Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Taleex: Roobab ka da’ay gobolka Sool ayaa baabi’iyay 350 beerood

Radio Ergo by Radio Ergo
May 17, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Shabeellaha Hoose: Fatahaad baabi’isay 45 hiktar oo beero ah

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Roobab ka da’ay 13kii bishan May deegaano hoos yimaada degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa daadad ku soo rogay beeralayda deegaanka Xalin.

350 beerood iyo 130 matooradii lagu waraabinayey ayaa biyaha qaadeen.

630 geed midhood oo isugu jira liin dhanaan, saytuun iyo babay ayay biyuhu xididada u siibeen.

Xuseen Cabdi Xalane, oo ah gudoomiayaha iskaashatada beeralayda deegaanka Xalin ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in roobabka oo wakhti ka badan 9 saacadood da’ayey ay keeneen in toga Xalin ay biyo badan soo rogo, karkaaradana jabsado.

“Afartan iyo shan sano biyo intaan le’egi ma soo marin toggan, mana jirin wax diyaar garow ah oo roob oo ay sameeyeen beeralaydu, waxayna u qaateen in xilli roobaadkii gu’gu baaqday oo inta badan beeraha waa laga maqnaa” ayuu yiri Xuseen.

Beeraha uu gebi ahaanba daadku xaaqay waxaa ku beernaa qudaar sida yaanyo, basal, barbarooni, saladh iyo kabsar.

Dadka beerahan lahaa waxay u badnaayeen danyar, iyadoo ay ka mid ahaayeen qoysas beeralay dhowaan noqday, oo ka mid ah kuwii xooluhu kaga dhamaadeen abaarihii 2017.

Waxay fatahaaddu saamaysay 170 qoys oo noloshoodu ku tiirsaneyd falashada beeraha oo degenaa deegaanka.

Deegaankan ayaa abaar ahaa 7 sano oo aan wax roob ahi ka da’in, beeralayduna ay ku tiirsanaayeen ceelal matooro saaran yihiin.

“Biyahan waxay ka yimaadeen buuraha Ilood iyo togaga waawayn ee biyeeya toga Xalimeed oo ay ka mid yihiin Gacan Guule, Yaaheema, Xeri Dheere, Xidh Maraa iyo Xidh Gaday, waana buuraha dhanka Qardho ka xiga Xalin, halkaasi oo ay ka da’een roobabka xoogoodu. Toga Xalimeen oo ah mid leh ilo biyuhu qulqulaan ayay dadka beeralayda ahi beeraha ka waraabsan jireen markii hore,” ayuu yiri Xuseen.

Axmed Nuur Aadan waa aabbe leh todoba carruur ah.

Muddo toban sano ah ayuu Axmed ahaa beeralay.

Beertiisa waxaa ku yaalo 85 geed oo isugu jirta liin iyo saytuun.

Axmed ayaa Ergo u sheegay in uu 450 kiish oo basal ah oo hadda soo go’ayay biyuhu ka qaadeen.

Wuxuu ku qayaasay qiimaha basasha u soo go’i lahayd 9.900 oo doolar.

“Beerta waxaa iiga shaqeya afar qof oo shaqaale ah oo midkiiba qaato 160 dollar, muddo afar bilood ku dhow ayaan hada fasalkan gacanta ku hayay, waxaa iga gashay lacag dhan lix kun oo dollar ah oo isugu jirta lacag shaqaale mid shidaal, cagaf, raashin. Runtii khasaare xoogan ayaa na soo gaadhay, noloshayadu waxay ku tiirsanayn beertaasi, xitaa raashinkii noo yaalay biyihu way qaateen,” Axmed ayaa sidaas u sheegay Raadiyo Ergo.

Deegaanka Xalin wuxuu caan ku ahaa beerashada, iyadoo xilligii dawladii dhexe ee Soomaaliya laga sameeyey barnaamijyo horumarinta beeraha iyo warshad yar oo sonkorta samaysa.

Waxaana dadka degani sheegayaan in beerashada deegaanku ay boqolaal sano soo jirtay, waana meesha ugu caansanayd beerashada gobollada Nugaal iyo Sool.

Xaliimo Faarax Gaas waa hooyo leh shan carruur ah ku waas oo ay aabahood kala tageen muddo 5 sano ah.

Nolosha carruurteedu waxay ku tiirsanayd beer ay tabcan jirtay.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay habaynkii biyaha daadku beerteeda qaadayeen galabnimadii ay aaday Taleex si ay uga soo iibsato baabuur.

Iyada lafteeduna beerta ka shaqaynaysay kana galeen qarash dhan kun iyo todobada boqol oo dollar oo dayn ah.

“Dhibaato wayn ayaa igu dhacday, wixii aan diraacda oo dhan tacab geliyay, beerta biyo ayaa qaaday. Carruurta waxaan u ka riyo ma haysto. Kun iyo todoba boqol oo dayn ah ayaan beerta u sii qaatay, aniga keliya dhibaatadan igu ma dhicin dad badan oo beeralay ah ayaa iga qaba,” ayay tiri Xaliimo.

Xaliima, waxay ii sheegtay in muddo todobaada ah ay ku soo tabcaysay beerta, uu na ka shaqaynayay wiil shaqaale ah oo ay siinaysay 120 dollar iyo 40 dollar oo raashin ah.

Beeralaydan degen deegaanka Xalin ee degmada Taleex ee gobolka Sool qaar ka mid ayaa hadda ka barakacay guryahoodii, iyagoo u barakacay gudaha tuulada Xalin.

Previous Post

Dowladda Puntland oo 62,127 maro-kaneeco u qaybisay dadka deegaankaas

Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 17 – MAY – 2019

Related Posts

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 13, 2026
Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 17 - MAY - 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUL-2026

IDAACADDA 13-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUL-2026
July 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUL-2026
July 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUL-2026
July 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUL-2026
July 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo