Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dadaalkii hooyadiis ayaa u sabab ah in uu bare ka noqdo xerada ay ku barakaceen

Radio Ergo by Radio Ergo
June 13, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, LATEST POSTS, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadaalkii hooyadiis ayaa u sabab ah in uu bare ka noqdo xerada ay ku barakaceen

Asha with her youngest children at home in Shabelle camp. Abdirahman Aatoh/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waa mid kale oo ka mid ah Barnaamijyadeenna taxanaha ah ee ku saabsan nolosha xeryaha barakacayaasha ee gudaha Soomaaliya. Raadiyo Ergo ayaa booqday xeryaha dadka baragkacay ee bannaanka magaalada Garowe ee Puntland.

Warbixintan waxay taabanaysaa caqabadaha iyo guulaha nolosha qoyska hooyo ka soo jeedda dad lagu heyb sooco muuqaalkooda ‘Soomaali Baantu’. Waxay u adkeysatay caqabado badan si uu wiilkeeda uu helo waxbarasho iyo xirfad wanaagsan.

Dalmar Cabdi oo 23 sano jir ah, wuxuu dhawr mar ku sigtay in uu ka tago iskuulka xiili uu ku korayay mid ka mid ah xeryaha dadka barakacay ee magaalada Garowe, laakiin hadda waa macalin xisaabta bara carruurta dhigata iskuul ku yaal xerada uu ku nool yahay.

Halganka Dalmar waxaa kala sii weynayd xaqiiqada ah in uu ka soo jeedo dadka la hayb-sooco. Wuxuu baranayay sidii uu ula qabsan lahaa midab-takoorka joogtada ah.

“Markii ugu horaysay ee aan noqday macallin, waxaan galay fasalka labaad si aan isugu sheego carruurta iyagana aan u fahmo. Markii aan soo geli rabay ardaydu way buuqayeen markii aan soo galayse dhamaantood waa aamuseen, waxayna bilaabeen in ay igu dhaygagaan. Waan fahmay waxa ay dhammaantood la yaabeen. Waxaan maqlay mid dhahaya, Ala fiiri waa macalin ‘jareer’ ah. Waan qoslay, sida aan awalba aqiinay ayaan ula macaamilay aflagaadan sinjiga ah markii aan ardayga ahaa!” ayuu Dalmar u sheegay Raadiyo Ergo.

Dalmar wuxuu sannadkii 2014ka tababarka macalinnimada dugsiyada hoose ku qaatay Machadka Sare ee Tababarka Macallimiinta Garowe (GETC), Caasho Cilmi ayaa shaqo adag iyo juhdi gelisay in ay xaqiijiso in wiilkeedu helo mustaqlka ifaya.

Qoyskani waxay Garowe tageen 21 sano ka hor, iyagoo deegaankooda Qallaafe ee dowlad-deegaanka Soomaaliga uga cararay abaaro xilligaas ku dhuftay deegaanadaas.

Caasho waxay wiilkeeda curadka ee Dalmar ka diiwaan-gelisay iskuulka Hoose ee Kaalo markii uu jiray lix sano.

Iiskuulkaas oo bixinayay waxbarasho bilaash ah fasaladda koowaad iyo labaad, laakiin fasaladii ka dambeeyay waxay ka bixin jirtay bishiiba 120,000 oo shilin oo u dhiganta ilaa ($6).

Caasho ayaa xustay sida ay dadka baragkacayaasha ugu adkayd in ay xilligaas dhex-galaan bulshada maxaliga ah ee magaalada.

Wakhtigaas xeradu waxay ku taalay gudaha magaalada, ka hor inta aysan dowladda Puntland dejinin meel duleedka magaalada ah.

“Haddaan waayo lacagta fee-ga, inta aan gabar qashin ka soo qaado ayaan dhihi jiray walaaley haddii aan guriga geeyo carruurtii baa iga rabta bariis ama caano ee adiga ii aruuri, marka gabadhaas baa ii arruurin jirtay oo meel ii gelin jirtay, sidaas baan ku soo waxbaray” ayay tiri Caasho.

Qaar ka mid ah dadka deriska ah ayaa qoyskan dhiirigelin u samayn jiray, iyagoo mararka qaarna u caawini jiray in ay Dalmar ka bixiyaan lacagta iskuulka.

“Waxaa jirtay mar ay dhacday in aan baalashle noqday. Waxaan ka shaqeeyay laba maalmood, waxaan u malaynayaa in aan ahaa fasalka shannaad. Hooyaday waxay tiqiinay muhiimada ay waxbarashada leedahay, waxayna iga caawiday in aan dib ugu laabto iskuulka,” ayuu u sheegay Raadiyo Ergo.

Labaatan sano oo ay ku jirtay nolol baragkac, wax badani iskama bedelin noloshooda.

Hadda qoysku wuxuu ku tiirsan xoogaa yar oo ay Caasho hesho, iyadoo uu xilligan ninkeedu uu nolol la wadaago xaas kale oo cusub.

Caasho waxay xilligan dadaal ugu jirtaa in ay la tacaasho shan ka mid ah carruurteeda yar yar oo ku jira iskuulka uu Dalmar macalinka ka yahay.

Dalmar wuxuu leeyahay riyo ah in uu jaamacadda ku barto macluumaadka tiknoolajiyadda, laakiin mushaarkiisa $75 ah hadda wuxuu ku taageeraa qoyska.

Dowladda Puntland waxay xeryaha ka samaysay xarun caafimaad, boolis, meelo biyaha laga heli karo, nalalka cadceeda ku shaqeeya oo wadooyinka lagu xiray iyo saddex iskuul oo loogu talagalay in ay u adeegaan xeryaha baragkacayaasha ee loo yaqaano Jawle oo ku yaal bannaanka Garowe.

Hay’adaha gargaarka ayaa sidoo kale mararka qaar siiya cunto iyo adeegyo kale oo asaasi ah dadka ku nool xeryaha.

Badankood waxay ka soo baragkeceen colaado iyo abaaro intii u dhexaysay 1991 ilaa 2011.

 

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka beeraha

Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 13-JUNE-2019

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 13-JUNE-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo