Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Qoysaska soo barakacay oo la siiyay sharciga lahaanshiyaha dhulka xeryaha ay degan yihiin

Radio Ergo by Radio Ergo
May 23, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Shuban-biyood ka jira Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Todobo kun oo qoysas barakac ahaa ayaa helay sharciyo dhulka ay deganyihiin ee gudaha magaalada Baydhabo sideeddii bilood ee la soo dhaafay.

Qoysaskani ayaa isugu jira kuwa ku soo cayrtoobay abaarihii ku dhuftay koonfurta Soomaaliya 2016  iyo 2017, iyo kuwii horay u sii degannaa xeryaha lagu barakacay ee ku yaala magaalada.

Maamulka dawladda hoose ee Baydhabo oo taageero ka helaayo hay’adda qaxootiga ee Norway (NRC) ayaa qoys walba siiyay warqada lahaanshiyaha dhulka ay degan yihiin. Dadka warqadaha la siiyay ayaa ku nool 54 xero oo ku yaala daafaha iyo gudaha magaalada.

Markabo Cali Abuukar oo muddo saddex sano ah barakac ku ahayd Baydhabo ayaa ka mid ah dadkaas. Iyada iyo qoyskeeda oo ka kooban 11 qof waxaa la siiyay dhul cabirkiisu yahay 5 mitir oo ku yaala xerada Elbay. Waxa ay halkaas ka dhisteen labo guri oo cooshad ka sameysan.

“Arrinta igu daran oo isoo martay, waxay aheyd saddex maalin iyo seddax habeen qorax iyo dhaxan meel banaan ah aan joognay (kadib) markii la iga soo barakiciyeey meeshi aan deganaa,” ayay tiri Markabo oo toban jeer ka badan laga soo barakicyay xeryo ay horey u degtay. Qoyska Markabo ayaa kusoo biiray xeryaha dadka barakacay ee Baydhabo saddex sanno kahor iyada oo xilligaas kasoo qaxday deegaanka Qansaxdheere ee isla gobolka Bay.

Gudoomiyaha degmada Baydhabo, Cabdilaahi Cali Watiin oo Raadiyo Ergo la hadley ayaa sheegay in arrintaan dhulka loo sharciyeynayo dadkan barakaca ah ay qayb ka tahay dadaalo xal waara loogu raadinayo kumanaan qof oo barakac ku ah gudaha Baydhabo.

“Warqadaha sharciyaysan ee ay wataan waxay tilmaameysaa in dhulka iyagu leeyihiin. Laga ma saari karo dhulka iyagaa leh, iyagaa deganaanayo. Waa iibsan karaan; waa dhisan karaan,” ayuu yiri Cabdilaahi oo la hadlay Raadiye Ergo. Hay’adda NRC ayaa qoysaska ku caawisay $320 doolar oo qoys walba loogu iibiyay dhulka.

Muumino Axmed Cali, oo ah 47 sano jir, waxay sidoo kale ka mid tahay dadka la siiyay sabarloogooyinka ee hadda helay dhul ay degaan.

“Nolol ba hadda dhow ayay inoo bilaabatay waayo barakicin ayaan ka bixi waynay. Marba meel ayaa naga la rarayay. Waxan ogahay habeeno badan oo banaano jiifanaynay. Hadda waan ku faraxnay mar haddiiba dhulka nala sharciyeyay. Waxan ba wali ka haray, fikirkii ahaa in aan dib u noqdo, halkan ayaana ku sii noolaanayaa,” ayay Muumino u sheegtay Raadiyow Ergo.

Muumino iyo 144 qoys ee kale ee kula nool xerada Elbay waxa ay dhammaan heleen sharciga lahaanshiyaha dhulka. Muumino waa beeraley hore oo ka soo barakacday deegaanka Awdiinle.

Yuusuf Siidow Cali waa gudoomiyaha ku-xigeenka xerada Elbay waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay in qoysaska soo barakacay la kulmi jireen jirdil iyo agabkooda oo la boobo xilliyada sida kediska ah loogu qasbo inay ka guuraan xeryaha ay degan yihiin oo ku yaal dhul gaar loo leeyahay. Si kastaba, weli qoysas badan oo ku nool xeryaha dadka soo barakacay ee Baydhabo ma heystaan warqad lahaanshiyaha dhulka ay degan yihiin oo waxa ay u nugul yihiin in la barakiciyo markale.

Previous Post

Awdal: Roob mahiigaan ah iyo fatahaada badda oo barakiciyay dadka Saylac

Next Post

Laascaanood: Haweenka hilibka iibiya oo ka walaacsan qiimo koror ku yimid xoolaha

Related Posts

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Next Post
HAWEENKA KISMAAYO OO YEESHAY KULAN AY NABADDA KU TAAGEERAYAAN

Laascaanood: Haweenka hilibka iibiya oo ka walaacsan qiimo koror ku yimid xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-AUG-2026

IDAACADDA 21-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-AUG-2026
August 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-AUG-2026
August 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-AUG-2026
August 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo