Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dhadhaab: Dhallinyaro nolashooda ku maareeya xirfadda sawir-qaadista

Radio Ergo by Radio Ergo
July 3, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Dhallinyaro nolashooda ku maareeya xirfadda sawir-qaadista

Qaar ka mid ah dhalinyada ku shaqaysto xirfada sawir-qaadista/Axmed Abdulaahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lix iyo toban dhallinyaro ah ayaa xirfado ay dhaqaale ku heli karaan ka dhigtay shaqada sawir-qaadista xeryamidha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Dhallinyaradan oo isugu jira qaar ka tegay waxbarashada iyo kuwa ku jira dugsiyada sare ayaa intooda badan shaqadan bilaabay bilhii Oktobar iyo Nofembar ee sannadkii hore, markii ay ka war heleen in dad badani ay danaynayaan sawir-qaadista.

Suuqa ugu weyn ee haystaan xirfadlaydani waa dhallinyarada oo iyagu u daneeya in ay helaan sawirro qurxoon oo ay saaxiibadood kula wadaagaan baraha bulshada.

Sidoo kale qoysaska iyo dadka munasabadaha gaarka ah qaba ayaa daneeya in dhallinyaradani ay sawirro qurxoon ka qaadaan, deedna ay ugu diraan cajaladaha kambuutarada ku xirma (Flash) iyo baraha bulsahda sida WhatsApp, facebook iyo email.

Ibraahim Maxamed Mukhtaar oo 28 jir ah kuna nool xeryaha waa qofkii ugu horeeyay ee hawshan sawir-qaadista ka bilaaba xeryaha laba sano ka hor.

Wuxuu shaqadan ka maareeyaa qoyskiisa oo ka kooban saddex qof iyo hooyadii.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in fikradani ay ku dhalatay 2015, balse uu waayay qalabkii uu ku shaqayn lahaa, sidaas darteedna uu xoogga saaray in uu rag kale kala shaqeeyo duubista aroosyada ka dhaca xeryaha.

“Dadka waxaa haysay baahi ay u qabeen sawiro, sawirada waxaanu ku qaadi jirnay halkii xabo 10-shilliing, waxaan ahaa keligay cid ila socotay ma lahayn,” ayuu yiri Ibrahim.

Balse waqtiga iyo macaamiishiisa oo batay ayaa keentay in uu qiimaha lacagta sawirka uu kordhiyo.

“Aniga oo aan waxba wadanin gaariga xataa dayn ayaan kusii raaci jiray waxaan dhihi jiray markaa meesha tago ayaan ku siin doonaa, markaa kadib ayaan bedelay carafadii ayaan bedelay hadda maalintii 500-Shililing ayaan meel ka dhigtaa oo aan biilkaygu ku jirin, Waxayna igu soo gashaa dee sawirro ayaa la helaa. Maalin walba sawiro ayaa la helaa markaa dee lacagtii aan ku qaadi-jirnay waa ku darnay,” ayuu yiri.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in ay shaqada uu ku bilaabay Kaamiro uu $300 dayn ku qaatay, hadase wuxuu adeegsadaa afar Kaamiro iyo laba computer oo ugu kacaya $2,800. Wuxuuna ku iibsaday lacag uu ka aruuriyay shaqada maalin-laha ah ee sawir-qaadista isagoo qalabkiisan muhiimka u ah marba mid iibsaday.

“Nolshayda sida ay ahaan jirtey iyo sida ay tahay hadda 100% maanta waa dhamaystiran tahay, Alxamdilillaah, Maanta dibad baan u baahnayn, shaqo qof loo shaqeeyo baan u baahnayn,” ayuu yiri Ibraahim oo dhoolacadaynaya.

Ibraahim wuxuu ku soo koray nolol agoonnimo, waxay qoyskiisu xeryaha tageen 1992dii isagoo hal sano jir ah oo xilliyadaas uu geeryooday aabihii.

Markii uu dugsiga hoose/dhexe ka baxay 2007, wuxuu qoyskiisu awoodi waayay in ay bixiyaan buugaagta iyo agabka kale ee waxbarashada si uu u dhigto dugsiga sare.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in ay hawshan kala shaqeeyaan afar dhallinyaro ah oo shaqooyinka culus la fududeeya kuwaas oo uu siiyo lacago gunno ah oo aan cayimnayn marka bishu dhamaato.

Wuxuu sheegay in uu bil walba shaqadan ka sameeyo 40,000 oo shilin Kenya ah, oo ah $400, taas oo aysan ku jirin kharashaadka iyo gunnooyinku.

Xeryaha kuma badna fursadaha shaqo ee ay dhallinyarada heli karaan marka ay dhameeyaan waxbarshada dugsiga sare.

Hay’adaha samafalka oo ahaa isha keliya ee ay shaqo u raadsan jireen dhallinyarada qaxootiga ah ma bixin wax fursado shaqo ah tan iyo 2018-kii, sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay dallada dhallinyarada ee xerada Xagardheer oo u ololaysa in fursado shaqo loo helo dhallinyarada.

Cali Cabdi Maxamed waa 23-jir ku nool Xeryaha Dhadhaab, wuxuu sida Ibraahim oo kale ku shaqaystaa xirfadan sawir-qaadista, wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in shaqadani tahay isha keliya ee dhaqaale ee uu ka taageero qoyskiisa. Waxaa la shaqeeya labo qof oo kale oo dhallinyaro ah.

Cali haatan waa arday ku jira fasalka afaraad ee dugsiga sare ee Waberi, saaxiibadiis mid ka mid ah ayaa iskuulka dhameeyay sannadkii hore, midka kalena isaga ayay isku fasal yihiin.

Ma jiro heshiis shaqaalaysiin oo ay dhallinyaradani leeyihiin, laakiin wax soo saarka shaqo ee Cali ayay wax ku leeyihiin labada wiil ee kale ee la shaqeeya.

Cali iyo wiilasha la hawlagala waxay si adag u shaqeeyaan maalmaha sabtida iyo axadda ee ay iskuuladu xiran yihiin, markaas oo ah wakhti uu furan yahay suuqa sawir-qaadistu. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu halkaas bishii ka helo $70,000 shilin.

Waa arrin dhiiri-gelinaysa hadafkiisa ah in uu jaamacad tago marka uu dugsiga sare dhameeyo, sannadka dambe.

Shaqadan Cali waxaa ku bilaabay sawiro isaga ah oo uu soo dhigi jirey bartiisa Facebook, muddo kadib waxaa uu si haddiyad ah ku helay kaamiro taasi oo uu ku kusii Isticmaalay sawiradiisii.

Dhallinyaro badan oo ay jaal ku yihiin bartiisa Facebook isla markaasna ku nool xeryahan iyo magaalada Dhadhaab ayaa codsiyo la xiriira in uu sawirro ka qaado u soo diray, waxaana uu in muddo ah sawirrada ku qaadayay si bilaash ah.

“Aniga ahaan markii aan Photographer noqday wax-badan baa iska bedelay. Waxaa is bedelay nolol maal-meedkaygii oo dhan,” ayuu yiri Cali.

Xasan Cismaan, gudoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Xerada Xagardheer waxaa uu u arkaa in fursadaha noocan ah ee ay dhallinyaradu noloshooda ku maareeyaan ka sokow ay dhanka kale ka weecisay in ay maraan jidad qaldan oo u keeni kara in uu mustaqbalkoodu xumaado.

“Noloshooda waxay ka beddeshay in dhallinyaradaasi aanay ku dhicin waxyaabaha khatarta ah, sida mukhaadaraadka, dembiyada iyo falalka xun-xun dadka in aanay dhicin oo habeenkii aanay socon oo toorreeyo iyo waxaas aanay qaadan, Waxay keentay in uu qofkii mashquulo oo wakhti uu helo uu shaqeysto isagana uu isku anfaco, reerkii guriga joogay oo uu masuulka ka ahaana uu u anfaco,” ayuu yiri.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA – TALAADO 2 -JUL-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA, ARBACO JULY 2019

Related Posts

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA, ARBACO JULY 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-AUG-2026

IDAACADDA 24-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-AUG-2026
August 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo