo bukaan

Kismaayo: Ardayda barata caafimaadka oo daweeyn u fidiyay in ka badan 500 oo bukaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo