Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

JUBBALAND: Dood ka taagan qabiilka ay haweenku ku meteli karaan baarlamaanka

Radio Ergo by Radio Ergo
June 28, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
JUBBALAND: Dood ka taagan qabiilka ay haweenku ku meteli karaan baarlamaanka

Cadar Ismaaciil Jurrati (bidix) iyo Faadumo Macallin Cali oo ka mid ah haween musharixiinta Jubbaland

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Macalin Cali waxay ka mid tahay 24 haween ah oo u tartarmaya kuraasta dumarka oo ay ka doonayaa in ay helaan boqoley 25 ilaa 30 baarlamaan goboleedka Jubbaland, waana gabadha keliya ee aan qurbo joog ahayn.

Iyadoo ah hooyo carmal ah oo haysata 5 carruur ah oo ay keligeed koriso ayay waxay go’aansatay in ay ka mid noqoto dhalinyada curtood ee rajaynaayo in ay ka qayb noqdaan golaha sharci-dejinta ee maamul goboleedka Jubbaland.

Waxbarashadeedu dugsi sare ma dhaafsana; laakiin taasi kama baajin hammiga weyn  oo ay ku doonayso inay xubin uga noqoto baarlamaanka Jubbaland.

“Kismayo ayaan ku dhashay, waxkubartay, in aan wax hogaamin karo, dadkana wax ku soo kordhin karo ayaan aaminsanahay, waase markii iigu horaysay ee aan u tartamo xil baarlamaan,” ayey tiri Fadumo oo ah 27 jir.

Laakiin caqabad weyn oo kursiga baarlamaanka kaga gudban waa doodad la xiriirta reerka ay tahay in ay ku matesho baarlamaanka. Inta badan haween waxaa lagu riixaa ama lagu xaqliyaa reeraha ay ku dhaxday.

“Odayaasha dhaqanka iyana waa caqabad kale oo markaad u tagto waxay ku oranayaan reer hebel ayaad carruur u dhashay, wixii reerku lahaana kaas ayaad u geynaysaa, qoyskii aad carruurta u dhashayna waxay ku leeyihiin qabiilkayaga ma tihid ee annaga waxeena maxaa ka quseeya, waana dhibaato weyn taasi, mase u niyad jabayo” ayey tiri Faadumo.

Baarlamaanka Jubbaland ee muddo xileedkiisu dhammaadka yahay waa kan labaad ee dumarku ugu metelaadda yar yihiin dhammaan dawlad goboleedyada Soomaaliya. Afar keliya ayaa dumar ka ah 75 xildhibaan ee matala saddexda gobol ee dawlad goboleedkan. Baarlamaanka dawlad goboleedka Puntland oo keli ah ayaa ka dumar yar kaas oo ay hal gabar oo keli ah ka tahay xildhibaan baarlamaanka ka kooban 66 qof.

Laakiin weli Faadumo Macalin rajo weyn ayey ka qabtaa in ay ku soo baxdo doorashada baarlamaanka Jubbaland, waay Raadiyow Ergo u sheegtay in ay dhaqaale yarida haysata dumarka ay  caqabad kale ku tahay dedaalkooda siyaasadeed ee dal loo arko dhaqaalaha in uu yahay furaha siyaasadda.

Wuxuu culeys labaad ku sii yahay dumarka aan qurbaha ka imaan ama aan dhaqaale ahaan laga soo taageerayn sida ay sheegtay Faadumo Macalin.

“Dhaqaalaha waa kow oo haweenka dhaqaale ma haystaan, haddii ay is tiraahdo siyaasad gal meel uma dhaqaaqi karto. Gabdhaha qurbo joogta ahi way dhaqaale dhamaan kuweena gudaha, annigase waan go’aansaday oo wax kastoo aan haysto waan ku bixinayaa,” ayey tiri Fadumo oo ah ganacsato ka shaqaysato bagaashka.

In kastoo uusan jirin reer gaar ah oo dumarka u qoondeeyay  qaar ka mid ah kuraasta baarlamaanka Jubbaland, haddana haweenka deegaanka oo tix raacaya heshiiska qoondada haween ee baarlamaanka Federaalka ayaa bartilmaameedkoodu yahay in boqolkiiba 25 ilaa 30 ay ka helaan doorashada iyo soo xulidda baarlamaanka ee reeraha dhexdooda la filayo.

Faadumo Faarax Aadan waxay ka mid tahay 4 gabdhood ee xubnaha ka ah baarlamaanka wakhtigiisu dhacayo.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in odeyaasha dhaqanka aan lagu karin soo gudbinta dumar reeraha kuma tala baarlamaanka.

Waxa ay intaa ku dartay in 4ta gabdhood ee hadda xubnaha ka ah baarlamaanka Jubbaland ay ku suurto gashay cadaadis ka yimid beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD.

“Anniga kurisgaan ku fadhiyo nin ayaa lagu qoray, wax rajo ah kama qabin, markii danbe cadaadiska uun beesha calamka ayaa keenay in la ii magacaabo, welina haddaan la helin cadaadiskii oo la saarin siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka haweenka waxba ka heli maayaan siyaasadda,” ayey tiri Faadumo Faarax.

Ugaas Cumar Xiiray waa afhayeenka odaayasha dhaqanka Jubbaland ee iyagu soo xulaya xubnaha baarlamaanka, wuxuu Raadiyaha Ergo u sheegay in xilligaan ay rajo badan ka qabaan in ay haween badan u soo xulaan xubnaha baarlamaanka.

“Annaga haddaan nahay odayaasha dhaqanka, waxaa noo qorshaysan in la kordhiyo tirade dumarka galaya barlamaanka oo ay ka bataan kuwii hore ugu jiray. Waxaanan ergada qabaa’ilka ee kala dooranaysa xubnaha baarlamaanka u sheegaynaa in xubin kasta laba rag ah iyo gabadh lagu daro, sidaasna gudiga ay ku kala saaraan,“ ayuu yiri Ugaas Cumar. 

Arrintaanse waxaysan u cuntamin Cadar Ismaaciil Jurrati oo ah gabadh u tartamaysa xubnaha baarlamaanka Jubbaland.

“Haddii laba nin iyo gabar lagu wada qoro, waxaa hubaal ah inaysan gabadhu waxba helayn, anniga doorashadii xubnaha baarlamaanka ee 2017 dawladda Federaalka ayaan u tartamay, anniga iyo saddex nin ayaan ahayn, waxna kuma helin, tanina taas oo kale ayey tahay” ayey tiri Cadar.

Kaafiya Cabdilaahi Naaleeye oo iyadu ah la taliyaha gudiga qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya ee dhinaca haweenka ayaa sheegtay in dastuurku si guud u qorayo in jagooyinka haweenka iyo raggu u siman yihiin xilalka dawladnimada, taasise ay tahay mid taageeraysa xaaladda dhabta ah ee ay qabaan haweenka Soomaaliyeed marka ay noqoto ka qayb galkooda siyaasadda.

“Waxaan aniga ku talinayaa guddiga doorashada in 30% xubnaha haweenka loo qoondeeyey heer federal iyo heer maamul goboleedba lagu daro dastuurka qabyo qoraalka ah ee dhowaan la soo bandhigi doono, si ay u noqoto arrin sharci ah oo lama taabtaan ah, si bal qoondadaas loo  helo,” ayey tiri Kaafiya.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka tacab

Next Post

IDAACADA MAANTA JIMCE 28-June 2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post

IDAACADA MAANTA JIMCE 28-June 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo