Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hargaysa: Qoysas barakac ah oo ka walwalsan in laga raro dhulka ay degan yihiin

Radio Ergo by Radio Ergo
July 5, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargaysa: Qoysas barakac ah oo ka walwalsan in laga raro dhulka ay degan yihiin

Amina and her children in Nasa-Hablood IDP camp/Ilyas Abdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas deggan xerada Naasa-hablood A ee ku taalla duleedka waqooyi-bari ee magaalada Hargeysa ayaa saddexdii bil ee u dambeeyay wajahaya cabsi ah in dhulka laga raro.

Waxaa ku soo noqnoqda dadka iska leh dhulka ay deggan yihiin oo ku wargeliya in ay ka guuraan, haddii kale ay khasab uga dumin doonaan aqallada.

Cadaadiska uga imaanaya milkiileyaasha dhulka ayaa sababay in aanay dadku meesha ka dhisan karin musqulo iyo aqallo ka sameysan alwaax ama jiingado.

Qaar dadkaas ka tirsan waxay u guureen meel shan kiilo mitir u jirta xerada oo ah dhul gaar loo leeyahay, halka qaar kalena ay isku dayayaan in ay meelo kale oo ka bannaan isla xerada ay aqallo ka dhistaan.

Xaliimo Jaamac Cawaale oo ka mid ah dadka xeradan deggan waxaa bishaii laga raray dhulkii ay deggeneyd, kaddib wargelin la siiyay labo bil ka hor. Subax aroor ah ayaa dhagxaan la soo ag tubay, taas oo khasab uga dhigtay iyada iyo sagaal qoys oo kale in ay alaabadooda la baxaan, aqalladoodana ay dunsadaan. Hadda dhulkaas waxaa ku wareegsan dayr, cidna looma oggola inay degto.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay isku dayday dhul kale oo xerada ka bannaanaa in ay ka dhisato aqalkeeda, balse qoyskii lahaa dhulkaas ayaa ka joojiyay. Hadda waxay iyada iyo lix carruur ah oo ay dhashay ku hoydaan buul xerada ku yaallaa oo iska bannaanaa. Agabkii uu ka koobnaa aqalkeedii la dumiyay waxay ugu raseysan tahay meel bannaan ah.

“Xageed u kacdaa iyo halkeed caruurta la degtaa mooyaane wax kale oo aan ka fikiro ma jirto, afar iyo labaatanka saacadood waana loo yimaadaa, markii u dambeysay waa kuwaasi dhagaxii iyo ciiddii ku rogan meeshaydii, ka kac ayaa la yidhi oo waanigaa ka soo baxay, dadkii dhulkii kuma qabsan karo oo iyagaa leh wax aan sameeyana ma aqaan oo wax walba way iga joogsadee,” ayay tiri Xaliimo oo ka walwalsan xaaladda ay ku sugan tahay.

Xaliimo waxaa ay xerada deganayd muddo lix sano ah, waxaa ay timid markii xoolaheedu kaga dhamaadeen abaar ku heshay miyiga Dabagoroyaale oo xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya wadaagaan ah.

Waxaa ay aaminsantahay haddii ay hesho dhul ay degto in ay u shaqo tagi laheyd caruurteeda oo nolosha hadda ay ku jiraan wax iska bedeli lahaayeen balse aanay u suuroobeyn. Xaliimo ayaa xustay in ay cabsi badan ku abuurtay dadka dhulka leh ee ku soo noqnoqonaya xerada si ay u raraan.

Aamina Ibraahim Aadan oo ah 50 jir haysata shan carruur ah oo agoon ah, waxay sheegtay in afar jeer lagu wargaliyay in ay ka guurto dhul uu buul yar uga dhisanyahay oo xerada gudaheeda ah. Waxaa saameynta arrintan la wadaaga ilaa 12 qoys oo kale oo ay wadaagaan dhulkan oo uu gaar u leeyahay qofka u digay.

Markii u dambeysay ee Aamina ay wargelinta guurista soo gaartay waxay ahayd 25-kii bishii April, markaas oo ay dumisay buulkeeda, iyadoo fulineysa amarka qofka dhulka iska leh oo xerada ugu yimid, una qabtay muddo toddobo cisho ah in ay ugu banneyso dhulka si uu u dhisto. Hase yeeshee aqalkeeda dib ayay u dhisatay markii ay waysay cid u timaada, waqtigii loo qabtayna la dhaafay.

“Dadkii uu u seesnaa ee lahaa ayaa leh ka guura, markii hore amar la’aan ayaan ku dagnay, oo dowlada iyo dadku ha idin arkaan ayaan islahaa dhowr jeer ayaan guuray, dadkii ayaan barinay oo aan noo daaya ku nidhi,” Aamina ayaa sidaas u sheegtay Weriyaha Raadiyow Ergo markuu booqday xerada.

Aamina, ilaa shan goor oo hore ayaa laga raray dhul ay degtay oo ah isla xeradan oo ay deggan tahay muddo toban sano ah, haddana qorshaheeda waa in ay gudaha xerada ka raadsato meel kale oo ay degto, maaddaama aysan aqoon meel kale oo ay degi karto.

“Danbaa isoo jedisay, markii xoolihii iga dhamaadeen ee magaalada aan imid kiradiina waan iska bixin kari waayay, hanti magaalada kumaan laheyn, danta dadka wada keentay ayaan u imid, meel aan u kaco ma aqaan oo intaas buulku iiga dhisan yahay ayaan is leeyahay adigaaba iska leh, meeshan waan ku xanuunsaday oo Dhaxan (Qaaxo) ayaa igu dhacday, meel yar haddii la isiiyo yaan waxba la ii dhisine waan iskaga degi lahaa,” ayay cataabtay Aamina.

Magaalada ayaa u sii fideysa dhinaca waqooyi-bari ee ay xeradan ku taallo, taas oo keentay dadkii dhulka lahaa in ay cadaadiyaan qoysaska soo barakacay si ay dhulka oo hadda qiimo yeeshay iib ugu raadsadaan ama ay iyagu u dhistaan una degaan.

Ilaa hadda labo guri ayaa laga dhisay dhul xerada ku yaalla oo laga raray dadkii deggenaa.

Dhinaca kale, qoysaskan oo intooda badan ay hormuud u yihiin haweenka ayaa loo diiday in ay jaay ka soo gurtaan buuraha u dhow duleedka xerada, waxayna dadka dhulkaas iska leh ku wargeliyeen in ay joojiyaan qodista si aanu dhulka god u noqon.

Xaliimo oo ka mid ahayd haweenka jaayga soo gura, ku dhowaad saddex bil ma aysan shaqo tagin sababtaas darteed, wuxuu nolosha qoyskeedu hadda ku tiirsan yahay raashin ay ku caawiyaan dadka xerada kula nool oo qaar kood gargaar ka hela eheladooda, qaarna ay raggooda u shaqeeyaan.

“Qaadhaa ma dhergayaal ayaanu nahay oo markii aanu helno ayaanu wax iska cunaa, markii hore jayda ayaanu guran jirnay laakiin dadkii lahaa ayaa noo diiday oo yidhi dhulkaa naga godanaya, hadda waanu iska fadhinaa,” Xaliimo sidaas u sheegtay Raadiyow Ergo.

Dhanka kale, qoysaskan waxaa dadka dhulka leh ay u diideen in ay musqulo dhistaan, iyagoo u haysta in gebi ahaanba la gala wareegayo haddii musqulo loo sameeyo goobta.

Aamina waxay sheegtay in dadka oo dhan ay suuli ka dhigteen bannaanka xerada oo ah dhul aan xitaa lahayn dhir ama guryo lagu kala dhuunto.

Abaar ku dhufatay koonfurta Hargeysa 2009 ayay kaga leedeen qoyskeeda 250 ari ah oo ay ku noolaayeen, taas oo sababtay inay soo degaan xeradan barakaca.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, KHAMIIS 04 JULY 2019

Next Post

IDAACADA MAANTA JIMCE 05 JULY2019

Related Posts

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 9, 2026
Next Post

IDAACADA MAANTA JIMCE 05 JULY2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-SEP-2026

IDAACADDA 18-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2026
September 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo