Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Togdheer: Dugsi hoose iyo dhexe oo leh hal macalin

Radio Ergo by Radio Ergo
May 16, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Kismaayo: Ardeyda ka soo noqtay qaxootiga oo helay waxbarasho bilaash ah 08 November, 2016

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Iskuulka hoose dhexe ee ku yaala tuulada Gebagebo oo 90km dhinaca waqooyi bari ka xigta Burco ayaa waxaa haysta macalin yaraan tan iyo bishii Maarso ee sanadkaan, kadib markii laba macalin oo wax ka dhigayey uu mid ka mid ahi u geeriyooday.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka,  ilaa haddana wasaaradda waxbarashada Soomaaliland weli cidbedesha u ma soo dirin halkaas

Jaamac Xuseen Jaamac, waa macalinka keliya ee hadda wax ka dhiga iskuulkaas oo ay dhigtaan 120 arday.

Macalin Jaamac wuxuu hadda wax u dhigaa qaab uu isagu dejistay si uu u daboolo baahida macalin eejirta ee Iskuulka oo ka kooban six fasal balse lagu aqristo labo qol.

Waxay ardaydu galaan labada gelinba, tanoo macalinka ku ah shaqo aad u adag, fasalka uu markaas wax u dhigayo ma ahane kan kale ayuu sheegay in arday horjooge ah uu uga siitago si uu ardayda u celceliyo.

“Waxaan leeyahay horjooge isii horjooga intaan kan kale ku jiro oo sadex fasal ku jiraan markaa intaan sadexdaa fasal aan u akhriyaayo ayuu ardaygaasi ii sii horjoogaa markaan kaa dhameeyo ee aan mid walba xiisad u galo, waxaan u imaadaa fasalkii kale isgana sidii oo kale sadaa ayay hawshaasi caqabadeedu tahay,” ayuu yiri Jamac Xuseen oo u warramay Raadiyo Ergo.

Hadda xiisadda uu fasalkasta u gallaa waa 40 daqiiqo, iskuul ka oo ka kooban laba fasal waxaa dadka deegaan ku dhisteen sagaal sano ka hor, iyadoo ardaydu ay lacag la’aan wax uga bartaan, mushahar ka macalinkana ay bixiso wasaaradda waxbarashada Soomaaliland.

Macalin ka ayaa la siiyaa lacag boqol doolar.

2010kii oo la furay iskuulka, waa dugsi hoose dhexe, mase lahan wakhtigaan labada fasal ee todobaad iyo sideedaad, taasoo ay ugu wacan tahay macalimiin labadaas fasal dhigi kara oo aan lahayn.

Labadaan macalin ayaa iskuulka wax ka dhigayey tan iyo intii uu hawlgalay.

Ardayda ayaa bishii laga qaadda 20 kunoo Somaliland ah bishii oo u dhiganta labad doolar.

Lacagtaan waxaa mushahar laga siiyaa macalinkii geeriyooday carruurtiisa, iyadoo inta kale loo gabixiyo adeegyada biyaha iyo nadaafadda iskuulka.

Gudoomiyaha Gebagebo, Bile Jaamac Muuse ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in deegaanka ay ku nool yihiin 3 kun oo qoys.

Kun ka mid ahi tiradaas ayaa ah dadkii abaaraha ku soo cayrtoobay.

iskuulkaan ayaa ah kan keliya oo deegaanka kuyaal.

Guddoomiya oo ka hadlaya waxay ka qabteen dhibaatada macalin yaraan ee jirtaa yuu yiri, “Aradaydu waa sii fara badanaysaa anagu ka maamul ahaan codsiga waxaanu geyney Wasaarada Waxbarashada Somaliland, rejo kale oo aanu qabnaa majirto. Rajada keliya ee aanu qabnaa, waxaa weeye in sanadkan laba macalin oo kale in la keeno,” ayuu yiri Gudoomiye Bile.

Tuuladaan oo ku taal gudaha buuralayda Guban, waxaa adag gelitaankeeda dhanka gaadiidka, taasina, waxay tahay caqabad kale oo macalimiin deegaano kale ka timaadda ku adkaynaysa in ay u soo shaqo tagaan.

Wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in wasaaraddu ilaa 4 macalin ay soo magacowday saddex, laakiin ay macalimiintaasi diideen in ay goobtaas tagaan.

Gaadiid ka tuuladaan tagaa waa kuwo todobaadkiiba hal mar baxa, waxayna u socdaan 10 saacadood wakhti ku siman, iyadoo ay u badan tahay in uu buuraha dhexdooda ku xumaado oo maalmo ay ku qaadato dadka rakaabka ah in ay dhex fadhiyaan buuraaha

Ardayda iskuulka dhigataa 50 waa gabdho, mana jirto arday cusub oo la qoro, macalin yaraanta darteed, ardayda hadda dhigata ayaa sheegaysa in ay ku adag tahay helista tacliinta ay rabaan, macalinka keliyana uu san dabooli karin baahidooda.

Xamse Nuur waaarday 14 sanojir ah, wuxuu dhigtaa fasalka lixaad, isaga iyo saddex walaalihiis ah, wuxuu sheegay in wakhtiga oo kooban ay ku adag tahay in uu fahmo maadada sayniska.

Xamse iyo reerkoodu waxay degaanku yihiin Tuulada Gebogebo, waa qoys danyar ah oo 35 neef oo ari ah ku dhex haysta tuulada.

“Jaaniska ayaa nagu yaraaday oo iskuulku ma laha nususaace (dhextaalka xiisadaha) oo sidaanu u fadhino ayaanu marka salaada duhur la’eedaamo ayaanu kasoo baxnaa oo macalinku na soo fasaxaa,” ayuu yiri Xamse.

Wuxuu sheegay in maadooyin ka xisaabta iyo carabiga uu san dhigan, macalinkuna uu san ka dhigin fasalka, uuna guriga ku noqdo maalinkasta isagoo aan soo dhigan wax ka badan laba xiisadood oo aanu fahmin.

Gudoomiyaha wasaarada waxbarasha Gobolka Togdheer, Maxamuud Xasan Caynaan ayaa u sheegay Radio ergo in ay ka warhayaan maclin la’aanta Tuulada Gebogebo, kuna tala jiraan inay u diyaarinayaan macalimiin.

Gudoomiyaha sheegay in ay jiryo in ay diidaan Macalimiintu tagista tuulada Gebogebo haddase ay wadaan qorshe lagu helo macalimiin u dhashay tuulada.

“Anaga ka wasaaarad ahaan, waxaa naga go’an in ay helaan macalin iskulada waqooyiga ku yaala ee ay ka mid yahiin tuulooyinka Faqaayuub, Ceeldheer Gebogebo,Kalbare iyoBooraamo dhamaan iskuuladaa waxaa ka dhisan laba qol  ama laba fasal laakiin macalin la’aanta tuulada Gebebo waanu ognahay, macalinkii hore tacsidiisaa lagu jiraa, waxa kale oo lagu jiraa sanad dugsiyeedkii u danbeeyey ee 2018-2019, marka waanu geynaynaa macalin kasoo jeeda tuulada Gebogebo,” ayuu yiri Maxamuud.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 16-May-2019

Next Post

Dowladda Puntland oo 62,127 maro-kaneeco u qaybisay dadka deegaankaas

Related Posts

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Next Post
Dowladda Puntland oo 62,127 maro-kaneeco u qaybisay dadka deegaankaas

Dowladda Puntland oo 62,127 maro-kaneeco u qaybisay dadka deegaankaas

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-APR-2026

IDAACADDA 26-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo