Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Jowhar: Beeralay ku tiirsanayd roobka oo u wareegay waraab

Radio Ergo by Radio Ergo
June 27, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Jowhar: Beeralay ku tiirsanayd roobka oo u wareegay waraab

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Beeralay ku nool shan tuulo oo dhinaca galbeed ka xiga degmada Jowhar ayaa waxay ku guulaysteen in ay kanaal ka soo leexiyaan webiga Shabeelle.

Dadkan ayaa waxay ahaayeen beeralay ku tiirsan biyaha roobka, laakiin hadda waxay sanadkaan wax ku waraabsanayaan kanaalkan oo biyaha ka soo qaada webiga oo dhererkiisu yahay 13km.

Wuxuu hadda kanaalkaas waraabiyaa 1700 oo higtar oo ay ku beeran yihiin digir, galley, mesego iyo dalagyo khudaar ah.

Beeralayda ku nool tuulooyinka Qaafow, Buuloxaaji, Guumeys, Doon-Wiiraale, Ceel Nuur iyo Shimbirow wax dalag ah maysan beeran afar xilli oo la soo dhaafay, roob la’aan ku dhacday darted. Taasina waxay ku dhalisay in ay isu tagaan oo ay qotaan kanaal.

Beeraha uu hadda waraabiyo higtar kasta waxay ka qaadeen 67 doolar, lacagtaas oo ay ku kiraysteen cagaftii qodday kanaalka iyo xoogii kale ee shaqaalaha ku bixiyeeny, waxayna qodayeen 14 bilood.

Odayaasha tuulada ayaa u saaray 7 xubnood oo Gudiya qodista iyo maamulidda kanaalka. Shiine Xaaji Cabdilaahi wuxuu ka mid yahay odayaashas, wuxuu sheegay in bilowga hawsha ay adkayd, markay timaado lacag ururinta, waxba ma aanan haysan markii hawshaan la bilaabayey.

“Markaan qodaynay cagaf ayaan keenay, saacaddii malyan iyo boqol kun ayey ku qodaysay, dadka waxba ma haysan xoolo yar oo ay haysteen ayaa qaarkood iibiyee, halka kuwa kalena ay beerahoodii qaar iibiyeen sidaas ayaan kanaalka ku qodanay,” ayuu yiri Shiine.

Kanaalka hadda wuu shaqaynayaa, wuxuuse biyaha halkaas ku geeyey hawl adag, wuxuu ka gudbaa shan jid, dhaqaale ay buundooyin ku saaran waa ku adkaaday beeralayda, taas bedelkeedna waxay sameeyeen farsamo cusub, waa kan Shiine oo sharaxaya farsamadaas.

“Shan matoor ayaan soo iibsanay, matoorkastaana wuxuu ka talaabiyaha biyaha jidka, iyadoo tuubada matoorka la dul mariyo jidka, sidaas ayaanan ku geynay biyaha deegaanka,” ayuu yiri Shiine.

Hadda tuulooyinku waxay rajaynayaan inay dalag wanaagsan goostaan xilligaan gu’ga, Aadan Cumar oo ka mid ah beeralyadaan wuxuu ku nool yahay tuulada Qaafow, laba higtar ayaa waxaa ugu beeran digir, geley iyo salbuko.

“Hadda ka dib jilaal iyo roobba wabaan abuuran doonaa, keliya haddii webiga qalaalo uun baa aanan wax beeran doonin, waxaan ka raysanay culaysyadii iyo welwelkii roob la’aanta ay nagu haysay,”yuu yiri Aadan.

Wixii sheegay in hawsha qodista bilaamatay iyadoo uusan wax dhaqaalo ah haysan, kadibna uu iibiyey laba lo’ ah, sidaasna uu ku bixiyey 3200 oo kun oo labadiisa higtar ku soo aaday, uuna beertay bishii May oo ahayd markii webiga biyo keenay.

“Hadda lo’dayda calaf waan u helayaa, waxaan sugayaa inaan goosto raashin, rajaduna waxay tahay inaan ka kabanayo sanado aanan waxba beeran,” ayuu yiri Aadan.

Inkastoo kanaalku shaqeeyo wuxuuse weli ugu kacaa qarash badan, taasoo ah in matoorada shanta ahi ay maalintii u baahan yihiin120 litir oo shidaal ah oo laga siiyo laba milyan iyo afar boqol oo kun, si ay biyaha uga gudbiyaan wadooyinka, lacagtaas oo si maalinle ah ay isaga qaadan beeralaydu oo oo hadab beeraha cabaya ayaa laga qaadaa.

“Waraabka ka sokow kanaalka wuxuu noo leeyahay faa’iido kale, xoolihii ayaa ka cabaya, baad ay cunaan ayey ka helayaan,” ayuu yiri Aadan.

Beeralayda tuulooyinkaan ku nool mid kastaa inta higtar ee uu leyahay ee uu awoodo ayuuna dhaqaalo ahaan baxshay, Cabdilaahi Ibraahim waxaa hadda uu ku waraaabsadaa kanaalkaan shan higtar iyo bar ay ugu beeran tahay geley, digir, khudaar iyo salbuko, haddana ay u beeran tahay 30 maalmood, iyadoo ay uga shaqaynayaan shan qof.

“Shantii maalmoodba mar ayaan helaa biyaha kaltan ahaan, wakhti habeen ah ayeyna cabtaa beerta, waxayna ku cabtaa sideed saacadood, tuulooyin aan waraab haysan waa ka cadaadeen wixii ay beerteen roob la’aan, waan faraxsanahay oo ma rajaynayo fara marnaan,” ayuu yiri Cabdilaahi.

Cabdilaahi laba sacaad oo uu lahaa wuu iibiyey si uu waraab u helo, wuxuuse sheegay in cagafta uu falay beerta lagu leeyahay uuna ka codsaday dadka iska leh inay ku yeeshaan, taasoo uu rajaynayo marka dalaggu u soo go’o inuu iska bixiyo.

Shiine Xaaji ayaa sheegay inay jiraan beeralay aan wax dhaqaale ah haysan oo bixin kari waayey, haddase ay biyo siiyeen, ayna ka qaadi doonaan dhaqaalaha laga rabo wakhtigay wax goostaan.

Beeralayda tuulooyinkaan ayaa sheegay in tuulooyin kale oo ka sii durugsan ay hadda u yimaadeen ayna ka codsadeen in kanaalka loo sii dheereeyo, ayna diyaar u yihiin inay bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya qodistiisa.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, KHAMIIS 27-JUNE– 2019

Next Post

Dhageyso barnaamijka tacab

Related Posts

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 20, 2026
Next Post

Dhageyso barnaamijka tacab

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 27-AUG-2026

IDAACADDA 27-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 27-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-AUG-2026
August 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-AUG-2026
August 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo