Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Roobab mahiigan ah oo qasaaro gaystay ayaa ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Togdheer

Radio Ergo by Radio Ergo
May 15, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Roobab mahiigaan ah oo guryihii ka saaray barakacayaal ku sugan Baydhabo

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sagaashan iyo saddex neef oo adhi ah ayaa ku dhintay tuulada Magaalo-yar ee gobolka Togdheer oo magaalada Burco u jirta 70 km oo roobab Mahiigaan ah ay tan iyo isniintii ka da’ayeen.

Roobabkan oo dadka deegaanku sheegeen in ay ahaayeen kuwa xoog badan oo dabeyl iyo qabow watay ayaa xoolaha dhintay ku helay meel dooxo ah oo ay daaqayeen sida ay sheegtay Canab Ibraahin Yuusuf oo ka mid ah dadka deggan Magaalo-yar.

Canab oo ah hooyo haysata shan carruur ah ayaa waxaa roobka uga dhintay 18 neef oo ari ah.

Waxay sheegtay in arigu u dhintay qabow badan iyo daadad roobku watay.

Waxay xustay in xoolaha ay u yimaadeen iyadoo naftu ku jirto hase yeeshee ay guri kari waayeen kaddin sidaas ay isaga bakhtiyeen.

Waxaa hadda u haray 24 neef oo ari ah oo ay sheegtay in ay dab u shiddo illaa hadda oo roobku da’ayo iyadoo ka cabsi qabta in qabow ay u dhintaan.

Waxay xustay in xooluhu ay aad u jilicsan yihiin ay kici waayeen markii roobku yimid maaddaama aysan doog fiican helin wixii ka dambeeyay roobkii deyrta.

“Adhigaygu waa jilicsanaa oo roob la’aan ayaa hayay, roob lixaadle oo baraf wata ayaa da’ay, adhigu waa qadhqadhay, waana jilicsanaa oo abaar ayaa ka daashay, raashin ayaanu siin jiray oo daaq mahaysan, adhigu markii uu biyihii hafiyeen waa daatay hadda baaqigii haray guryahaanu ku xeraynay oo ay jirsadaan marka dhibicda roobku soo da’do’’ayay tiri Canab.

Tuulada Magaalo-yar oo ay ku hareeraysan yihiin labo dooxo oo u horseeday in daadadku ay ku soo rogmadaan magaalada ayaa sidoo kale waxay cabsi ku abuureen dadka dhex deggannaa kuwaas oo ka soo cararay cabsi ay ka qabaan in daadadku qaadaan.

Jaamac Xaashi oo ah 68 jir ah, waxaa roobka uga dhintay 23 neef oo ari ah.

Ka sokow xoolaha ka dhintay, Jaamac oo degganaa dooxooyinka dhexdooda daadka ayaa saameyn ku yeeshay reerkiisa waxaana carruurtiisa oo u la soo cararay tuulada si aanay dhib uga soo gaarin.

Wuxuu sheegay inuu haystay 40 neef ari ah oo uga soo badbaaday roob-yarida iyo daaq la’aanta ka jirtay deegaankiisa.

Jaamac ayaa intaa ku daray in aysan filayn dadka deegaanku in roob sidaas u xoog badan uu ka da’i doono tuulada oo aanay horay uga gaashaaman.

Jaamac Xaashi oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in sagaal qoys ay ka dhinteen xoolaha roobku laayay.

‘’Waxaa na helay roob lixaad leh shalay, waxaan ka mid ahay dadka dooxada Yaala ee uu adhiga kala tegey, adhigaygu marka horeba wayd ayuu ahaa. Roob culus oo aan muddo dhawr sano ah nahelin buu aha,  guri aanu maanta bakhtigii adhigu dul oollini ma jiro gurigan hadda 30sano ayaan degenaa, kan oo kale nama helin roobabkuna waa da’ayeen sina nooma qaadan jirin’’ ayuu yiri Jaamac.

Qoysaska deggan Magaalo-yar iyo deegaannaada hoostada oo xoolaha ay haysteen aad u yaraayeen ayaa haddana waxaa saameynta ugu badan ku yeeshay roobka oo ay baahi badan u qabeen si xooluhu daaq ugu helaan.

Cibaado Muuse oo 15 ari ah ay ka dhinteen ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in adhigeedu markii horeba aanu badanayn iyadoo ay hadda u hareen tobon neef.

Cibaado oo ah hooyo haysata toddobo carruur oo kan u wayn yahay 15jir waxay abaarta 2016/2017-kii ka hor lahayd 75neef oo ari ah oo ay uga soo doogeen toddobo neef oo ari ah.

Waxaa baahida ay roobka u qabto ka sokow ay sheegtay inay u baahnaan doonto in xoolo kale oo ay dhaqato hesho.

Cibaado ayaa xustay in dhanka kale roobka da’aya uu ka qaaday alaabtii oo carruurta ay kala soo carareen daad magaalada soo galay kaas oo ka soo rogmay dooxooyinka ka ag-dhow tuulada.

‘’Adhiga daad ayaa iga qaaday oo meel dooxo ah oo magaalada ku dhaw ayuu u daaq-tegey. Intana diriqi ayaa lagaga reebay oo dadka tuulada ayaa u soo gurmaday oo adhi badan oo kaygu ku jiro ayuu qaaday,” ayay tiri Cibaado.

Dhanka kale roob ay dadku ku qabowsadeen ayaa ka da’ay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Magaalada ayaa roobka guga heshay markii ugu horreysay, waxaana dadka ay yihiin kuwa roobka ku faraxsan.

 

Previous Post

Roobka Sanaag: Dad ku haraad baxay iyo kuwa ku guryo beelay

Next Post

Guriceel: baaritaanno iyo daweyn caafimaad loo sameeyay dad barakacay

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Hargeysa: Dhakhaatiir samaysay hanaan ay guryaha bukaanada ugu tagaan kuna daaweeya

Guriceel: baaritaanno iyo daweyn caafimaad loo sameeyay dad barakacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-SEP-202

IDAACADDA 09-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo